19/03/2026
Taliyaha Ciidanka Socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Guuto: Maxamed Xuseen Faarah (Xiirane) waxa uu Munaasibada Ciidal Fidriga awgeed Hambalyo u dirayaa.
Golaha Xukuumada oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Madaxweyne xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi, Saddexda Gole Qaran, golayaasha deegaanka,axsaabta Qaranka, Dhamaan Ciidamada Qalabka sida iyo Qoysaskooda, Gaar ahaan Saraakiisha Ciidanka Socdaalka, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda iyo Xasaaskooda iyo Caruurtoda. Sidoo kale wuxuu hambalyo aan lasoo koobi Karin u diraya Shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland meelkasta oo ay aduunka ka joogan dal iyo dibedba. iyo dhamaan umadda Islaamka meelkasta oo ay ku nool yihiin.
Waxaanu Taliyuhu Illaahay uga baryaya in uu ciiddan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash, barwaaqo iyo Nabad waarta.
16/03/2026
Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ayaa qabatay kulan Affur Wadareed ah oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan jaaliyadaha ajaanibta ah ee ku nool kana shaqeeya Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa lagu qabtay Taliska Ciidanka Socdaalka, iyadoo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga, isfahanka, iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Ciidanka Socdaalka iyo dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka Jamhuuriyadda somaliland.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay Masuuliyin ka socday Madaxda dawladda Somaliland, ganacsatada ajaanibta ah, shaqaalaha samafalka, xubnaha sarsare ee jaaliyadaha ku dhaqan somaliland iyo xirfadlayaal kala duwan. Munaasabadda ayaa sidoo kale noqotay fursad ay dadku ku kulmaan, Isku bartaan jaaliyadaha kala duwan ee dalka, isla markaana isku dhaafsadaan fikrado, sidoo kalena looga wada shaqayn laha Amniga.
Taliyaha Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada xuduudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto: Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo jaaliyadaha ajaanibta ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay ajaanibtu ka qaataan horumarinta ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo hawlaha bani’aadantinimo ee dalka.
Taliyuhu waxa uu ku dhiiri galiyay dadka ajaanibta ah in ay mar walba ilaaliyaan isla markaana xaq-dhawraan nidaamka, shuruucda dalka iyo xeerarka socdaalka, isla markaana ay hubiyaan in dukumeentiyadoodu sax yihiin markasta.
Kulankan Affur wadareedka ah ayaa muujinaya dhaqanka soo dhawaynta iyo wada noolaanshaha ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto bulshada caalamka.
Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay affur iyo wada sheekaysi dhex maray masuuliyiinta ciidanka socdaalka iyo martidii ka soo qaybgashay.
17/02/2026
Taliyaha Ciidanka socdaalka iyo ilaaladda Xuduuudah Jamhuuriyadda Somaliland, S/Guuto: Maxamed Xuseen Faarax(Xiirane) Wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Shucuubta Islaamka, Muwaadiniinta Somaliland Meelkasta ay joogan, Ciidamada Qaranka ee kala duwan iyo dhamaan Qoysaska Ciidanka Socdaalka iyo shaqaalaha dawladda, isagoo ku tahniyadaynaya bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Taliyahu waxa uu bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa in qofkasta oo bukaan ah Alle uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala somaana wuxuu Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaran.
Dhamaan inta caafimaadka qabtana ilaahay ha inaga aqbalo acmaasha bisha ramdaan, hana inago dhigo kuwii loo danbi dhaafo, kagana faidaysta cibaado iyo camaal subaan.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Allah Mahad Leh.
01/01/2026
Hambalyada Sannadka Cusub 2026
Taliyaha Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha JSL Sareeya Guuto: Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), waxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan saraakiisha, sarakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda ee ciidanka socdaalka, dhamaan ciidamada qalabka sida, dhammaan shaqaalaha dawladda, iyo guud ahaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland meelkasta oo ay joogan munaasabadda sannadka cusub ee 2026.
