Dawladda Imaradka Carabta waanu uga mahadnaqaynaa deeqda Raashinka ah ee ay soo gaadhsiisay qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan sagaalka Degmo ee Hargaysa.
Maayar Mooge
Mayor of Hargeysa City
Waxan u taganey midnimo,amano, karti iyo hiigsi ka turjumeysa rejada shacabka
“Deeq, maaha oo Dayn maaha balse waxa saldhigan laga maalgaliyay cashuurtaadii aad bixisay”Saldhigan cusub waxa aanu ka dhisnay Xaafadda Calaamadda ee Degmada Maxamuud Haybe. Waxa uu noqonaya saldhig ka tirsanaan doona qaybta Bariga Hargaysa.Galabta ayaa si Rasmiya xadhiga looga jarayaa Saldhigan si uu qayb muhiim ah uga qaato amniga iyo kor u qaadista nabadgalyada guud ee Caasimadda Hargaysa.
''Hadaynu isku Tashanao intan iyo inkaloo ka badanba waynu qabsan karnaa''
06/09/2024
Africa Urban Forum, oo ka dhacaya Adis Ababa Ethiopia, waxa lagaga dooddayaa dadkan ku soo qulqulaaya Caasimadaha Africa, iyaga oo ka soo guurraaya magaalooyinka kale ama dhulka miyiga ah iyo sidii magalooyinka Africa ay isugu diyaarin lahayeen dadkaas ku Laban'laabmi doona dadkii h**e ugu noola caasimadaha Africa marka la gaadho sanadka 2035.
Deegaan ku haboon waxbarashada caruurteena. waa halka loo socdo, ee ka qaado doorkaga.
(Ishaarada Baabuurta kala hagta ee isgoska Kaalinta Star ,Calaamadda).
Fadlan Darawal, waxa aanu caawa si tijaabo ah u shidnay laydhka baabuurta kala haga ee aanu ku xidhnay isgoyska Kaalinta Star ee Degmada Maxamuud Haybe ee xaafadda Calaamadda.
Waxa aanu laydhkan ku xidhnay 7 isgoys oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda Hargaysa maalimaha soo socda ayaanu dhammaan fasixi doonaa in ay si rasmiya u shaqeeyaan, una kala hagaan baabuurta.
''Wixii aan idiin ballan qaaday waxaa iga go,an in aan oofiyo''
Duqa Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge ayaa saaka Dugsiga Hoose dhexe ee Sh.Nuur kala qayb galay munaasibad lagu sagootinayay Ardayda sannadkan ka baxaysa Fasalka 8aad.
Waa Biyo mareen shub ah, oo aanu ugu talogalnay in uu Biyaha ka leexiyo kuna hago dhanka Dooxa. Biyahaas oo ka imanaya dhanka Waaddada New-Hargaysa ee jidka wadnaha.
Muwaadin Magaalada Caasimadda ah ee Hargaysi waxa ay u badantahay magaalo biyo mareen ah, fadlan ka fogoow meel kasta oo ay Biyuhu maraan si aad uga badbaado khatar kasta oo uu roobku keeno.
12/04/2024
Reer Philippine waxay jabiyeen record kii aduunka, iyaga oo saacad ku beeray 3.2 million Geed.
Adna! Gurigaaga ku beer, Iskuulka ama Jaamacadda aad dhigato, Garoonka aad Kubada ku ciyaarto hareerihiisa, Maasajidka aad ku cibaadaysato IWM.
09/04/2024
08/04/2024
Waftigii ka socday Barlamaanka UK oo aan ku soo dhaweeyay Hargeysa, waxaanu geynay Suuqa si ay indhahooda ugu arkaan Amniga Allah inagu manaystay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Caasimadda Hargeysa
Hargeisa
