Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Call Contact the organization

Ciidanka Dab-demiska Somaliland This is the official page of Somaliland Fire Brigade. Bogga rasmiga ah ee ciidanka dab-demiska Somaliland.

Somaliland National fire brigade was established 2014 , and mainly its consist of young Crew and most highly skilled emergency response agency. Also Somaliland Fire Brigade is ready to work to save Lives, Property and Humanitarian service. The main goal is to provide fire protection, emergency medical care, and other critical public safety services to residents and Citizens. We are the Somali’s largest fire and rescue service, committed to ensuring the safety and wellbeing of the people of Republic of Somaliland. �

04/11/2026

Berbera: Ciidanka Dabdemiska ayaa xalay damiyey dab qabsaday Doon siday Agab kala duwan.

Ciidanka ayaa ku guulaystay in ay Agabkan oo isugu jiray Gaadiid iyo walxo kale intii ugu badnayd ka badbaadiyaan dabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Wareegto Madaxweyne ku soo ...
03/11/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Wareegto Madaxweyne ku soo saaray Darajooyin Ciidan oo markii ugu horraysay la siinayo Ciidanka Dab-demiska iyo Samataxabixinta JSL.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in darajooyinkani yihiin maamuus Qaran, masuuliyad iyo dhiirrigelin, isla markaana ay muujinayaan aqoonsiga uu Qaranka JSL u hayo naf-hurnimada, geesinnimada iyo adeegga muhiimka ah ee Ciidanka Dab-damisku u hayo badbaadinta nafta, maalka iyo hantida muwaadiniinta JSL.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in tallaabadani ay astaan u tahay qaddarinta uu Qaranka JSL u hayo Ciidanka Dab-damiska iyo Bedbaadada Bulshada JSL oo naftooda u hura badbaadinta bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey Derejo s...
03/11/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey Derejo siinta Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili waxa uu si mug leh u boggaadinayaa Madaxweynaha Qaranka oo talaabada horumarineed ee Derejo siinta Ciidanku ay isaga ka soo go’day isla markaana ay guul u tahay ciidanka dabdemiska oo mudo dheer rejadan maanta curatay naawilayey.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u mahad celinayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab iyo Guddida Derejo bixinta oo door muuqda ka qaatay sidii ay Ciidanka dabdemisku u heli lahaayeen derejadan oo ah mid maamuus iyo sharaf kusoo kordhin doonta ciidanka oo ah kuwo heegan u ah wakhti kasta badbaadada nafaha iyo hantida bulshada.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL

01/11/2026

Ogeysiis ku socda waddeyaasha gaadiidka ee isticmaala jidka hareeraha ka mara Taliska Guud ee Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL.

Darawal waxa aanu jidka garab mara taliska Ciidanka gaar ahaan labada gooladdood kuugu xidhnay Muraayada (Safety Mirror) oo ah hagge muujinaysa in gaadhi kale kusoo jiro goolada.

Marka aad gooladahan soo gasho iska eeg muraayadan, talaabadani waa mid lagaga hor tagayo shilalka baabuurta iyo khasaare nafeed oo kadhasha maadaama oo jidkani labada dhinacba ka yahay Goolado kooban.

Dirawal dhin xawaaraha gaadiidka marka aad soo galayso gooladdahan.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL
☎️ 990 Emergency Call

Maamuuska Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland.Hargeisa Networking Night ayaa habeennimada xalay shahaado sharaf sare...
31/10/2026

Maamuuska Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland.

Hargeisa Networking Night ayaa habeennimada xalay shahaado sharaf sare guddoonsiisay masuuliyiin kala duwan oo uu qayb ka yahay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir mudan iyo masuuliyiin kala duwan oo kamid ah haldoorka Somaliland ayaa shahaado sharaftan lagu maamuusay.

Masuuliyiinta ayaa shahaadada ku mutaystay doorka ay bulshadda ugu jiraan gaar ahaan Amniga, Nabadda, Badbaada hanti maalka iyo Wacyiga diiniga.

Intii xafladdan maamuusku socotay guud ahaan martidii madasha ka hadashay ayaa ka marag kacay in la maamuusay ciddii ugu mudnayn dhiiri-gelina ay u tahay.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL
☎️ 990 Emergency Call

31/10/2026

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL S/guuto Axmed Maxamed Xasan “Sawaaxili” oo xalay lagu maamuusay Shahaado sharaf.

Hargeisa Networking Night oo Shahaadadan u gartay taliyaha ayaa sheegay in uu yahay qofkii ugu mudnaa iyagaa oo ku boggaadiyey doorka muuqda, dedaalka naf-hurka leh iyo Aqoonta dabka ee uu dalkiisa iyo Dadkiisa uga faa’iideeyey.

30/10/2026

Fariinta Sheekh Mustafe ee la xidhiidha Wadashaqaynta Bulshada iyo Ciidanka Dabdemiska.

Hargeysa: Ciidanka Dabdemiska ayaa damiyey guri jiingad ah.Gurigan oo ku yaalay xaafadda Qunyar-dega ee Degmada Ibraahim...
29/10/2026

Hargeysa: Ciidanka Dabdemiska ayaa damiyey guri jiingad ah.

Gurigan oo ku yaalay xaafadda Qunyar-dega ee Degmada Ibraahim Koodbuur waxa ay ciidanku ku guuleysteen in ay dabkaasi ka xakameeyan guryihii kale.

Ciidanka Dabdemisku waxa ay bulshada ku wacyi-gelinayaan khataraha uu dabku u horseeddi karo.

Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.

Allaa Mahad leh

29/10/2026

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta taliska Guud ee Ciidanka shir kula yeeshay Saraakisha kala duwan ee Ciidanka Dabdemiska.

Ujeedka kulankan ayaa daarannaa dardar gelinta hawlaha shaqo iyo kor u qaadista Tababarada iyo Wacyi-gelinta bulshada ee la xidhiidha ka hortaga masiibada dabka.

Ciidanka Dabdemiska Degmada Sheekh ayaa maanta damiyey guri jiingad ah oo dab ka kacay.Gurigan oo ka koobnaa Jiingad lab...
28/10/2026

Ciidanka Dabdemiska Degmada Sheekh ayaa maanta damiyey guri jiingad ah oo dab ka kacay.

Gurigan oo ka koobnaa Jiingad laba qol ah kuna yaala xaafadda Laanta hawada waxa ay ciidanku dabkii ku hor joogsadeen qolkii uu ka bilaabmay iyaga oo ku dedaalay in aanu dabkaasi guriga qaybihiisa kale ku fidin.

Dabkani muu sababin khasaare nafeed waxaanay ciidanku bulshada uga digayaan masiibada dabka iyo wax kasta oo dhallin kara.

Address

Road No 1
Hargeisa

Telephone

+252636230000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Dab-demiska Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Dab-demiska Somaliland:

Shortcuts

Share