Omar Abdilahi - Sayid

Omar Abdilahi - Sayid

Share

وعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَى

16/03/2026

Kulan afureed kulmiyay akhyaar iyo asxaab mudo kala baaday oo ah ardaydii wax ku soo baratay wadanka Hindiya oo sanad walba bisha soon la qabto ayaa caawa lagu qabtay caasimada Hargeysa.

Waan u mahad celinayaa akhyaarta soo qaban qaabisay, gaar ahaan Maxamed Booshari oo marti qaadka lahaa.

15/02/2026

Adeer Alle ha isu kiin barakeeyo, Dhisma oo dhaqma.

Mustafe Maxamed aadan Saqadhi iyo marwadiisa oo maanta Meherkoodu ka qabsoomay Caasimada Hargeysa, labeentii mujtamaca Somaliland iyo reer Hargeysa ayaa maanta xaflada yagleelka qoyska cusub goob joog ka ahaa.

05/02/2026

Laga soo bilaabo 1991 oo hada laga joogo 34 sano deeqihii ururka FIFA iyo Confederation of African Football - CAF ugu talo galeen dalkii la isku odhan jiray Somali Republic oo hada kala noqday Somaliland iyo Somalia waxa lagu isticmaalaa hal magaalo oo ah Muqdisho.

Somaliland oo samaysay horyaalka joogtada ah ( Premeir Leage ) koobka xidhiidhka (FA cup) iyo horyaalka horyaalada ( Champions Cup) wax qalab, tababar iyo deeq midna k**a hesho.

Waxa la gaadhay wakhtigii aynu FIFA la xidiidhi lahayn ee qoondadeena gaar laga dhigi lahaa.

Xidhiidhka kubada cagta, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha waan ku bogaadinayaa joogtaynta ciyaaraha, waxaanse leeyahay dacwadiinu FIFA World Cup ha gaadho.

Sidoo kale qurbe jooga reer Somaliland oo uu hogaaminayo saaxiibkay Hassan Waraabacadde hawsha waa inay dedaal ka sameeyaan.

Hambalyo labada kooxood ee k**a dambayata soo gaadhay.

31/01/2026

Ajandaha Shirka jigjiga waxa weeye shantan qodob oo ku saabsan shantii Soomaaliyeed.

1: Jabuuti inay shantii Soomaaliyeed ka baxday oo gaar noqotay waa guul u soo hoyatay soomaalida.

2: Somali galbeed in ay itoobiya tahay waa loo ogol yahay oo cidna ma daba socoto.

3: NFD inay Kenya ka tirsan tahay waa lagu badhaadhay, waana lagu qasban yahay.

4: Somaliya inay Somaliland xukunto waa waajib.

5: Somaliland waa in Mar labaad la gumeeyaa oo xamar la hoos geeyaa, haday diidana la isugu tagaa oo dawlado loo soo kiraystaa.

Sidaas darteed Soomaalida waxaan waydiinaaa hal suaal, maxaa reer Somaliland midnimada loogu qasbayaa kalidood oo Jabuuti, Jigjiga iyo Gaarisa loogu qasbi waayay ?

Reer Soomaalolandaw inagu waa inaynu diyaar u noqonaa duulaanka dalkeena mar labaad lagu soo qaadayo.

10/01/2026

Waxa markii koowaad wadanka laga furay shirkada smart Group oo ka wakiil ah shirkada weyn ee XCMG Group ee soo saarta gaadiidka waaweyn iyo mashiimada casriga ah.

Waa maalgalin wadanku u baahnaa, way mahadsan yihiin cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgalinta maalgasha dibada.

08/01/2026

Hawadii halkeed gaysay.

10 sano oo la wada hadlayay qodobkii kali ahaa ee lagu heshiiyay intuu ka baxay ayuu hub ahaan u adeegsaday hawadii maamnuuca ka ahayd siyaasada, sidoo kale madaxtooyada uu fadhiyo meel u dhaw marxuum abdinaasir ayaa lagu qashay shaqaale kalana inta la qafaashay ayaa mudo la toojar garaynayay.

Maanta oo Somaliland aqoonsi heshay cid ku dhacda adiga iyo qayrkaa wada hadal daaye in salaanta laga qaado aan aragno.

01/01/2026

“ Caqliga Xasan Bariise ku jira iyo kan Xasan Sheekh Maxamuud ku jiraa waa isku mid “ Cumar Sayid.

31/12/2025

Waraysi aan bixiyay oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo gobolka.

31/12/2025
19/12/2025

Xukuumada waynu uga mahad celinaynaa inay bixiyeen kharashkii ka dhinaa dhismaha boodhinka Salaxlay ee madaxweynuhu balan qaaday in boqol cisho lagu furi doono ka dib markii aynu xasuusinay, hawshiina hada gabogabo marayso.

Waxaynu ka filaynaa xukuumada kharashkii boodhinkan lagu wadi lahaa ee sanadkii ku filnaa inay miisaaniyadda ugu daraan.

Dadweynaha deegaanka iyo wax garadka marka xukuumadu labadaas masuuliyadood ka soo baxdo iyagana waxa laga rabaa inay qaataan doorkooda ku saabsan in boodhinkan arday buuxin karta loo helo oo la soo camiro, bulshaduna ka qayb qaadato.

17/12/2025

Madaxweyne h**e Mudane Muuse Biixi Cabdi wuu ku mahadsan yahay inuu qaabilay wiilkii uga yimid soo dhaweyntiisa Degmada Ballimataan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Hargeisa