12/10/2026
๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ก๐๐๐ง, ๐ฅ๐ข๐ฑ๐๐ ๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐๐๐๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐๐ฒ ๐ข๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐๐๐๐๐ฒ ๐ค๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ ๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐.
Waxa si guul leh u soo dhammaaday imtixaanka tartanka Kaalmaha Shaqo ee Dawladda, kaas oo saaka saacadda 10:00 subaxnimo isku mar ka bilaabmay dhammaan gobollada dalka ee loo asteeyey imtixaanka.
Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh.
Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa dhammaan hawl-wadeennadii kala duwanaa ee sida xilkasnimada iyo masuuliyadda leh uga qayb qaatay hirgelinta iyo qabsoomidda imtixaankan, iyaga oo dedaal weyn u galay sidii uu hawshu ugu qabsoomi lahayd si hufan, nidaamsan oo guul leh.
Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa guddoomiyeyaasha jaamacadaha dawliga ah iyo masuuliyiintii la shaqaynaysay ee hormuudka ka ahaa hawshan muhiimka ah.
Sidoo kale, waxaan mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, guddoomiyeyaasha gobollada dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo taliyeyaasha qaybaha booliska ee gobollada dalka, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay hirgelinta iyo sugidda habsami-u-socodka imtixaanka.
Waxaan iyaguna si gaar ah ugu mahadnaqayaa Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Hayโadda Shaqaalaha Dawladda, xubnaha Guddida (Commissioners), dhammaan shaqaalaha iyo khubarada Hayโadda, kuwaas oo 72-kii saacadood ee u dambeeyey si joogto ah ugu hawlanaa diyaarinta iyo fulinta imtixaanka, iyaga oo ku kala sugan gobollada dalka.
Dhammaantiin, waxaan idiinka mahadnaqayaa xilkasnimada, wada-shaqaynta, dedaalka iyo masuuliyadda dheeraadka ah ee aad iska saarteenn qabsoomidda hawshan qaran.
Guusha imtixaankani waa mid ka tarjumaysa wada-shaqaynta hayโadaha dawladda iyo ka goโnaanshaha hirgelinta hannaan shaqaalaysiin oo hufan, caddaalad ah, kuna dhisan tartan loo siman yahay.
Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryayaa inuu dedaalkiinna idiinka dhigo mid khayr qaba, isla markaana uu inoo fududeeyo dhammaystirka marxaladaha xiga ee hawshan.
Allaa Mahad Leh.