19/03/2026
Ciid Mubaarak, Shacabkayga sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba,
Waxa aan si kal iyo laab ah idiinku hambalyeynayaa Munaasibadda farxadda ee Ciid Al-Fitriga 1447H, anniga oo dhammaantiin idiin rejaynaya bashbash, barwaaqo, caafimaad qab, iimaan sugan iyo yaqiin saalix ah.
Ciiddu waa maalmaha ugu qiimaha badan xuskeenna diinta Islaamka, waa maalin xambaarsan farxad, isu naxariisasho, is-cafin iyo walaalnimo. Waa maalin aynu ku xasuusayno Fadliga iyo Khayrka dhammaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan, kuna xoojinayno qiyamka sama-falka, sadaqada, iyo daryeelka dadkeenna jilicsan.
Dhammaan Shacabkayga Somaliland ee Sharafta leh, waxa aan si gaar ah idiinku baaqayaa in aad sii xoojisaan midnimada, wadajirka iyo Is-kaalmaysiga dhexdiinna ah, gaar ahaan xilligan ay Abaaruhu saameeyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshadeenna. Aynu gacmaha is qabsanno, aynu isu naxariisanno, oo aynu garab istaagno walaalaheenna nugul.
Alle SWT waxa aan ka baryayaa in uu innaga aqbalo cibaadadii aynu soo gudannay iyo acmaasha fiican. Alle SWT waxa aan ka baryayaa in uu dalkeenna ku mannaysto nabad waarta, barwaaqo iyo horumar, kana dhigo Jamhuuriyadda Somaliland dal ku caan ah caddaalad, wadajir, walaalnimo iyo is-weheshi.
Ugu dambayn, walaalayaal waxa aan mar kale idin leeyahay Ciid Mubaarak, ILAAHAY SWT ha innagu gaadhsiiyo Ciido kale caafimaad qab iyo dalkeenna oo ku naaloonaya nabad, barwaaqo iyo horumar.
17/02/2026
Shacabkayga qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxa aan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan ee Soon -Ramadaan 1447 Hijriya / 2026. Waa bil fadli iyo naxariis huwan oo uu Allah SWT innoo hibeeyey, si aynu ugu xoojinno cibaadadada, toosin naf iyo qalbi lehna u sameynno, una raadsanno dembi-dhaaf iyo ajar labanlaab ah.
Bishani waa xilli aynu xoojinno Alle ka cabsiga, samafalka, is-cafis-ka iyo isu damqashada dhexeeenna ah; waa wakhti aynu sare ugu qaadno qiyamka walaaltinimo, wadajirka iyo isku duubnida bulshadeenna.
Shacabkayga sharafta leh,
Waxa aan idinku boorrinayaa in aynu bishan barakaysan ku muujinno isku-tashi iyo is-kaalmayn dhab ah; in aynu garab istaagno dadka danyarta ah, qoysaska nugul, iyo muwaadiniinta ay saameeyeen duruufaha nololeed, gaar ahaan abaaruhu. Taageeridda iyo taakuleynta walaalaheen waa waajib diini ah iyo mid qaranba ah.
Ramadaan waa bil aynu ku adkeynno midnimadeenna, ku xoojino nabaddeenna, kuna kobcinno akhlaaqda iyo qiyamka suubban ee diinteennu ina farayso. Waa fursad aynu ku dhisno bulsho isku duuban oo ku tallaabsata horumar, barwaaqo iyo wada-noolaansho.
Ugu dambayn, waxa aan Alle SWT ka baryayaa in uu innaga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka khayrka ah; kana yeelo bishan mid nabad, barako iyo bash-bash ku waabariisata dalkeenna iyo dadkeenna.
Soon wanaagsan.
05/02/2026
Waxa aan si toos ah u daawanayaa ciyaarta xiisaha leh ee dhex maraysa Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Militariga JSL iyo Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo maanta ku kulmay ciyaarta k**a dambaysta ah ee Koobka Horyaallada, oo ka dhacaysa Caasimadda Berbera ee Gobolka Saaxil.
Waxa aan hambalyo hordhac ah u sii dirayaa labada kooxoodba, anniga oo rejaynaya in ay la yimaaddaan ciyaar wanaag, tartankooduna ka dhasho walaalnimo iyo is-ixtiraam buuxa. Ciyaaruhu waxa ay xoojiyaan midnimada, isdhexgalka bulshada, iyo kor u qaadista caafimaadka iyo hibada dhallinyarada.
Hambalyo hor-dhac ah ayaan u dirayaa kooxda koobka qaadi doonta, Insha Allah.
05/02/2026
Waxa aan magaalada Dubai casho-sharaf rasmi ah kula wadaagnay Prince Edward, Duke of Edinburgh, walaalka King Charles III, iyo Sir Gavin Williamson MP, oo ah saaxiib dhow isla markaana taageere mudnaan gaar ah u leh Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan waxa uu mar kale si cad u muujiyey xidhiidhka taariikhiga ah, is-ixtiraamka joogtada ah, iyo wada-shaqaynta qotada dheer ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK). Waxa aanu si gaar ah u adkaynay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, horumarka, iyo kalsoonida caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sii wadaysaa dedaalladeeda diblomaasiyadeed ee ku dhisan wada-hadal midho-dhal ah, nabad-ku-wada-noolaansho, dimuqraadiyad, iyo horumarinta iskaashi caalami ah oo waara.
03/02/2026
Waxa aan sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay World Government Summit oo ka qabsoomay magaalada Dubai. Shirkani waa madal caalami ah oo isu keenta hoggaamiyeyaal dawladeed, khubaro iyo hay’ado caalami ah, si qoto dheerna looga wada hadlo mustaqbalka hoggaaminta, hal-abuurka, tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta nidaamyada dawladnimo ee waara.
Waxaa sharaf weyn ii ah, anniga oo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana muujinaya doorka ku aaddan horumarinta dawladnimada, maamulka hufan, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, in aan kulammo midho-dhal ah la yeelanay hoggaamiyeyaal, maal-qabeenno, iyo daneeyayaal caalami ah oo muujiyey xiise dhab ah iyo diyaar-garow ay ku maal-gashadaan Jamhuuriyaddeenna Somaliland.
02/02/2026
Hambalyo Xuska Sannad-guurada 32aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.