Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)

Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)

Share

Empowering local governments across Somaliland to deliver effective services and foster sustainable development.

The association was first formed as Municipal association in 2006 and later on upgraded into local government association in 2006. It has a governance structure and General Assembly is the highest decision-making authority followed by the Board of Directors. The organization day to day work is run by a secretariat headed by openly recruited Executive Director. The prime objectives of setting up th

11/04/2026

Kormeerka Degmada Gabiley.

Photos from Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)'s post 11/04/2026

Ururka Dawladaha hoose ee Somaliland (ALGASL) iyo Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, iyo Hay’adda VNG International ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyay Mashruuca Danwadaag ee DRM ka ee ka socda Degmada Gabiley.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta guud ee waxqabadka mashruuca, heerka hirgelinta qorshayaasha, iyo sidoo kale caqabadaha jira si xal waara loogu helo.

Waftiga ayaa sidoo kale booqday goobaha khatarta ah ee ka jira Degmada Gabiley, iyagoo indho-indhayn ku sameeyay xaaladaha halista leh, isla markaana Kormeeray horumarka guud ee ka socda a degmada, gaar ahaan dhinacyada maaraynta masiibooyinka iyo horumarinta
magaalada.

09/04/2026

Kormeerka Horumarka Degmada Boorama.

09/04/2026

Kormeerka Degmada Boorama.

Photos from Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)'s post 09/04/2026

Koormeerka Mashruuca Danwadaag – Degmada Boorama

Wafti ballaadhan oo ka socday Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) iyo Hay’adda VNG International ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyay Mashruuca Danwadaag (DRM) ee ka socda Degmada Boorama.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta guud ee waxqabadka mashruuca, heerka uu marayo hirgelinta qorshayaasha, iyo sidoo kale caqabadaha jira si xal waara loogu helo.

Intii uu socday kormeerku, waftigu waxa ay booqdeen goobaha halista ah ee magaalada Boorama, iyagoo indho-indhayn ku sameeyay xaaladaha khatarta leh, isla markaana si dhow u arkay horumarka muuqda ee laga gaadhay dhinacyada maaraynta masiibooyinka (DRM) iyo horumarinta kaabayaasha, gaar ahaan jidadka magaalada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda degmooyinka, korna loogu qaadayo u-diyaargarowga iyo ka jawaabidda masiibooyinka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan.

03/04/2026
02/04/2026

Induction Training for Local Governments Department directors of Burco, Borama and Gabiley districts.

Photos from Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)'s post 02/04/2026

Ururka ALGASL (Association of Local Government Authorities of Somaliland) ayaa magaalada Boorama ka bilaabay tababar muhiim ah oo loogu talagalay Agaasimayaasha Waaxyaha degmooyinka Boorama, Gabiley iyo Burco.
Ujeedada Tababarka
Tababarkan waxa uu diiradda saaraya:
Xoojinta awoodda Agaasimayaasha Waaxyaha ee maamulka degmooyinka
Horumarinta qorsheyaasha shaqo (workplans) ee waaxyaha

Waafajinta qorshayaasha degmada iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP)
Adeegsiga hababka qorshaynta ku salaysan natiijooyinka (Results-Based Planning)

Shirka waxa furay Mayorka Degmada Boorama

Reys Hotel Boorama

Photos from Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)'s post 12/02/2026

Hargeysa – Somaliland | (11/12/feb/2026)

Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) ayaa tababar muhiim ah u qabtay xildhibaanada guddiyada hoosaadyada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Hargeysa, Borama, Berbera, Gabiley iyo Burco. Tababarkan waxa uu diiradda saaray doorka goleyaasha deegaanka ee Maaraynta Masiibooyinka (DRM) heer degmo.

wuxuu xoojiyay fahamka xildhibaanada ee:

iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee DRM

iyo qiimeynta khataraha degmooyinka (dab, fatahaado, abaar, iyo khataraha magaalooyinka)

hoggaaminta, kormeerka iyo dejinta siyaasadaha ee goleyaasha

dawladaha hoose, waaxyaha maaraynta masiibooyinka, bulshada, iyo hay’adaha kale ee khuseeya

iyo horumarinta xeerar ku saabsan Maaraynta Khataraha.

Ujeeddada tababarku waa in la kordhiyo awoodda goleyaasha deegaanka si ay si hufan u hoggaamiyaan ka hortagga masiibooyinka, u diyaargaroobaan xaaladaha degdegga ah, ugana jawaabaan masiibooyinka si wax ku ool ah, iyagoo xoojinaya isla-xisaabtanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha khuseeya.

ALGASL waxa ay mar kale adkaynaysaa ka go’naanshaheeda ku aaddan taageeridda dawladaha hoose si loo dhiso nidaamyo adkaysi leh oo ka jawaaba khataraha masiibooyinka, loona horumariyo badbaadada iyo adkaysiga bulshooyinka.

DHAMMAAD

30/12/2025

Baaqa Qaran ee Maayarada Jamhuuriyadda Somaliland.

30/12/2025
Berbera/Somaliland.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Xaafada Ka Soo Horjeedka Akadamiya Nabada (APD)
Hargeisa
SHACABKA