Caqabadaha kaa Hortaagan inaad Horumar Sameyso?
Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:
1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle: Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa “U kaalaya Guusha” haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.
2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso: Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu h**eysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono.
3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun: Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa.
4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada: Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.
5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso: ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.
6. Jooji inaad Xaasid noqoto: Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd.
7. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay: wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta.
8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso: Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti.
9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso: Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa.
10. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido: Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh.
11. Jooji inaad midabkaaga bedesho: In badan waxay muuqooda ku lumiyeen banaanka ka raadin qurux. Kuma qanacsana naftooda. Mar haddii qofku yahay Abuurti Alle ma jiro wax ka qurxoon. Yaa la isu bedelayaa? Ma qof aan Asal “original” kugu rabin oo qurux aan dabiici ahayn “artificial” kugu raacaya?
W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje
Axmed reeshiyo
Ku soo dhawaada page keena cusub ee Axmed
reeshiyo
naga hel muuqaalo iyo waxyaalo ku raali galiya. nagu dhiiri gali fallow da iyo like ......... mahadsanidin
Talooyin ku anfacaaya markaad gaadhigaaga shidaal ku shubayso.
1. Gaadhigaaga shidaalka ku shub subaxda h**e. Waaberiga heerkulka shidaalku aad baa uu u hooseeyaa. Laga soo bilaabo galabnimadii shalay iyo habeennimadii oo heerkulku si guudba hoos u dhaco ayaa sababa in uu qaboobo shidaalku. Mar kasta oo uu heerkulka shidaalku hoos u dhacana waxaa kordha cufnaantiisa. Sideedaba dareeruhu qabowga waa uu ururaa oo isku cufmaa, halka uu kulaylahana kala baxo oo uu khafiif noqdo.Halka Litir ee aad duhurnimada iyo qorrax kulaylka iibsataa ma’aha litir dhammaystiran. Laakiin, litirka aad aroorta h**e iyo xilli qaboobaha iibsataa waa uu ka badan yahay litir caadi ah.
2. Iska ilaali xawaaraha bamka shidaalka kugu shubaya. Bambku waxa uu leeyahay saddex heer oo uu shidaalku u soo tuuro; in uu aayar shubo, in uu dhexdhexaad yahay iyo in uu si xoog ah u soo tuuro. Haddii gacanta bambka xoog loo cadaadiyo waxaa kordha xawaarihiisa.Mar kasta oo xawaaraha baatroolka uu bambku tuurayaa sarreeyo waxaa bata uummi baxa ku dhacaya / shidaalka hawada raacaysa, sidaas awgeed shidaal kuu tirsan ayaa hawada raacaya. Halka mar kasta oo uu yaraado xawaaruhu uu hoos u dhacayo uummi baxo.
3. Mar kasta oo shidaalka taangiga gaadhigaaga ku jiraa yaraado, waxaa halkiisa gasha hawo, sidaas awgeed in taangiga oo madhan ama xitaa kala badh ka hooseeya aad shidaal ku shubtaa waxa ay sababtaa in shidaalku si dhaqso ah u uummi bixi karo / hawada u raaci karo. Mar kasta oo shidaalka taangiga ku jiraa badanyahayna waxaa yar hawada ku jirta, taasina waxa ay yaraynaysaa shidaalka uummi baxaya.Ku dadaal in aad hal mar buuxiso shidaalka gaadhiga, kaddibna mar kasta oo saacaddu kala badh gaadho aad shidaal ka ku kordhiso.
-
Xigasho: Kamaal Marjaan
MILIXDA: WARKII H**E WAR BAA SOO DHAAFAY
Milixdu muddo dheer waxa ay ku tirsanayd curiyeyaasha khatarta ku ah caafimaadka qofka, waxa aana si joogta ah looga digaa isticmaalkeeda, laakiin cilmibaadhisaha cusub ee muddooyinkan dambe la samaynayaa waxa ay muujinayaan natiijo taas ka duwan. Waxaa ka mid ah in milixdu ay lagama maarmaan u tahay qaybo badan oo ka mid ah shaqooyinka xubnaha jidhka.
