Rugta Akhriska Hargeysa

Rugta Akhriska Hargeysa

Share

Halkani waa bogga rasmiga ee rugta akhriska hargeiysa waxay u furan tahay qofkasta oo reer hargeysa.

31/10/2025

Barnaamijka Dhaayo-furka Dhallinyarada (2)

Mawduucyadu waxay ku saabsanyihiin fursadaha shaqo ee yaalla dalkeenna.
Waxa marti ku ah:
Qoraaga buugga Shaqo beel _Samiira Abdikarim Mohamed iyo Mustafe Mohamoud Hassan._

Goobta: Rugta Akhriska Hargeysa (Agagaarka dugsiga M.A.A)
Goorta: 7:30 Habeennimo
31/10/2025
_"Ha moogaan hana ka maqnaan"_

30/10/2025

Kulan qiimo badan -

Photos from Rugta Akhriska Hargeysa's post 03/10/2025

BARNAAMIJKA DHAAYO-FURKA DHALLINYARADA (1)

Taariikh: 02/10/2025
Rugta Akhriska Hargeysa

Ururka dhallinyarada UHDAS ayaa soo qabanqaabiyay caways aqooneed-ka Dhaayo-furka Dhallinyarada. Barnaamijkan waxa uu qayb ka yahay qorshaha ururka ee lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada in ay kor u qaadaan aqoonta, akhriska iyo hab-qoraalka.

Cawayska ayaa lagaga hadlayay laba mawduuc oo muhiim ah:

1. Hababka Kobcinta Akhriska – waxaa lagu lafaguray muhiimadda akhrisku ku leeyahay nolosha dhallinyarada, sida uu u kobciyo garaadka, isla markaana u furo fursadaha aqooneed iyo shaqo. Waxaa sidoo kale lagu xusay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sida dhallinyaradu u abuuri karaan caadooyin akhris oo joogto ah.
2. Hab-qoraalka iyo kaalinta Bulshada – mawduucan waxa si gaar ah uga hadlayay sida qoristu ay u tahay aalad muhiim ah oo dhallinyaradu ku gudbiyaan fikradahooda, ku kaydiyaan taariikhda, isla markaana ay ugu adeegsadaan ka qayb-qaadashada horumarinta bulshada.

Barnaamijku waxa uu ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay, waxaana kasoo qaybgalay dhallinyaro, aqoonyahanno, iyo marti sharaf.
Kuwaas oo iyaguna ku darsaday faallooyin, falanqayn iyo mahadnaq.

Cawayskan ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad iyo dhiirrigelin leh, iyadoo dhallinyaradii iyo marti sharaftii ka qayb gashay muujiyeen in lasii ballaadhiyo isla markaana la horumariyo akhriska iyo qoraalka.

29/09/2025

BARNAAMIJKA DHAAYO FURKA DHALLINYARADA [1]

Akhriska iyo Qoraalku waa tiirka ugu muhiimsan ee koboca garaadka iyo horumarka bulshada.
Marka wax la akhriyo waxa kordha fahamka, marka la qoro qormo, waxa kobcaya wadaaga fikirka iyo dhaxalka aqooneed ee bulshada dhexdeeda. Dhallinyaradu haddii ay labadan ku baraarugaan, waxa ay awood u yeelanayaan in ay noqdaan hormuud mustaqbalka.

Si arrintan loo sii xoojiyo, korna loogu qaado kobaca aqooneed ee Dhallinyarada, Ururka Dhallinyarada UHDAS waxa uu idinku martiqaadayaa Barnaamijka Dhaayo-furka Dhallinyarada, oo doorkan lagu falanqayn doono:

📖 Hababka Kobcinta Akhriska
🖊️ Hab-Qoraalka iyo Kaalinta Bulshada

07/09/2025

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL ayaa maalinta berri ah qaban doonta Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-Qoraalka 8 September 2025.

Halku dhiga sannadku waa"Kobcinta Akhris-Qoraalka Ee Xilligan Casriga ah".

Photos from Rugta Akhriska Hargeysa's post 05/08/2025

Waxanu Maanta Kala Wareegney Buugaga Dhan 1800 Oo Buug - Oo Iskugu Jira -

Bugaagta Barashada Caafimadka
Buugaagta maamulka & Maareynta
Buugaagta Barshada xisaabadka
Buugaagta Barashada Ganacsiga & Iibka
Buugaagta barashada macalinimada
Buugaagta barashada Caruurta & Barbaarbarinta '
Buugaagta Barshada Xog ururinta &
Bugaagta Dugsiyada Sare Oo Manhajka Uk Ah-

Gunti iyo Gabogabadi Waxanu Bogadineyna Maamulka Maktabada Siiranyo Oo Buugtasi Noogu Deeqay Ka Rugta Akhriska Hargeysa ahaan Hada waxaad ka heli karta Buugtaasi Goobta Hargeiysa Library -

Abdinasir Arraleh

26/07/2025

Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa oo maanta furmay' Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Photos from Rugta Akhriska Hargeysa's post 26/07/2025

KULANKII XALAY IYO GORFEYNTA BUUGA ;-

The China Wave: Rise of a Civilizational State

Soo Koobid
Buugga The China Wave: Rise of a Civilizational State waxaa qoray qoraaga sannadkii 2011 Prof Zhang Weiwei scholar in International Relations and Politics, buugan markiisi horaysay waxaa lagu qoray afka Chinse ka waxaanu noqday buugga loogu iibsiga badan yahay gudaha china,inta kadibna waxaa loo turjumay luuqada English ka sannadkii March 2012. Buugani wuxuu si qoto dheer u falanqaynayaa horumarka iyo mabadiida dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee uu horseeday horumarka baaxda leh u gaadhay dalka China waxa kale oo dhinac kale innaga tusaya maraaxilkii halgan iyo isku tashi ay soo mareen bulshada china.
Waxaa kale buuggu naqdin ku samanaya aragtida caro edegaynta hal nidaam dowli( Western Universal value) oo isku mid ah in ay dunidu qaadato, taas baddelkeeda wuxuu xoojinaya in dal walba oo dunida kamid ah xaq u leeyahay inuu qaato nidaamka ku habboon habdhaqanka bulsheed iyo xadaaradeed.

 Kacaanadii Dhaqaale

 Kacaanadii siyaasadeed( dowladeed)

 Taariikhda, dhaqanka iyo xadaarada

 Dowlad Wanaaga

Ujeedada ka leenahay buugga

 Isbaddelka joogtada nidaamyada dhaqaale( both revolutions and reforms)
 Dowladnimo ka turjumaysa habdhaqanka bulsho iyo xadaradeed
 Aragtidada siyaasadu in asaas u tahay nidaam dhaqaale oo taba gal ah
 Nidaam dowlad wanaag ah ku dhisan kartida,aqoonta iyo khibrada( merit based)
 Faham ku saabsan in dunida aanay ka wada dhaqan gali Karin hal aragti dowladeed.
 Samaynta taariikhda ku leedahay dowlad dhiska.

Waxaa kale oo buuggu suaal galinayaa

1: Dimuqradiyada/kalitalisanimada iyo nidaamyda kale lamid ka ah ma keenaan dowlad wanaaga? Hadday keenaan sidee? Haddanay keenin sirtu maxay tahay?

2: Maxay kala yihiin aragtiyaha nation-state iyo civilizational state/ modern nation-sate?

22/07/2025

17/07/2025

Caawa Halaga Soo Qeyb Gal Wanaagsn

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Waddada Madaarka Tagta--
Hargeisa