Cabdiraxmaan Cirro

Call Contact the organization

Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynaha 6aad ee Jamhuuriyadda Somaliland. The 6th President of the Republic of Somaliland.
الرئيس السادس لجمهورية صوماليلاند

This is my official page as the chairman of the WADDANI Party, one of the major political parties in Somaliland.

26/09/2026

𝐓𝐮𝐫𝐣𝐮𝐦𝐚𝐚𝐝:

Su’aalihii la igu weydiiyey kulankii Golaha Xidhiidhka Dibedda ee Maraykanka (Council on Foreign Relations—CFR) iyo jawaabihii aan ka bixiyey, kuwaas oo ku qotoma qaddiyadda, horumarka iyo himilooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

25/09/2026

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda u buuxisay afarta shuruudood ee aasaasiga u ah dawladnimada, sida lagu qeexay Axdiga Montevideo (Montevideo Convention), kuwaas oo weli saldhig u ah qeexidda casriga ah ee dawladnimada.

Golaha Xidhiidhka Dibedda ee Maraykanka (CFR) ayaa magaalada New York iigu qabtay kulan muhiim ah oo aan kaga hadlay qad...
25/09/2026

Golaha Xidhiidhka Dibedda ee Maraykanka (CFR) ayaa magaalada New York iigu qabtay kulan muhiim ah oo aan kaga hadlay qaddiyadda dalkeenna, kuna soo bandhigay xaqiiqada Jamhuuriyadda Somaliland, Qaran muddo 35 sannadood ah ku suntanaa nabad, dimuqraadiyad iyo dawladnimo shaqaynaysa.

Waxa aan bulshada caalamka u caddeeyey in aqoonsiga Somaliland uu yahay xaq taariikhi iyo sharci ah, isla markaana uu wax weyn ka tari doono xoojinta amniga, ganacsiga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

20/09/2026

Waxa aan xalay Washington D.C. kulan ballaadhan oo muhiim ah kula yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Woqooyiga Ameerika. Waxa aan uga mahadceliyey kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan horumarinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Waxa aan xalay Washington D.C. kulan ballaadhan oo muhiim ah kula yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Woqooyiga Ameerika. W...
20/09/2026

Waxa aan xalay Washington D.C. kulan ballaadhan oo muhiim ah kula yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Woqooyiga Ameerika. Waxa aan uga mahadceliyey kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan horumarinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo u doodista qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Waxa aan sidoo kale la wadaagay natiijooyinka iyo horumarka laga gaadhay kulamadii diblomaasiyadeed ee aanu Washington kula yeelannay masuuliyiinta Maraykanka, xubnaha labada Aqal ee Congress-ka iyo hay’adaha siyaasadeed ee saamaynta leh.

Waxa aan Jaaliyadda iyo guud ahaan Qurba-joogga Somaliland ugu baaqayaa inay mar walba ilaaliyaan midnimada iyo isku-duubnida, dalkoodana meel kasta si sharaf iyo masuuliyad leh ugu matalaan, kana qayb qaataan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Qaranka. Aqoonsiga Somaliland waa xaq taariikheed iyo sharci ah oo hubaal dhammaystirmaya; waxaana dhammaanteen ina saaran waajib Qaran oo ah ilaalinta Qarannimadeenna iyo difaaca qaddiyaddeenna.

20/09/2026

Waxa aan Jaaliyadda iyo guud ahaan Qurba-joogga Somaliland ugu baaqayaa inay mar walba ilaaliyaan midnimada iyo isku-duubnida, dalkoodana meel kasta si sharaf iyo masuuliyad leh ugu matalaan, kana qayb qaataan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Qaranka.

19/09/2026

Washington, D.C., waxaan kulan muhiim ah kula yeeshay Senator Ted Cruz, oo aanu ka wada hadalnay aqoonsiga Somaliland iyo xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee Somaliland iyo Maraykanka. Aqoonsiga Somaliland ma aha samafal; waa istiraatijiyad.

