27/07/2015
Maansha allah waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa walalkay ama saaxiibakay gudoomiye Abdirahman Nur oo shalay digreeto madaxwayne loogu magaacabay garsoore, ilaahay ha ku garab galo xilka cusub ee loomagaacabay cadaaladana ha waa fajiyo aamiiin aamiin
16/07/2014
Siyaasidi Maxay tahaye?
siyaasid ma beenbaa ma sir iyo khiyaamaa
ma saqiiro jalinbaa sar bursiyo ma eexbaa
ma bulshada saboolka ah ka ururso sahaydaa
ma suugan amaaniyo sacab iyo durbaan baa
ma salaan ka fuulbaa markii lagu saluugan saldan ku dirirbaa
dadkooda sagalka qaday ma sibraarka dhaansaa
ma sidigta aan maalaa
adiguna sidaadba gaajada la seexa
ma sidaad doonta yeelbaa ma sinaanta diida baa
sanka kibir la taagbaa
ma sokeeya dhalashada jinsi qudha ka wado yimid
sii kale fogee baa
siyaasid maxay tahaye?
ee bal adna wax ka hedhe