Maxkamadda Sare JSL

Maxkamadda Sare JSL

Share

This is the official page of the Supreme Court of the Republic of Somaliland.

Photos from Maxkamadda Sare JSL's post 19/10/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐—๐จ๐ -๐ฐ๐š๐ซ๐ซ๐š๐ง ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐ฅ๐š๐›๐š๐๐š ๐†๐จ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐ค๐š๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan Xog-warran Qaran ah la yeeshay Shir-guddoonka Labada Gole Qaran ee Guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiillada, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Guddoomiye Ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed.

Kulanka oo ahaa wada-tashi Qaran, ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si guud uga xog warramay sida ay Xukuumaddu u wado qorshayaasha nabadda, amniga, horumarinta bulshada, dedaallada ictiraafka iyo kuwa diblumaasiyadeed, kuwaasi oo dhammaantood u socda si wacan.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka warbixiyey Safarradii Shaqo ee uu ku tagay Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isaga oo ka hadlay nuxurka, ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee ay safaradiisu xambaarsanaayeen, isaga oo tilmaamay in labadan safar ay ahaayeen kuwo kor u qaaday xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana xoojinaya iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda gobolka.

Madaxweynuhu waxa uu Madaxda sare ee Laamaha Dawladda ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta sharciga, dimoqraadiyadda iyo habsami u socodka Hayโ€™adaha uu Qaranka JSL ku dhisan yahay.

Iyaguna dhankooda, Shir-guddoonka labada Gole Qaran, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay hannaanka la-tashiga, xog-warranka joogtada ah iyo daah-furnaanta dawladnimo ee uu hormuudka ka yahay, iyaga oo tilmaamay in wadashaqaynta noocan ahi ay kor u qaadayso kalsoonida ka dhaxaysa Hayโ€™adaha Qaranka iyo mideynta goโ€™aan-qaadashada qaran.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumar iyo xasillooni siyaasadeed oo ay saldhig u yihiin Nabad, Dimuqraadiyad, Dawladnimo hufan iyo iskaashiga ka dhexeeya Hayโ€™adaha Qaranka.

Wa bilaahi tawfiiq.

Photos from Maxkamadda Sare JSL's post 18/10/2025

Sawirada Qaybta labaad ee Furitaanka Maktabadda iyo Hoolka Maxkamadda Sare JSL.

18/10/2025

Sheekh Cabdilaahi Maxamed Cismaan, Xubin ka tirsan Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

18/10/2025

Xildhibaan Fu'aad Axmed Diiriye, oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL.

18/10/2025

Maamulaha Xarunta Hiil Al-Qur'aan Jamaal Yuusuf Muxumed.

18/10/2025

Wakiil ka socday UNDP, Cabdisalaan Yuusuf Faarax.

18/10/2025

Maamulaha Maktabadda Maxkamadda Sare Cismaan Aadan Cilmi.

18/10/2025

Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF, Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi.

18/10/2025

Agaasimaha Ururka Qareennada Haweenka ee SWLA, Yaasmiin Cabdi Cabdilaahi.

18/10/2025

Guddoomiyaha Ururka Qareennada JSL ee SOLLA, Xasan Cali Xasan.

18/10/2025

Guddoomiyihii h**e ee Maxkamadda Sare, Siciid Axmed Faarax.

18/10/2025

Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Street 1
Hargeisa