Xaddiga milixda uu qofku u baahanyahayna waxa ay ku xidhantahay hadba inta uu miisaankiisu yahay. Tusaale ahaan qofka miisaankiisu yahay 70 kg, waxa uu jidhkoosi u u baahan yahay milix lagu qiyaasayo 62 malqacadood oo yaryar.
In kasta oo dadka dhiigkarka qaba muddo dheer looga digayey milixda, haddana daraasadaha cusubi waxa ay tilmaamayaan in isticmaalka milixdu aanu ahayn sababta dhiigga kicisa, balse ay tahay jidhka qofku sida uu u shaqaynayo, haddii qofka jidhkiisu uu u shaqaynayo qaab uu awood u leeyahay in uu milixda iska saaro, wax khatar ah kuma keenayso milixda uu isticmaalaa, laakiin haddii aanu taas jidhku awoodin waxa ay kicisaa dhiigga.
FAA’IIDOOYINKA MILIXDA
- Milixdu waxa ay caawisaa ilaalinta isu dheellitirnaanta dareeraha jidhka, iyo in jidhku uu qoyanaado. Haddii milixdu ku yaraato jidhkana waxa ay keentaa khataro nololeed, waxa aana xaaladdan lagu tilmaamaa “Sumowga biyaha”
- Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahanyahay ‘Gudbiye milme’ (Electrolyte) oo tamarta gaadhsiiyaa maskaxda, Wadnaha iyo neerfaha. Jidhka bani aadamku waa sida in ay ku rakibanyihiin malaayiin bayteri yaryar ah oo ilaalinaya garaaca Wadnaha, isla markaana tamarta gaadhsiinaya maskaxda iyo habdhiska neerfaha. Haddii aanay baytaryadaasi jiri lahayna uu jidhku shaqada oo dhan joojinayo.
Haddaba milixdu waxa ay ka mid tahay ‘Gudbiye-milmayaasha’ aynu soo sheegaynay. Waa macdan marka ay dareeraha kale ee jidhka ku milanto awood u yeelata in ay xambaarto sal-danabka (Electric charge), marka ay dhiigga ku milantanna waxaa ka dhasha qulqul danab oo si habsami ah u gaadha dhammaan unugyada jidhka.
Cilmibaadhisaha cusubi waxa ay xaqiijinayaan in milixda (Chloride Sodium) ay muhiim u tahay in badan oo ka mid ah shaqooyinka ay xubnaha jidhku qabtaan, waxaa ka mid ah in ay jidhka u ilaaliso biyaha uu u baahanyahay, iyo wanaajinta shaqooyinka Wadnaha, muruqyada iyo neerfaha.
FG:
Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ku talisay in qofku uu Maalintii isticmaalo milix xaddigeedu ka yar yahay 5 giraam.
الجزيرة الوثائقية
Talaabooyinka Caafimaadka ee maalmaha Ciida
1. Iskuday inaad quudato cunto dheelitiran oo ka kooban Lixda nafaqo, sida Hilibka, Kaluunka, khudaarta iyo Biyaha
2. Iska ilaali isticmaalka badan ee sharaabada Soda leh sida cabitaanada Cocolaha leh oo kale
3. Iska yaree Cuntooyinka Dufanku ama Saliidu ku badan tahay
4. Iska yaree cuntooyinka macaanku ku badan yahay.
5. Isticmaal shaaha cagaaran ee la yidhaahdo Green tea.
6. Samee jimicsi yar oo fudud xiliyada cadceedu qabawdo
7. Iska jir waxyaabaha mukhaadaraadku ku jiro sida qaadka iyo sigaarka
8. Isticmaal Biyo badan si aad uga hortagto qalaylka jidhka ku dhacaya
9. U dhaxaysii cuntooyinka aad cunayso mudo ku siman lix saacadood
10. Iska yaree cuntooyinka Milixdu ku badan tahay
11. Iska ilaali inaad isticmaasho cunto badan hal mar, maadama ay calooshada ku keenayso dibiraad iyo calool xanuun
Ciid Mubarik
Hodanimada Afkeenna! 106 magac oo roobku keligii leeyahay Afsoomaaliga mooyee Afkale maleh
Aabaha Afafka Aadanaha weeye.
