Guddida Sare ee Dekedaha & Aagagga Cashuuraha Ka Caaggan JSL

Guddida Sare ee Dekedaha & Aagagga Cashuuraha Ka Caaggan JSL

Share

Guddida Sare ee Dekedaha & Aagagga Cashuuraha Ka Caaggan JSL

28/05/2026

Ciid Mubaarak, Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.

Anigoo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Sare ee Agaasinka Dekedaha iyo Aagga Ganacsiga Cashuuraha Ka Caaggan ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Kusimaha Guddoomiyaha Guddida Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac waxaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxa awgeed hambalyo iyo tahniyad u dirayaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida Ciidammada kala duwan ee Qaranka
Madaxda iyo shaqaalaha Hay’adaha Dekedaha iyo Aagga Ganacsiga Cashuuraha Ka Caaggan
Iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu innagu gaadhsiiyo ciiddan ciiddeeda bash-bash,barwaaqo, nabadgelyo iyo badhaadhe, isla markaana uu inaga aqbalo cibaadadii iyo camalkii suubbanaa.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay sannadkan xaqiijisay guulo waaweyn oo dhinacyo badan leh kuwaas oo kor u qaaday sumcadda iyo horumarka qaranka. Sida aynu caadada u lahayn waxaa muhiim ah in aynu sii adkaysanno midnimadeenna, wadajirkeenna iyo ilaalinta amniga qaranka.

Mar kale waxaan dhammaan ummadda reer Somaliland leeyahay Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak.

Cabdiqani Mahdi Jaamac
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Sare ee Agaasinka Dekedaha iyo Aagga Ganacsiga Cashuuraha Ka Caaggan ee JSL
Kusimaha Guddoomiyaha Guddida

Photos from Guddida Sare ee Dekedaha & Aagagga Cashuuraha Ka Caaggan JSL's post 24/05/2026

24 May 2026 Hargeysa:-Maanta waxa xarunta Hay’adda Aagga Ganacsiga Cashuuraha ka Caagan ee Hargeysa ka qabsoomay kulan u dhexeeyey maareeyeyaasha hay’adda iyo guddida sare ee Agaasinka Dekedaha iyo Aagga Ganacsiga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland.

Kulanka waxa shir-guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka guddida sare ee agaasinka dekedaha iyo aagga ganacsiga cashuuraha ka caagan ahna ku-simaha guddoomiyaha guddida Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac.

Shirkan ayaa ahaa kulan is xog-waraysi iyo is-faham guud lagu xoojinayey iyadoo diiradda lagu saaray hawlaha ay hay’addu u hayso qaranka iyo sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta u dhexaysa guddida sare iyo hay’adda.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Berbera
Hargeisa
252