Dhamaan Shacabka Somaliland waxaan inoo rajaynayaa sannad Barwaaqo ah, Nabad ah, Caafimaad Leh iyo Midnimo. Samirka iyo kalsoonida aad u haysaan Ciidamada Qaranku waa dhiirigelin joogto ah oo nagu hoggaamisa gudashada waajibaadkayaga qaran.
Ilaahay waxaan ka baryaaya in uu ka dhigo sannadka 2026 mid u horseeda Somaliland Nabad iyo Barwaaqo.
Alla Mahad Leh Inagu Simay Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.
26/12/2025
HAMBALYO KA TIMID TALISKA CIIDANKA SOCDAALKA IYO ILAALADDA XUDUDAHA JSL.
Taliska Ciidanka Socdaalka Jsl waxa u hambalyeynaynaa guusha ballaadhan ee uu gaadhay Qarankeena JSL ee Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Guushan weyn waxay astaan u tahay midnimada shacabka iyo horumarka Balaadhan ee uu qarankeenu gaadhay.
Guushan ayaa muujinaysa dadaalka, Nabadgaliyada, isfahanka, iyo wadajirka bulshada,
Taliska ciidanka Socdaalka Jsl waxa uu Shacabka xariirta ah ee Somaliland ku boorinaya in ay si nabadgalyo ah ugu dabaaldegaan guushan taariikhiga ah. Sidoo kalena ay si wada jir ah u ilaaliyaan amaanka Dalka.
GUUL QARANKA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND.
ALLAA MAHAD LEH.
25/11/2025
Maareyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mohamed Ali Daarood ayaa Hadhimo Sharafeed u sameeyay Kooxda Kubadda Cagta ee Ciidanka Socdaalka JSL oo ku guuleysatay in ay usoo gudban heerka Seria A, Hadhimo sharafeedkaas oo ay ka qayb galeen Taliya Xigeenka Ciidanka Socdaalka JSL, Kooxda Kubadda Cagta ee Ciidanka Socdaalka iyo Saraakiisha Ciidanka Socdaalka ayaa Maareyaha Wakaladu u sameeyay Maamus aad u sareeya.
09/11/2025
Somaliland Immigration and Border Control informs the public, airlines, travel agencies, diplomatic missions, and all travelers of the following:
Visas or travel documents issued by Somalia are not valid for entry into Republic of Somaliland. Travelers who wish to visit Somaliland can either obtain a Visa on Arrival at Hargeisa Egal International Airport (HGA) or Berbera International Airport (BBO), or apply in advance for an Entry Permit Visa through the nearest Somaliland Embassy, Mission, or Consulate.
Anyone holding a valid Somaliland Entry Permit Visa or a Somaliland Residence Visa may enter the country through any officially designated border crossing point.
14/09/2025
Warsaxaafadeed :- Taliska Ciidanka socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha JSL wuxuu soo saaray war saxaafadeed kan, kaas oo lagu faahfaahiyay siyaasadda cusub ee imaatinka dalka iyo dalku galka, ee ay dhawaan soo saartay wasaarad duulista hawada iyo horumarinta Madaaradda, waxaana lagu faahfaahiyay war saxaafadeedkan in dadka ajaanibta iyo muwaadiniinta sita Baasaaboorada dalalka kale ay ku imaan karaan Dhulka JSL iyaga oo dalku-galka ka helaya Madaarada (Visa on Arrival) sida madaarka caalamigga ah ee Cigaal (HGA) iyo madaarka caalamigga ah ee Berbera (BBO).
Dadka ajaanibta ah waxa laga rabaa inay sitaan qodobadan hoos ku xusan:
1. Inay sitaan Baasaaboor ansaxa oo ay dhicistiisa ka hadhsantahay ugu yaraan 6 bilood.
2. In uu sito tigidhka laabshada ama noqoshadda
3. Inuu sito cadayn kharash ama sahay ku filan inta uu joogo dalka.
4. Cinwaanka goobta laga helayo ama kafiilka (Sponser)
5. Lacagta dal ku galka wuxuu ku bixinayaa Madaarka haddii aanu u iman jid mar (Transit).
6. Qodobadan laguma dabaqayo Muwaadiniinta sita Baasaaboorada dalaka kale, sida Qurba joogta Somaliland iyo Somalida kale ee sita baasaaboorada shishiiye.
