Khalid Mire Nuh
Personal page
عيد مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Hambalyo dhammaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland munaasibada ciidul fidriga awgeed.
Allaha inaga aqbalo acmaasha khayrka ah ee aynu gudanay bishan barakaysan ee dhamaatay.
Khalid Mire Nuh Personal page
Soonqaad wanaagsan guud ahaan Umada islaamka idilkeed. Allaha bishan barakaysan inagu sugo Camalsan iyo Cibaado Suuban.
Khalid Mire Nuh Personal page
07/03/2024
Farxad bay ii tahay in aan caawa abaal Marino 13 ka mida Shaqaalaha Dawladda kuwaasi oo ku mutaystay abaal marintan Shaqo wanaag iyo wakhti badan oo ay qarankooga u shaqaynayeen iyagoo ka soo bilaabay meel adag shaqada qaranka, kuwa naftooda u huray si shicibkoodu ugu naaloodaan dhul ka caagan walxaha qarxa, kuwa kalena waxay abaalmarinta ku mutaysteen hantidii ma guurtada ahayd ee wadankani lahaa siday u ilasheen, Macalimiintii soo saaray Madaxda hogaamisa dalka, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo engineero takhasus badan u leh shaqada ay hayaan, ilaaliyeyaasha deegeenka dalka, Macalimiintii saxaafada iyo Dhaqaaleyano seeska u dhigay Nidaamka Maamulka Maaliyadda, Dhamantiinba Hambalyo, Wad mudan tihiin in la idin Xuso.
21/02/2024
Illahay mahadii waxaan maanta so dhamaaday imtixaan daahfuran oo aan ka qaadaynay 4,354 Macalin oo si ku meelgaadh ah uga shaqaynayay dugsiyada dawliga ah ee lixda gobol ee dalka.
Waxaan hambalyaynayaa Guulastayashii 5 gobol ee h**e oo si Rasmi ah uga mid noqonaya Shaqaalaha Dawladda Jsl, Gobolka m/jeex maanta imtixaanka u fadhiistayna waan u ducaynaynaa IA.
Waxaan u mahadnaqayaa Xubnihii Gudiga Hay'adda Shaqaalaha iyo Wasaradda Waxbarashada oo si nafhurnimo leh u shaqeeyay mudo 30 maalmood oo imtixaanku ka socday 6 gobol ee dalka.
Daahfurnaanta iyo Cadaalada ayaa ugu midho macaan
Allaha Mahadleh
Khalid Mire
Waxa maanta oo bishu 17/1/2024 Shaacinay Imtixaan daahfuran oo loo geli doono 600 oo Boos oo ay u tartamayaan 4,354 Macalin oo ku meelgaadh ah kana hawl gelayay dugsiyada dawliga ah ee lixda gobol ee dalka Jsl.
Allahuakbar
Anagoo fulinayna qorshaha guud ee qaranka, waxaan maanta dib u eegis ku samaynay qorshihii Sanadka 2023 wixii qorshaysnaa, sidoo kale waxaan isdul taagnay sanadka 2024 waxa qorshaysan iyo Hanaanki loo fulin lahaa IA.
Alla xusid Mudan.
06/12/2023
Farxad bay ii tahay inaan ka qayb galo xaflada ay xilka kula Kala wareegyeen laba agaasime guud oon sxb dhaw nahay, Agaasime Mustafe Cumar Faarax Wan ugu ducaynayaa masuuliyadda loo igmaday, Sxbkay Agaasime Guud h**e Axmed yasiin Muxumed Xasan Mustaqbal wanagsan iyo Mansab ka sareeya halkii h**e Ayaan u rejaynayaa.
Waxaan Hay'adda Shaqaalaha ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Cusub ee uu soo magacaabay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Sidoo kale waxaan sabooyinay gudoomiye ku xigeenki h**e oo in mudo ah si wanaagsan u wada shaqaynay.
29/11/2023
29/November/2023 Waxaanu meelaynay 483 Shaqaale oo ahaa Kaadirkii Dhalinyarada Carbiska ee Shaqo Qaran kuwaasi oo lagu meeleeyay Hay'addaha dawladda ee dalka.
Waxaan hambalyaynayaa 170 Hablood iyo 313 Wiil oo ahaa dhalinyaradda dufcadda 4aad ee barnaamijka Shaqo qaran oo ka gudbay hubinta iyo kala saaris Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission samaysay.
Barnaamijka Shaqo qaran ayaa ah hal-abuur fikirkiisa uu lahaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu talo galay wax ka qabashada shaqo la'aanta ka jirta wadanka waana mid ka mida barnaamijyadda guulaystay oo ay ka aflaxeen dhalinyar badan oo ka shaqeeya Hay'addaha dawladda.
01/11/2023
1/November/2023
Waxaan daahfurnay tababarka Nidaamka casriga ah ee Maamulka xogta Shaqaalaha Dawladda 'HRMIS' Nidaamkani waxa uu wax weyn ka Tari doonaa fududaynta Wada shaqaynta Hay'adda Shaqaalaha iyo Hay'addaha dawladda ee xogta Shaqaalaha.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Hargeisa
