Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo maanta kormeer ku yimid Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa daah-furay Mashaariic ay ka hirgalisay Wasaaraddu Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Airport iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda, mashaariicdaasi oo kala ahaa:
1. Dhismaha Terminal-ka cusub ee soo dagayaasha oo ka kooban Qaybta Rakaabka, Qaybta Marti-sharafta (VIP Lounge) iyo Qaybta Madaxda Dowladda (Executive Lounge).
2. โ Xarunta Maamulka Hawada Sare oo lagu xoojiyay qalab cusub oo suurto-galinaya hagida iyo maamulka diyaaradaha isticmaala Airspace-ka Somaliland.
3. โ Dib-u-dhis, Qurxin iyo Qalabayn dhammaystiran oo lagu sameeyay Xafiisyada Xarunta Wasaaradda.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL
Ministry of Civil Aviation and Airports Development SL. Official page for "MOCAAD " Official page for Ministry of Civil Aviation and Airport's Development
Kulankii Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL ee todobaadlaha ahaa ayaa maanta gelinkii dambe ka qabsoomay xarunta Wasaaradda. kulanka oo uu shir gudoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu ayaa daarnaa mahadcelin iyo is-waraysi la xidhiidha shaqadii maanta sida ay u qabsoontay.
Kulanka ayaa dhacay ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku yimid Wasaaradda iyo Madaarka Cigaal. Intii uu madaxweynuhu joogay, waxa uu si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariicdii horumarineed ee laga hirgeliyey Wasaaradda iyo Madaarka Cigaal ee Hargeysa.
Intii kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey Agaasime Waaxeedyada dedaalkooda iyo sida hagar laโaanta ah ee ay uga qayb qaateen fulinta iyo hirgelinta mashaariicdaas muhiimka ah ee kor u qaaday adeegyada duulista hawada iyo casriyeynta madaarrada dalka.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa goaamo ka soo saartay Maamulka Hawada iyo eVisa.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo berri daah-furi doona Mashaariic ay hirgalisay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo la xidhiidha Madaarka Caasimada iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda.
02/11/2025
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL ayaa soo saartay Awaamiir cusub oo ku saabsan Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare (Airspace) ee Somaliland.
26/10/2025
๐ Axad, October 26, 2025
๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ง๐ผ๐ฑ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ด๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐ฎ๐
๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐๐น๐ถ๐๐๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฏ๐๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ ๐๐ผ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ.
Shirka oo uu guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdirashid Abdi Jama , ayaa ujeeddadiisu ahayd soo bandhigidda Warbixinta Waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda ee ( July โ September 2025).
Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay waxqabadka iyo caqabadaha waaxyaha kala duwan, iyadoo lagu dhiirrigeliyay in la xoojiyo qorshayaasha horumarineed ee qayb walba si loo dardar-geliyo adeegyada duulista iyo madaarrada dalka.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda waxay sii wadaysaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada duulista iyo madaarrada dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo hufnaanta, tayada, iyo isla xisaabtanka shaqada qaranka.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa hor-tagay Guddida Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Guurtida JSL.
Wasiirka ayaa Warbixin ka siiyay Guddida Arrimaha Wasaaraddu ugu xil-saaran tahay Qaranka ee Duulimaadyada, Hawada, Gaadiidka Cirka, Maamulka iyo Horumarinta Madaaradda. Waxaana Wasiirku uu faah-faahiyay tallaabooyinka ay ilaa imika qaaday Wasaaraddu ee la xidhiidha Arrimaha Hawada.
Ugu dambayn Wasiirku waxa uu ka jawaabay dhammaan suaalihii xubnaha Guddidu ka waydiiyeen Maamulka Hawada, Arrimaha eVisa iyo Shuruucda dal-ku-galka ay ku dhaqmayaan Shirkaddaha Diyaaraddaha ee Somaliland ka haw-gala.
๐
๐ฆ๐ฎ๐๐๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐, ๐ข๐ฐ๐๐ผ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฑ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ku ammaanay tallaabooyinka uu ilaa imika qaaday ee Arrimaha Hawada
22/10/2025
๐พ๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo dayactir ku samaysay Madaarka Ceerigaabo
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa dhammaystiryay wajiga koowaad ee Dayactirka Madaarka Ceerigaabo, iyada oo la dayactiray Dhabada Diyaaradaha (Runway), Qaybta Dhigista Diyaaradaha (Abron) iyo Xafiisyada Madaarka.
Waxa kormeer ku tagay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Maayar-ku-xigeenka Ceerigaabo, waxa goobta ku sugnaa oo Warbixin ka siiyay shaqada socota Agaasimaha Waaxda Madaaradda ee Wasaaradda Duulista Maxamed Xuseen Jaamac, Isu-duwaha Wasaaradda Duulista ee Gobolka Sanaag Aadan Yusuf Musa
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Airport Road
Hargeisa
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 14:00 |
| Tuesday | 07:00 - 14:00 |
| Wednesday | 07:00 - 13:00 |
| Thursday | 07:00 - 12:00 |
| Saturday | 08:00 - 14:00 |
| Sunday | 07:00 - 14:00 |
