28/11/2025
Kormeer wacyigalin iyo fariin deegaaan ayaan ku tagay degmooyinka Cadaadley iyo Laasgeel
Waxaa igu wehelinayey Isuduwaha W/Diinta iyo Awqaafta
Page-kan waa halka aynu ku kala warqaadan doono
28/11/2025
Kormeer wacyigalin iyo fariin deegaaan ayaan ku tagay degmooyinka Cadaadley iyo Laasgeel
Waxaa igu wehelinayey Isuduwaha W/Diinta iyo Awqaafta
23/11/2025
Indho deegaan haddii lagu eego dhulkan markiiba waxaad fahmaysaa in dhibtan ay tahay dad-samee
Alle abaarta ha inaga soo jabiyo oo dhulka madar khayr qaba ha inaga siiyo
Ilaalinta Deegaanka waa masuuliyad baaxad leh oo qof walba saaran...
Aynu dhinac uga soo wada jeesano masuuliyadaasi
Wajiga 3aad ee dhir beerista Gobolka Mjeex
Fulinta Siyaasada Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cilimalada JSL taasoo uu hogaan iyo hormuud noogu yahay Wasiir Cabdillaahi Geeljire
Deegaanka aanu ka fulinay mashruucan waa
Burcada yar
Awbarkhadle
Diiqal
Badarwanaag
Karinka
Iyo Qoryaale
29/10/2025
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Mudane Cabdillaahi Geeljire, oo socdaal shaqo ku jooga Canada, ayaa la kulmay Hon. Arnold Viersen oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka wadanka Canada.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen siddii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah, iyada oo Xildhibbaanku uu balanqaaday inuu kor u qaadi doono qadiyadda Somaliland isla mar ahaantaana uu gaadhsiin doono Baarlamaanka wadanka Canada.
Wasiirku, wuxu Xildhibbaanka uga mahadceliyey taageerada uu la barbartaagan yahay Jaaloyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaas.
Xigasho: Dawan
26/05/2025
madaxweynihii Jaamacada Hargeysa xilligii aan ka baxay Alle cimriga ha u siyaadiyo Md Muuse Adan Axmed.