Noocyada daruurta.
1. Daruur
2. Heego
3. Hogol
4. Hanjalis
5. Waqal
6. Fad
7. Guulaamo
8. Marso
9. Biyo la roor
10. Jarar
11. Sagal
12. Yaare
13. Yal
14. Caad
15. Ceeryaan
16. Cirtoob
17. Wayle
18. Kaydaf
19. Cadar Xagaa
20. Garab
21. Gaadh
Jaadadka Roobka.
22. Mahiigaan
23. Miiraale
24. Mayey (aroor)
25. Moodaale (galab)
26. Gadiidaale (duhur)
27. Mayrac (fiid)
28. Mir (saqdhexe)
29. Jir (habeen)
30. Jirdagooye
31. Jigaanjig
32. Gudgude
33. Garamme
34. Geeldooje
35. Dhool
36. Dhaan negeeye
37. Dhibic
38. Johorad
Noocyada roobku uu u da'o.
39. Hoorimaad
40. Mijo haadle
41. Caaro hoor
42. Burur
43. Daadmaris
44. Biyodhig
45. Qoordadab
46. Tumay
47. Tiix
48. Gebedh
49. Ururufo
50. Cadcadays
51. Joojoojis
52. Hubuc
53. Hugunbaadh
54. Helimaas
55. Hayeys
56. Habqam
57. Bushuq
58. Circadaadi
59. Dhalaal
60. Waraab
61. Candho qoys
62. Afqoys
63. Duulduul
64. Qabqable
65. Yaare
66. Yuurur
67. Nayle hafiye
68. Nayle jaliye
69. Heega dhac
70. Jidhaameeye
71. Amaaguur
72. Jartaale
73. Deyrooti
74. Hibitiq
75. Habis
76. Gabaabe
78. Bululuqle/Gululucle.
Noocyada Roobka.
79. Xays
80. Todob
81. Wajiine
82. Diraac
83. Deyr Gudban
84. Deyr Halalood
85. Deyr Habis
86. Karan
87. Samalaho
89. Seyr (sadexda bilood ee guga seyr ma weydo oo gugu curto , bisha dirir iyo bisha cawl)
Noocyada onkadka roobka.
90. Hanqadh
91. Riigaan
92. Gariir
93. Reen
94. Gugugucle
95. Qowqowle
96. Nownowle
97. Jignigle
98. Jawjawle
Noocyada hilaaca roobka.
99. Galalacle
100. Galacle
101. Halalacle
102. Bililigle
103. Biligle
104. Walalacle
105. Milikhsade
106. Kaah
Noocyada dabaylaha roobka.
107. Foore
108. Ufo
109. Dabayl
110. Duufaan
111. Calaydh
112. Geydh
113. Gufaaco
114. Qayood
115. Qajajo
116. Saxansaxo
117. Galangal
118. Walanwal
Adna ku darso.
Maaha xog aan soo ururshay ee waa intaan anigu aqoono ama deeggaanka aan ku barbaaray laga adeegsado. Hadii deeggaanada soomaalida lagasoo urursho xogtan waxaan hubaa xaqiidii 500 oo magac inay gaadhayaan magacyada roobku. Mana jiro aduunka Afkale oo Af soomaaliga la tartami karaa dhankastaba oo afsoomaaligu waa aabihii Afafka aadanaha. Laakiin dadkiisiibaa gabay oo waa gabnoobay oo gabloolay oo gamashiyey oo gabaabsiyey oo wuu goblamay ilahay haw gargaaree.
