Urur Siyaasadeedka Galool

Urur Siyaasadeedka Galool

Share

ururka hormarka shacabka somaliland Urur Siyaasadeedka Harumarka iyo Midnimada Somaliland ee Galool.

Photos from Urur Siyaasadeedka Galool's post 26/09/2022

Waa Dacwadii aanu Saaka u gudbinay Maxkamada Sare ee Somaliland, si loo eego wixii Xeerka ka baxsan ee ay gudiddu soo rogtay.

24/09/2022

Gudida diwaangalinta Ururradda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku, waxa ay Ururrada ku soo rogayn habraacyo ka hor imanaaya Xeer Lr. 14, kuwaasi oo ah;
1- in dadka 1000ka qof ee gobolkasta u diwaangashani in ay haystaan kaadhka codaynta taasi oo aan haba yaraatee xeerka ku Xusnayn aanu tilmaamina.
2- Waxa ay soo rogayn in kaadhka qofka Sawir laga soo qaado oo qof muwaadin ah xogtiisii la soo sawirto taasina xeerku muu sheegin. Waana arin khatar ku ah guud ahaan dawlada iyo nidaamka doorashooyinka.
3- Waxa ay soo rogayn in muddadii Lixda bilood ee xeerku jidayay in Ururradu shuruudaha ay ku buuxiyaan, wey soo koobeen taasina maaha arin xeerka iyo sharciga waafaqsan.

Sidaasi darteed jidka ay gudidu jeexday waa mid gabi ahaanba ka soo horjeeda Xeer Lr. 14 Oo ah kii aanu U samaynay Ururrada, Cashuurtana u shubanay. Isla jeerkaa suuro gal maaha wax ka baxsan Xeerka in la yidhaa Ururbaa ku hadhay midna wuu ku soo baxay.

20/09/2022

Xeer Lr. 14 Waa cadaab jaxiima ah cid kasta dabar buu ku xidhay, in Ururo la furto oo Xisbinimo la gaadho caqabad buu ku yahay, khaas ahaan dhalinyaraduna haddii aanay is kaashan door ma qaadan karaan, oo hankooda ma muujin karaan sababta oo ah shuruudaha uu ku xidhay maaha kuwo la dhaafi karro, sidaasi oo ay tahay guud ahaan dhalinta Somaliland waxaanu marti ugu nahay maanta in ay Taageero iyo Hiil nala garab joogsadaan si aanu Galool Xisbi u gaadhsiino madaamoo dhalinyaradu ay tahay kuwa ugu badan shacabka reer Somaliland. " Inkastoo Nin geesi ragu geed adayg yahay, haddaan garabka la la qaban guri oodi maayo". Qodobka kaliya ee hadda shuruudihii hadhay waa sidii loo keeni lahaa gobolkasta 1000 kaadh oo ah ka codaynta ama ka dhalashada.

19/09/2022

𝗚𝗔𝗟𝗢𝗢𝗟 wuxuu u taagan yahay doorka siyaasiga ee dhalinyarada iyo in la sameeyo isbedel dhab ah, sidaasi oo ay tahay waxa mihiima in laga caawi siidii loo gaadhi lahaa 1000 kaadh ee lixda gobol ee Somaliland.

18/09/2022
Photos from Urur Siyaasadeedka Galool's post 18/09/2022

Shirweynaha1aad ee urur siyaasadeedka Galool

18/09/2022

Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi 'Diini' ayaa Si rasmi ah loogu dooratay Gudoomiyha ururka Galool

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa
Hargeisa