Dhinaca kale, waxa lagu xusay war saxaafadeedkan, in soctada ka soo galaya xuduudaha Badda iyo barrigga inay dalku galka ka soo qaadanayaan safaaradaha ama xafiisyadda wakiilada ee ugu dhaw, sidoo kale waxay ka soo dalban karaan Taliska Ciidanka Socdaalka JSL xafiiska Shisheeyaha, inta aanay iman xuduudka.
20/08/2025
Maanta oo ay Tariikhdu Tahay 20-Aug-2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta daah-furay Hindisaha Maamul-daadejinta Adeegyada Dawladda ee Magaalada Burco oo adeeg siin doonta Gobollada Bariga Dalka.
Hindisahan cusub ayaa ay ujeeddadiisu tahay in Adeegyada Muhiimka ah ee ay Dawladdu bixiso loo soo dhaweeyo Shacabka, Gobol kasta oo ay ku noolyihiinba, si ay si fudud u heli karaan adeegyada Dawladda, si looga maarmo safarkii Caasimadda Dalka loo doonan jiray adeegyada.
Adeegyada la Maamul-daadejinayo ayaa waxaa ugu horeenaya Baasaboorka Somaliland iyo Aqoonsiga Dhalashada oo H**e Hargeisa laga Bixin Jiray Imikana Uu si fudud uga qaadan Doono Gobolka Togdheer Burco.
Madaxweynuhu waxa uu Hindisahan Maamul-daadejinta ku tilmaamay tallaabo Istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo hufnaanta maamulka, lagu yareynayo waqtiga iyo kharashka ay bulshada ku bixiyaan helitaanka adeegyada ay Dawladda xaqa ugu leeyihiin , isla markaana lagu xaqiijinayo ka qaybgalka dhammaan Gobollada dalka ee Nidaamka Dawladnimada.
05/06/2025
*** Hambalyo Hambalyo ***
Taliyaha Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha JSL Sarreeye Guuto: Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) , waxa uu dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Munaasibadda Ciidul-Adxa awgeed guud ahaan Saraakiisha Ciidanka Socdaalka, Saraakiil Xigeenka, Alifleyda , Dablaydaba iyo dhammaan Carruurtooda xaasaskooda waxaanu Alle uga baryayaa in sannadkaa sannadkeeda ku gaadhaan, barwaaqo , caafimaad, cibaado suubban iyo Nabadqab .
Sidoo Kale , Taliyuhu waxa uu Hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Meelkastoo Ay jogaan Dal iyo Dibad ba .
Ciid Wanaagsan , farxad ku ciida.
01/06/2025
**** DIGNIIN IYO WARGALIN *****
Taliska Ciidanka Socdaalku Wuxuu ku Wargalinaya Dhamaan Muwadiniinta Somaliland, In Bogga lagu magacaabo (JobHunt) Sawirka lasoo dhigay ee ku saabsan in uu Diwaan Galinayo Ciida Rabta in ay Is Qorto Ciidanka Socdaalka Ay Been Abuur Tahay, Isla Markaana Ay Sameesteen Dad Raba In Ay Khalkhal Galiyaan Muwadiniinta Shaqo Doonka ah, Iyagoo Lacag Ku XIdhaya.
Sidaa Darteed Talisku Wuxuu Uga Digaya Cidkasta oo La Xidhiidhay ama La Xidhiidhi Doonta Boggaas Lagu Magacaabo (JobHunt) in aanay Wax Shaqo iyo Xidhiidh Toona La Lahayn Ciidanka Socdaalka.
Waad Mahadsantihiin.