Wasiirka Caafimaadka ayaa Dawooyin iyo Agab Caafimaad ku Wareejiyay xarumaha caafimaadka magaalooyinka iyo Ee gobolka
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Xafiiska Gobolka HAWD
Xafiiska Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland, ee Gobolka HAWD.
16/07/2025
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay deegaanada ina cunaaye, baargoo iyo Sayla ee Gobolka Hawd iyagoo halkaas gaadhsiiyay agab caafimaad, daawooyin iyo koox dhakhaatiir ah oo loogu talagalay in ay gacan ka geystaan adeegyada caafimaad ee degaanadan.
Safarkan shaqo ee muhiimka ah ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaraddu ku doonayso in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee deegaannada baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan degmooyinka ku yaalla miyiga iyo meelaha durugsan. Wasiirka iyo waftigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay meelaha ay booqdeen waxaana si rasmi ah ay goov kasta ugu wareejiyeen qalabkii iyo daawooyinkii la keenay.
Wasiirka waxaa safarka ku wehelinayay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Hawd, iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.
Intii uu socday kormeerka, ayaa waftigu sidoo kale la kulmay maamulka degmada iyo bahda caafimaadka ee deegaanka, iyaga oo warbixin ka dhagaystay xaaladda guud ee adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo caqabadaha ay la tacaalayaan.
Wasiirku waxa uu bulshada deegaanka kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan adeegyada caafimaad ee ay bixinayaan dhakhaatiirta la keenay, isla markaana ay si wanaagsan u soo dhaweeyaan ulana shaqeeyaan, si wadajir loogu hirgeliyo daryeel caafimaad oo tayo leh.
05/06/2025
CIID MUBAARIG
Dhammaan muslimiinta, gaar ahaan ummadda Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa meel kasta oo ay joogaan munaasibadda barakeysan ee Ciidul Adxada oo ku asteysan maalinta beri oo jimce ah taariikhduna tahay 6.6.2025
Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay
Waxaan Alle ka baryayaa inuu inagu gaadhsiiyo ciiddan ciideeda camal wanaagsan iyo cibaado suuban.
Isuduwaha Wasaarada horumarinta Caafimaadka ee Gobolka HAWD Axmed Cali Direyse
09/02/2025
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo Kormeeray cusbitaalka guud ee Magaalada Balligubadle.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi oo qayb ka ahaa Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay Madaxwaynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ee dhagax dhiga wadada xidhiidhisa magaalooyinka Hargaysa iyo Balligubadle. markii ay soo dhamaatay munaasibadii lagu dhagax dhigayay jidkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku wuxu h**e ka bilaabay shaqadiisii isagoo kormeer ku tagay cusbitaalka guud ee magaalada Balligubadle.
Wasiirka ayaa ugu horayn kulan balaadhan la qaatay maamaulka caafimaadka iyo cusbitaalka, isgoo warbixino kala duwan ka dhagaysay, Agaasimaha cusbitaalka Balligubadle iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka, si uu u helo warbixin dhamaystiran oo ku aadan xaaladda cusbitaalka iyo tan guud ee Caafimaadka Gobolka Hawd, baahiyaha jira iyo caqabadaha haysta ee u baahan in si degdeg ah loo xaliyo.
Intaa kadib, Wasiirka ayaa kormeer kusoo maray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cubitaalka guud ee magaalada Balligubadle, isagoo indhihiisa kusoo arkay shaqadda baaxada leh ee ka socota cusbitaalka iyo adeegyada kala duwan ee uu bixinayo, sidoo wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah bulshadii halkaa loogu adeegayay isagoo ka waraystay, qaabka loogu adeego iyo adeegyada ay ka helaan cusbitaalka.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa dhanka kale Agab caafimaad kala wareegay, Wasiirka Wasaaradda Shaqadda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Milgo Maxamed Sanbaloolshe, isagoo si rasmi ah ugu wareejiyay, Agaasimaha cusbitaalka Balligubadle.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa soo kormeeray, cusbitaalka Qaaxadda magaalada Balligubadle, isagoo halkaa kulamo kala duwan kula qaatay maamulka cusbitaalka iyo shaqaalaha ka hawlgala, kana dhagaystay warbixino kala duwan oo ku saabsan hanaanka uu u shaqeeyo cusbitaalku iyo wixii caqabado haysta, intaa kadibna ku wareejiyay, mishiin nooca shaybaadhka ah oo loogu talo galay cusbitaalka Qaaxada ee Balligubadle, kulana dardaarnmay inay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee ay ugu jiraan sidii ay bulshadooda ugu shaqayn lahaayeen, isagoo hoosta ka xariiqay, inay u ogyihiin dadaalkaas Qarankooda iyo Wasaaradooduba.