Afka soomaaligu waa hodan
Aan la ogeyne
Waa aabihii afafka oo dhami
Ka isirmeene
Bal eeg xagkasta xeel dheerida
Abid laga salgaadheyn
Intaad afkaaga ka aradantahay
Cilmigu kuma anfacee
Aqooni waa dhaqankaaga iyo
Afkaad ku ababtaye
....................................
WQ- Dhulbeeg Axmed.
30/04/2022
== DEFENDIND HISTORY/DIFAACIDA TAARIIKHDA SOOMAALIDA==
W/Q: Siciid Suudi Cabdi, Madaxa Hoggaanka Ciidanka Qaranka.
Qorayaasha Soomaalidu, gaar ahaan qoraalada ku saabsan taariikhda ujeedada ay u qoraan waa: inay ku difaacaan tolalka, kuna buunbuuniyaan magacyada awooweyaashood, geesinimadooda, suugaantooda, deegaamadooda iyo dagaalo ay ku jabiyeen beelo kale, geelal kaga dhaceen, biyo iyo baad ku qabsadeen, sida silsiladii Gubba oo kale.
Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa siyaasi iyo taariikhyahan, qoraaladiisu way ka duwan yihiin sida Soomaalidu taariikhda u soo tabiso, qoraaladiisa marnaba k**a dareemi kartid isagoo ugu xaglinaya beelaha uu kasoo jeeda: reer Rooble, Ciidagale, Isaaq IWM.
Buuga Difaaca Taariikhda/ Defending History, oo ka mid ah buugaagta uu qoray, waxa uu muujinayaa taariikhda dahabiga ah ee halganka qalinka ee marxuum Jaamac-Yare ku keliyeystay (ogaalkayga).
Ujeedada buugani waa inuu ku difaaco taariikhda Soomaalida oo qorayaal Itoobiyaan iyo ajnabi kale ba ku weerareen isirka Soomaalida iyo lahaanshaha dhulalka Soomaaliyeed ee 5ta ah.
Marxuumku wuxuu buugan kusoo bandhigayaa in dadka Soomaaliyeed yihiin dad nasab ah oo leh dhaqan iyo hiddo gobanimo.
Waxa uu ku dheeraanayaa in dadka Soomaalidu ahaayeen xoola dhaqato qab leh, is kaalmeeya, marti iyo magan gelinba leh, bir-mageydo leh, ka dulman u hiiliya, ka gar-daran qabta, isuguna faana dhaqanada sare, halka Itoobiyaanku is adoonsan jireen, xukunkana ku gumaysta qoomiyadaha Oramadu ka mid tahay.
Qorayaasha ugu badan ee ujaawaabi jiray waxa ka mid ah Dr. Kinfe Abraham oo xilal kala duwan kasoo qabtay Itoobiya, soona xigan jiray buugaagta Danjire Cawil.
Ugu danbayn, dadka Soomaaliyeed ha ka feejignaadaan hadalada macno darrada ah ee ay u yidhaahdaan: magaalooyin badan magacyadoodu waxay kasoo jeedaan afaf shisheey.
Allah yarxam, marxuum Jaamac Maxamed Qaalib oo maanta 29/04/2022 - Jimce lagu aasay qubuuraha Toon/ Koonfurta Hargaysa.
Halxidhalayaal
1. Waxaad sheegtaa halka ama meesha wiilka yari hooyadii uga weynyahay?
2. Waxaad sheegtaa shimbirta ka cida wax kastoo guuxa?
3. Waxaad sheegtaa arrin aan rag soo marin?
4. Waxaad sheegtaa halka ama meesha geela iyo raggu iska le'egyihiin?
Ahmed Ratio
Click here to claim your Sponsored Listing.