Waxa aan Washington, D.C., kulan muhiim ah kula yeeshay Senator-ka Gobolka Texas, Ted Cruz. Waxa aanu ka wada hadalnay d...
19/09/2026

Waxa aan Washington, D.C., kulan muhiim ah kula yeeshay Senator-ka Gobolka Texas, Ted Cruz. Waxa aanu ka wada hadalnay dedaalka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, xoojinta xidhiidhka istiraatijiyadeed ee Somaliland iyo Maraykanka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo ballaadhinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxaan Senator Cruz si weyn uga mahadceliyey taageeradiisa joogtada ah iyo sida uu ugu ololeeyo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Somaliland waxay diyaar u tahay inay Maraykanka la dhisto iskaashi waara oo aan ku dhisnayn samafal ama ku-tiirsanaan, balse ku salaysan dano wadaag, kalsooni, is-qaddarin iyo ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

Intii aan ku sugnaa Washington, D.C., waxaan kulamo muhiim ah la yeeshay khubaro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Atlan...
17/09/2026

Intii aan ku sugnaa Washington, D.C., waxaan kulamo muhiim ah la yeeshay khubaro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Atlantic Council iyo Foundation for Defense of Democracies (FDD).

Kulamadan waxa aan kaga wada hadalnay danaha istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xasilloonida Geeska Afrika, ilaalinta marin-biyoodyada muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah, iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi qoto dheer oo waara oo dhex mara labada dal.

Waxaan si gaar ah u adkeeyey in Somaliland muddo ka badan saddex iyo soddon sannadood ay dhisaysay dawladnimo ku salaysan rabitaanka shacabka, dimuqraadiyad, doorashooyin xor ah iyo kala-guur siyaasadeed oo nabdoon. Waayo-aragnimadeennu waxay caddeyn u tahay in dimuqraadiyadda, dawladnimada iyo xasilloonidu ay yihiin tiirar isku xidhan oo muhiim u ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Waxaan sidoo kale iftiimiyey muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Dekedda Berbera, oo ku taalla mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan dunida. Somaliland waxay diyaar u tahay inay Maraykanka iyo saaxiibbadiisa kala shaqayso amniga badda, xasilloonida gobolka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Somaliland maanta waxay Washington la wadaagaysaa farriin cad: waxaan nahay dal dimuqraadi ah, xasilloon oo leh hay’ado shaqaynaya, kuna yaalla goob istiraatiiji ah; waxaanan diyaar u nahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo mas’uuliyad wadajir ah.

Shalay iyo maanta, waxa aanu Capitol Hill ee Washington, D.C. kulammo muhiim ah kula yeelannay Senator Mike Rounds (R–SD...
16/09/2026

Shalay iyo maanta, waxa aanu Capitol Hill ee Washington, D.C. kulammo muhiim ah kula yeelannay Senator Mike Rounds (R–SD), Congressman Brian Mast (R–FL), Congressman John Rose (R–TN) iyo Congressman John Moolenaar (R–MI), kuwaas oo aanu ka wada hadalnay xoojinta iyo sii ballaadhinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Maraykanka.

Kulamadayadu waxa ay diiradda saarayeen xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo amniga, sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xasilloonida Geeska Afrika, iyo ballaadhinta fursadaha ganacsi, maalgashi iyo iskaashi dhaqaale ee labada dhinac.

Waxaanu si gaar ah u adkaynay muhiimadda juqraafiyeed, amni iyo dhaqaale ee Somaliland, oo ku taalla mid ka mid ah marin-biyoodka ugu istiraatiijisan dunida, iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadan karto ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

Waxaanu sidoo kale carrabka ku adkaynay in Somaliland iyo Maraykanku wadaagaan qiyam iyo dano istiraatiiji ah oo muhiim ah, kuwaas oo saldhig adag u noqon kara iskaashi qoto-dheer oo ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo natiijooyin la taaban karo.

Waxa la joogaa wakhtigii danaha aynu wadaagno loo beddeli lahaa iskaashi istiraatiiji ah oo waara, mustaqbalka ku jihaysan, kana shaqeeya amniga, xasilloonida iyo barwaaqada labada shacab iyo guud ahaan Geeska Afrika iyo Gobolka Badda Cas.

Address

Road No 26th June
Hargeisa

Telephone

+252634240048

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdiraxmaan Cirro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Cabdiraxmaan Cirro:

Shortcuts

Share