26/01/2025
Qalinka umaan qaadan in wax ka qoro masuul gutay waajibaadkiisii xilleed ee loo igmaday, balse, haddana waxa xusuus gaar ah igu beera heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen adeegyada caafimaad ee ka jiray Gobolka Hawad tan iyo illaa intii ay taabo-gashay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo heerka maanta uu soo gaadhsiiyey adeegyadda caafimaas ee Gobolka Hawd, mudane, Axmed Cali Dareyse oo ah Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Hawd ee bali-gubadle.
Iskuduwahan maaha iskuduwe u soo shaqo tagey, balse, waa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisaba u shaqeeya habeen iyo maalinba oo dedaal badan galiyey sidii bulshadiisu ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo hufan oo ku filan.
Axmed waa masuul daacad ah, oo karti badan oo xilkas ah oo habeen iyo maalinba u tafo xaydan sidii u dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira Gobolka uu masuulka ka yahay, waana Iskuduwe ku dayosho mudan.
Mohamed F. Qoti
22/09/2024
Kormeerkii Gobolka HAWD Ee Mashruuca
Wefti balaadhan oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmihii u dalbeeyey kormeer ku marayay xarumaha caafimaadka iyo cubsitaalada uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad, ayaa kormeer kusoo maray qaar ka mid ah, xarumaha caafimaadka Iyo cubsitaalada Gobolka Hawd iyo dagmada Sallaxlay
Kormeerkan oo galay maalintiisii saddexaad, ayaa waxaa si wada jir ah usoo kormeeray xarumaha caafimaadka Iyo cubsitaalada uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad, agaasimayaasha qaar ka mid ah waaxaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex, Isuduwaha Gobolka Hawd, masuuliyiin ka socda, hay,adda mashruucan fulinaysa Ee Alight iyo masuuliyiinta mashruuca Damal caafimaad ee Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL.
Kormeerkan ayaa lagu mari doonaa xarumaha caafimaadka ee degmdegmooyinka Hargaysa, Gabiley, Balligubadle iyo Sallaxlay, kormeerkan ayaa lagu hubinayaa habsami u socodka adeegyadda caafimaad ee ay xarumahani bixiyaan iyo in la hubiyo isticmaalka daawooyinkii iyo qalabkii loogu deeqay xarumaha uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad Ee Gobolka Maroodi-jeex.
Intii uu socday kormeerani ayaa wefigu waxay mid mid kula kulmeen, Masuuliyiinta iyo shaqaalaha xarumaha Hooyadda iyo dhalaanka iyo cusbitaalada degmooyinka Balligubadle Iyo Sallaxlay, ee uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad, iyaga oo ka dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha shaqo iyo adeega ay bixiyaan xarumahani, sidoo kale waxay ka dhagaysteen baahiyaha ay qabaan
Iyo hadii ay jiraan caqabado haysta oo ay u baahanyihiin in laga taageero.
Mashruuca Damal caafimaad waxaa maalgalinaya Baanka Aduunka (World Bank), waxaana uu taageeraa 49 xarumo caafimaad oo ku yaala Gobolka Maroodijeex, waxaana fulinaysa Hay,adda Alight, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadkuna waxay korjoogtaynaysa in uu sida ugu wanaagsan u hirgelo. Mashruuca waxaa loogu talogalay in lagu kordhiyo isla markaana kor loogu qaado tayadda adeegyadda caafimaad ee ay xarumahani bixiyaan.
Mashruuca Ee Gobolka
Wefti balaadhan oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo maal-mihii u danbeeyey kormeer ku marayey xarumaha Caafimaadka iyo Cusbitaalada uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad, ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mid ah, xarumaha caafimaadka Iyo Cusbitaalada Gobolka HAWD iyo degmada Sallaxley
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Baligubadle
Hargeisa
