NazriH Omar ige

NazriH Omar ige

Share

Nagala soco sheekooyin ku xiiso galiya , marnaba hanaga caajisin walalkayow/walashayeey

31/07/2021

Nabadgelyo dilaagii qalbigaaay💔🥲👋

Waxaan nacay beenahaagii, haa waxaan nacay balan-qaadyadaadi badnaa ee aan la oofin jirin, waxaan nacay hadalladaadi naxariista badnaa ee aan qalbiga ka iman jirin, waxaan nacay rajooyinkaagi iyo yididiilooyinkaagi aan marnaba horay u socodka lahayn, waxaan nacay riyo kasta oo aan kaaga sheekeeyay oo aad illa rumeyn weyday.

Wax kasta oo aad i jecleysiisay ayaan ka fogaaday, wax kasta oo aan dartaa u samayn jiray ayaan nacay si aan marnaba kuu xasuusan, wey igu adagtay inaan kugu iraahdo erayadan laakiin waxaad leedahay sababteeda, wax kasta oo aan si dhaba u doonayay oo aan jeclaa ayaad i nacsiisay sababtoo ah waxaad ii adeegsatay hubka ugu culus oo ah sasabka, maaweelada, beenta iyo ficil la'aanta labadaasna waxay dilaan rabitaanka qofka iyo jacaylka uu kuu hayaa.

Waan ku fasaxayaa aniga oo aan beenineyn in aan ku jeclahay, aniga oo aay dhib igu tahay inaan kaa fogeeyo nolashayda laakiin taas waxaan u samaynayaa maslaxadda qalbigeyga, waan ku macsalaamaynayaa aniga oo aan awoodeeda lahayn, waxaan qubayaa xusuusahaaga, waxaan fogeynayaabwax kasta oo aan jeclaa weliba aan dartaa u jeclaaday, waxaan doonayaa in aan kaligey noqdo si aan u dareemo xasillooni, waxaan rabaa inaan kabasho ka sameeyo dhaawacyadii aad i gaadhsiisay iyo nadiyadii aad ila dhacday, waxaan amrayaa indhahayga in aay mar dambe u ilmeyn dartaa.

Waxaan tirtirayaa magac aan qalin dahaba ugu qoray qalbigeyga, waxaan tirtirayaa magac aan dunida u jeclaa oo aan dooneyn in aan mar dambe ku nagaado qalbigeyga, wax kasta waan iska illaawayaa oo aad adiga ugu horreyso, mana doonayo in aan mar dambe ku noolaado nolol murugo badan, xusuus xanuun badan, riyo aan rumoobeyn, rajo aan soo iftiimeyn gelin qudha.

Iga raalli noqo waan ogahay in aay ku dhaawici doonin erayada aan ku leeyahay laakiin wey xanuun badantay markuu qof ka tagayo nolashaada, adiga waxaad u xiisi doontaa ilmadaan ku qubi jiray, calaacalkeygii, iyo run sheegeygii, haddaad doonto dhayal u qaado u sheeg qalbigaaga in aan anigaba ku xiisi doonno laakiin mar dambe aan ku sheegan doonin, u sheeg inaan ku jeclahay laakiin aad afkayga ka maqli doonin, u sheeg inaan xushmad, ixtiraam iyo wanaagba kuu haayo laakiin aysan dhici doonin in aan ku sheego marna.

Macsalama fariintani waa mid adag laakiin waxaan qorayaa waqti aan naftayda u run sheegay, mar dambe aysan doonayn beentaada in aay dhagaysato, oo aay dooneyn in aay waqti kugu lumisa. U sheeg qalbigaaga inaan ku jeclahay waqti xaadirkaan laakiin waan jaray ubaxaan dartaa u beeray si uu jacaylkeenna u miro dhalo.

Fariintan wax u hadyadeeyey qof kasto ka xorooobay dilaagii qalpiyada qaribay🥺 waat garayn kartaan Si ay ugaadho kuwaynu Fariintan u wadnay❗️👏
Hamse Abdilahi

03/07/2019

Waar kiniinkii hurdada ayaa layna siiyay waar waxa inaga badan ee aynu kudhaaman karnaa waa QAAD oo la inoogu soo mudi karo ipola ale ha inaga ilaaliyee waar hurdada aynu kakacno

barnaamijkan waxaan ugu magac daray

30-shual-1440/03-july-2019
arbca

23/07/2018

inkaztoon colaad qabo naftaydaan celceliyaa ceebaha kadhawraa ogaw inan cad goostaa cafisban kadoorbiday

01/07/2018

I'reallY don't care do You

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Cabaye
Hargeisa
EAST