08/04/2026
Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa Ayaa la sheegay inay Xidheen Nin dhaliin yaro ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdiraxmaan Maxamed kaas oo ku magac dheer boqorka burco
Ninkan oo ka mid ah dhaliinyarada Tiktokerska ah ayaa Sheegay in loo haysto dayn dhan $2000 taas oo ka timi Cunto u cunay hal bil gaar ahaan bishii la soo dhaafay ee ramadan
Saddexdii habeen ee ugu dambeysay ayuu Yuusuf waday olole uu lacagtaas ku uruurinayey isagoo sameynayay muuqaallo live ah oo TikTok ah,
si dadka Mixsiniinta ah uga qeyb qaataan bixinta lacagta lagu leeyahay ee Cuntada ah
Sida uu isagu sheegay, wuxuu ku guuleystay inuu helo $1,200, halka ay weli ka harsan tahay $800
Ilo ku dhow arrinta ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka cadhoodeen aabihii iyo beeshiisa, kuwaas oo ku eedeeyey inuu Sameeyey ceeb iyo Fadeexad bulshada dhexdeeda ah
Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in sii deyntiisa ay ku xirnaan karto go’aanka qoyskiisa, gaar ahaan aabihii
08/04/2026
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa turjumaannada Sahra Cismaan Caalin oo habaryarteed maanta geeriyootay.
Alle ha u naxariisto marxuumadda, qabrigana ha u nuuriyo, su’aalahana ha u fududeeyo.
Samir iyo iimaan Alle haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxday.
Aamiin, Aamiin.
01/04/2026
:- Taliska Ciidamada Booliska JSL waxay bulshada ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan soo qabashada eedaysane Cabdirisaaq Aadan Rooble, oo ku eedaysan in maanta saacaddu markay ahayd 10:30 uu dil u geystay Marxuum Maxamed Axmed Kaahin.
Falkan ayaa ka dhacay Xaafadda Jungalka ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada Boolisku waxay si sharaf leh uga codsanayaan dhammaan shacabka in ay Ciidanka kala shaqeeyaan soo qabashada eedaysanaha, isla markaana cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay ay si degdeg ah ula xidhiidho Ciidamada Booliska. Soo wac. 520175 Ama 999 iyo Saldhig boolis halka ugu dhaw.
Sidoo kale Baraha bulshada ee Ciidanka nagula soo wadaaga.
Mahadsanidiin.
Sawirka eedaysanuhu waakan.
22/03/2026
Mustafe jiiyo iyo maxamed Mohamed Ordaaye oo maanta dalxiis ku tagay gobolka cagaran ee Gabiley
Maxamed ordaaye gobolada Somaliland inuu Soo boqdo ayaan rajaynaya dhamantiina aad Soo dhawaysan
Waxaan ballan inoo ah ilaa Somaliland aqoonsi hesho ma fadhisanayo
22/03/2026
musharaxa Xildhibaanad Filsan Xuseen Khaliif ayaa bulshada u dirtay farriin wacyigelin ah oo ku saabsan xilliga roobka, iyadoo ku boorisay in la ilaaliyo badbaadada, gaar ahaan carruurta iyo dadka ku nool agagaarka dooxyada.
Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay dadka miyiga in ay ka faa’iidaystaan roobka, beeraha qotaan, isla markaana sameeyaan kayd mustaqbalka u anfaca.
Xildhibaanaddu waxay xustay in roobku yahay nimco Eebbe, balse u baahan feejignaan iyo taxaddar si looga fogaado khataraha ka iman kara.
22/03/2026
Wadanka Somaliland oo roob weyn helay ramadanta la bacdi
Alleh ha wadee nimacada
20/03/2026
Dhallinyarro maqalka naafada ah ayaa sheegay inay si wadajir ah ugu damaashaadeen munaasabadda Ciida gobolka cagaran ee Gabiley, iyaga oo ka ambabaxay caasimadda Hargeysa.
Waxay sheegeen inay halkaas ku qaateen Ciido farxad leh oo ay ku dheehan tahay wadajir, is-xasuusin iyo madadaalo, iyagoo muujiyey sida ay muhiim u tahay isku duubnida iyo is garab istaagga bulshada maqalka naafada ah.
20/03/2026
Guddoomiyaha xafiiska gobolka Awdal, Wadal Saamiya Muuse Cabdillaahi, ayaa hambalyo iyo duco ku aaddan munaasabadda Ciida u dirtay bulshada maqalka naafada ah ee ku nool gobolka Awdal iyo guud ahaan Somaliland.
Waxay xustay in Ciidu tahay maalin qiimo leh oo xambaarsan farxad, naxariis iyo isu soo dhawaansho, iyadoo bulshada u rajaysay caafimaad, nabad iyo horumar. Waxay sidoo kale ku boorisay bulshada maqalka naafada ah inay xoojiyaan wadajirka, is taageeridda iyo ka shaqaynta horumarka noloshooda.
Ugu dambayn, waxay tidhi: Ciid Mubaarak dhammaantiin, ALLE ha idinku gaadhsiiyo ciido kale oo badan oo barwaaqo iyo bashbash leh.
20/03/2026
Dhalinyarrada maqalka naafada ah ee gobolka Awdal ayaa si wadajir ah u ciiday, iyagoo farxad iyo isku duubni ku muujiyay munaasabadda Ciida. Waxay sidoo kale qaadeen sawir xasuus ah oo ay ku muujinayaan midnimadooda, iyagoo idin leh: Ciida wanaagsan dhammaantiin.
Somaliland Deaf News