02/06/2026
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Hay’adda U-Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL (NADFOR) Xasan Daahir Diiriye ayaa maanta ka qayb galay Madasha Qaran ee Saadaasha CimiladaSomaliland ee xilliga Juun–Sebtembar 2026.
Madashan muhiimka ah ayaa isu keentay khubaro ku takhasusay cimilada, wakiillo ka socday wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyo daneeyayaal kala duwan si ay uga wada hadlaan saadaasha cimilada xilliyeedka, khataraha ka dhalan kara isbeddelka cimilada, iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah u-diyaargarowga iyo yareynta saamaynta ay ku yeelan karto bulshada.
Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo lagu wadaagay xog iyo aqoon ku saabsan xaaladaha cimilada ee la filayo, isla markaana lagu xoojiyey iskaashiga hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha si loo dhiso bulsho u adkaysata saamaynta masiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.
Hay’adda NADFOR waxay sii wadi doontaa doorkeeda ku aaddan u-diyaargarowga aafooyinka, maaraynta khataraha, iyo xoojinta qorshayaasha lagu ilaalinayo badbaadada iyo nolosha bulshada.
26/05/2026
Gobolka Hawd, 26 May 2026 – Gudoomiyaha Hay'adda Udiyaargarowga Aafooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Jsl iyo wefti balladhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo degdeg ah ku gaadhay gobolka Hawd.
Safarkan ayaa ujeedadiisu tahay u kuur-galka iyo qiimaynta xaaladda dhabta ah ee bulshada ku dhaqan deegaanadaas, ka dib markii ay dhowaan ku dhufteen roobab xooggan oo wata dabaylo baaxad leh, kuwaas oo waxyeelo kala duwan u gaystay qaybo kamid ah dadka deegaanka.
26/05/2026
Guddoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL (NADFOR), Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shaqaalaha Hay’adda NADFOR, xaasaskooda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa shacabka Somaliland nabad, barwaaqo, caafimaad iyo horumar joogto ah, isaga oo shacabka ku dhiirrigeliyey midnimo, wadajir iyo adkaynta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
“Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxaan Alle ka baryayaa inuu dalkeenna ku gallado nabad iyo barwaaqo.”
23/05/2026
𝗪𝗲𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗨𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗴𝗮𝗿𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗮𝗳𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗞𝗮𝘆𝗱𝗸𝗮 𝗥𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟 (𝗡𝗔𝗗𝗙𝗢𝗥), 𝗠𝗗 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 (𝗗𝗶𝘅𝗼𝗼𝗱), ayaa gaadhay Degmooyinka Bali-ciise iyo Ina-Guuxa, Iyo Qawl dhuxulaale, kuwaas oo dhawaan ay ka dhaceen roobab dabaylo wata oo sababay khasaare iyo waxyeello soo gaadhay dugsiyada, masaajidada iyo bulshada deegaanka.
Guddoomiyaha Hay’adda NADFOR ayaa gaadhsiiyey deeq raashin ah qoysaska ay saameeyeen roobabka iyo dabaylaha xooggan, si loo yareeyo xaaladaha adag ee ka dhashay masiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha ay waxyeelladu ka dhacday, iyaga oo shacabka deegaanka u muujiyey garab istaag iyo taageero bani’aadamnimo.
MD Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) ayaa sheegay in Hay’adda NADFOR ay mar walba heegan ugu jirto u adeegidda bulshada Somaliland, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan xaaladaha degdegga ahi.
Bulshada deegaanka ayaa si weyn ugu mahadnaqay Hay’adda NADFOR iyo gurmadka degdegga ah ee ay soo gaadhsiisay shacabka tabaalaysan.
18/05/2026
Xuska 18-ka May ee Gobollada Sanaag iyo Sool
Shaqaalaha Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NADFOR) ee gobollada Sanaag iyo Sool ayaa si heer sare ah u xusay sanad-guurada 35-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibaddan qaran ee qiimaha weyn leh ayaa ahayd mid lagu muujiyey waddaniyad, midnimo, iyo jacaylka qaranimada Somaliland, iyadoo shaqaaluhu ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada iyo horumarka dalka.
18-ka May waa maalin ku weyn quluubta shacabka Somaliland, waana astaan muujinaysa halgan, geesinimo iyo midnimo shacabka reer Somaliland.
Hambalyo dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
.
18/05/2026
"Muwaadiniinta Somaliland ee gudaha dalka iyo dibaddaba, waxa aan idinku boogaadinayaa dalka jacaylka iyo dedaalka aan joogsiga lahayn ee aad qadiyaddeena Somaliland ku garab taagan tihiin."
Hay'adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL
18/05/2026
"Waxa farxad gaar ah inoo ah in maanta uu yahay xuskii kowaad ee aynu xusayno 18-ka May, iyada oo aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsan yahay"
Hay'adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL
17/05/2026
Hambalyo Munaasibadda 18-May, Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland
Guddoomiyaha Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NADFOR), Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), isaga oo ku hadlaya magaciisa, magaca Guddoomiye Ku-xigeenka, Magaca Agaasimayaasha Waaxyaha iyo guud ahaan shaqaalaha Hay’adda NADFOR JSL, munaasibadda xuska 18-ka May awgeed, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland gudaha iyo dibaddaba, munaasibadda sannad-guurada 35-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyo, barwaaqo, horumar waara iyo midnimo joogto ah.
AQOONSI IYO ADKAYSI.