Cabdilaahi Darawal

Cabdilaahi Darawal

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cabdilaahi Darawal, Shacabka, Hargeisa.

29/03/2026

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُو
Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Cabdi Xuseen Cabdilahi (Xadka) oo ku geeriyooday London.

Waxaan tacsi gaar ah gaadhsiinayaa Xaaskiisii Xarakaad Caare iyo caruurta uu marxuumku ka baxay.

Marxuumku waxa uu ka tirsana ciyaartoygii basketball-ka ee kooxihii kala duwanaa ee Hargeysa.

Waxa sido kale uu ka mid ahaa Ciyaartoygii kubadda cagta ee heer gobol u ciyaari jirtey Gobollii Waqooyi Galbeed.

Cabdi Xuseen (Xadka) waxaa uu ahaa nin mar walba farxad iyo weji furnaan dadka ku qaabila oo samaha jecel.

Ilaahay ha u naxariisto.

19/03/2026

Hambalyo Ciid Mubarik
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

Waxaan Hambalyo ku saabsan Ciidal Fitri-ga uu Diraya Dhamaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dhamaan Umaddaha Islaamka ee Calaamka ku Nool Ilahay haynaga Aqbalo Acmaashi Bisha Ramadaan ee Barakaysaynayd Isla markaana Caafimad qab ilahay haynagu Gaadhsiyo Sanadka Sanadkisa

Eid Mubarik عيد مبارك

11/03/2026

Tacsi:-
‎ waxa aan halkan Dhambaal taasi ah uga dirayaa Alle ha u naxariisto Marxuum Dube Elmi Ducaale
‎ ( )
‎Ilaahay ha u dambi dhaafo, qabrigana ha u waasiciyo oo geeriyooday

‎Marxuum Dube Cilmi Ducaale waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Ciidanka Badda Somaliland, isagoo sidoo kale soo noqday Taliye-xigeenka Ciidanka Badda. Waxa uu door weyn oo taariikhi ah ka qaatay dib-u-dhiska dalka iyo dhismaha ciidamada qaranka, isaga oo ka mid ahaa haldooradii iyo dhidibadii adkaa ee lagu taagay ciidamada Somaliland. marxuumku waxan ilaahay Uga bayeyaa inuu u naxariisto, qoyskii, ehelkii iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxayna Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo siiyo samir iyo iimaan.

22/02/2026

Tacsi

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaanba Ehellada,Qoyska, bahda Ciidanka JSL iyo Dhamaanba Qaranka Somaliland geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Kornayl. Maxammed Xasan Faarax (Gahayr) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Waxa aan geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynayaa ubadkiisa iyo bahdii uu ka tirsanaa ee ciidanka Qaranka Jsl. Dhab ahaanna marxuun Maxammed waxa uu ahaa qof qiimo badan oo door sharaf leh ka qaatay aasaaska iyo dhidib u taagga Ciidanka Qaranka Jsl.

17/02/2026

Ramadaan Kariim Dhamaan shucuubta islaamka waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu Sanadka sanadkisa inagu gaadhsiiyo nabad qab iyo Barwaaqo

Camal iyo Cibaado saalaxiya

Photos from Cabdilaahi Darawal's post 02/02/2026

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u Diraya Ciidamada Qaranka Jamuuriyada Soomaliland oo Maanta 32-sanno jirsaday, waxaan leeyahay Shacabku wuu Ogyahay kaalinta Naf-hurnimada ah ee aad dadkiina iyo dalkiina uugu jirtaan. Waxaan idin leeyahay Guuleysta ilaahay idamkii.

18/01/2026

Waxa aan dhambaal
‎Tacsi ah u dirayaa Qoyska Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) oo ka mid ahaa saraakiishii Ururkii SNM oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

‎waxa aan marxuumka alle Uga baryayaa inuu jano Fardawsa ka waraabiyo Qoyska Ehelada Qaraabada iyo Qaranka Somaliand ee uu ka baxayna,Samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo. .. Aamiin Aamiin

15/01/2026

TACSI

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u marinayaa qoyskii, ehelkii Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Marxuum Yuusuf Kirix Cawad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa .

Marxuumku wuxu ahaa mujaahid halgaama iyo siyaasi aqoonyahan ah oo qayb laxaad leh ka soo qaatay halgankii naf-hurka ahaa ee dalka lagu xoreeyay, isla markaana door wayn ku lahaa dib-u-dhiskii dalka iyo yagleelkii dawladnimada JSL. Wuxu h**e u soo noqday Xildhibaan golaha deegaanka Caasimadda JSL.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa. Qoyskiisii, ehelkiisii iyo Qaranka JSL ee uu ka baxayna waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo.

11/01/2026

Waxan Aan Tacsi u Diraya Ehelkii Asxaabtii ,qoysaskii iyo qaraabadii marxuum Maxamuud Biixi Yoonis Cawad ilaahay janaddii fardowsa haka waraabiyo Aamiin Aamiin

31/12/2025

Waxaan Bulshada Reer Soomaliland ugu Hambalyeynayaa Curashada Sanadka Cusub ee 2026. Sanadkii Tagay Wuxu inoo ahaa Sanad Qarankeenu Guulo Badan Gaadhay oo aynu Cadawgeena ka adkaanay, Waxaan Rajaynayaa inuu kan Soo Socdana EEBE inooga Dhiggo Mid Guulo Wata.

Guul Shacabkayga Soomaliland

28/12/2025

"Madaxweyne Cirro Waxa looga Baahan yahay in uu Xukuumad Adag iyo Ciidan Adag oo Degdeg Sameeyo Si Loo Difaaco Aqoonsiga.."

08/12/2025

Waxan tacsi u diraya bulshada reer boorama

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Shacabka
Hargeisa