Wasaaradda Biyaha JSL

Call Website Contact the organization

Wasaaradda Biyaha JSL Official page Somaliland, Ministry of Water Resources Development

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka S...
07/10/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka Sanaag ayaa ka qaybgalay Open Day-ga Jaamacadda Ibraahim Barre ee degmada Gar-Adag.

Jaamacaddu waxay soo bandhigtay kulliyado cusub iyo kuwo ay h**e u bixin jirtay kuwaas oo ay ka mid yihiin Computer Science, Electrical & Electronic Engineering, Environmental Science, Agriculture, Nursing iyo Geology.

Madasha ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaano, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee Jaamacadda.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka S...
06/10/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka Sanaag ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuc weyn oo biyo macaan loogu soo jiidayo Degmada Ceel-Afweyn .

Mashruucan ayaa biyaha looga soo jiidayaa Deegaanka Ilaad-Garood oo qiyaastii 40 KM u jira Degmada Ceel-Afweyn iyadoo degmada ay muddooyinkii u dambeeyay wajahaysay biyo-yaraan iyo biyo-qadhaadh.

Hirgelinta mashruucan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL iyo SDF, iyadoo mashruucu muhiim u yahay sidii bulshada Degmada Ceel-Afweyn loo gaadhsiin lahaa biyo macaan oo nadiif ah.

Daahfurka mashruuca ayaa waxaa Wasiirka kala qayb galay Xubno kamida Golaha Wasiiradda, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Madaxda, Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada, Heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gobolka Sanaag, Xildhibaannada Degmada Ceel-Afweyn, bulshada Deegaanka Ilaad-Garood iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda JSL.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo ku sugan Gobolka Sanaag gaar ahaan magaal...
05/10/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo ku sugan Gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iyo baahiyaha dhinaca biyaha ee gobolka, dardargelinta mashaariicda horumarinta ilaha biyaha iyo xoojinta wada-shaqaynta Wasaaradda iyo maamulka gobolka iyo degmooyinka.

Wefti ballaadhan oo ka tirsan Xukuumadda JSL isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mu...
04/10/2026

Wefti ballaadhan oo ka tirsan Xukuumadda JSL isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa gaadhay Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Wasiirka iyo weftigiisa.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin degmada daah-furi doona Mashruuca Biyaha Macaan ee deegaanka Ilad kaas oo biyo macaan looga soo jiidayo degmada Ceel-afwayn si loo gaadhsiiyo bulshada kudhaqan Degmada Ceel Afweyn.

Sidoo kale weftigu waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada biyaha iyo baahiyaha bulshada.

Bulshada Ceel Afweyn ayaa si weyn u soo dhawaysay mashruucan, kaas oo degmada iyo dadka ku dhaqan ay baahi weyn u qabeen.

Waxaa maanta xafiiska Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jsl Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed kaqabsoomay kul...
01/10/2026

Waxaa maanta xafiiska Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jsl Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed kaqabsoomay kulan muhiim ah oo ku saabsan dardargelinta bilowga qodista ceelka Magaladda Qol-Qol ka Madoobe ee Gobolka Daa-madheedh.

Riigga qodayaay Ceelka ayaa h**e ugu suganaa goobta waxaana ceelkan loo qorsheeyey inuu noqdo ceel cilmi-baadhiseed oo aad u dheer(500M+), isla markaana ka mid noqon doona ceelasha ugu dhaadheer ee laga qodo Somaliland.
Ujeeddada ceelku ma aha oo keliya helitaanka biyo balse sidoo kale waa in xog cilmiyeed laga helo heerka biyaha dhulka hoostiisa, qaab-dhismeedka juqraafiyaadeed ee dhulka, lakabyada dhulka iyo nooca iyo tayada biyaha la heli karo.

Kulanka ayaa lagu kulmiyey shirkadda qaadatay qandaraaska qodista, injineerrada iyo khubarada kormeeraya mashruuca, iyo hay’adda UNICEF oo maalgelinaysa hawsha, si loo xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu yeeshaan faham mideysan oo ku saabsan habka fulinta mashruuca.

Waxaa kulanka lagu Soo Gabagabeeyay in hawsha qodista si degdeg ah loo bilaabo, isla markaana dhinacyada oo dhan ay iska kaashadaan fulinta shaqada si waafaqsan shuruudaha farsamo iyo qorshaha mashruuca.

Wasiir Ku-xigeenka waxaa kulanka ku weheliyey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Biyaha Eng. Cabdiraxmaan Muruq-liqe.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa magacaabay Maareeyaha iyo...
01/10/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha ee Wajaale.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo uu wehelinayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaarad...
01/10/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo uu wehelinayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa Shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee waaxyaha Wasaaradda iyo madaxda mashaariicda biyaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha Wasaaradda iyo mashaariicda biyaha, xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha, iyo sidii loo horumarin lahaa fulinta qorshayaasha iyo adeegyada biyaha ee dalka.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale Falan-qeeyay xaaladda shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xalal wax-ku-ool ah oo lagu dardargelinayo hawlaha Wasaaradda.

Wasiirka  Wasaaradda Horumarinta biyaha maxamed cabdimalik axmed ayaa  ka qaybgalay kulan ay yeesheen Wasiirka Wasaaradd...
30/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta biyaha maxamed cabdimalik axmed ayaa ka qaybgalay kulan ay yeesheen Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), agaasimaha guud ee wasaradda cafimadka Dr axmed zaki jamaac iyo agaasimaha waaxada qorshaynta wasardda biyaha eng.cabdiraxman muruqliqe masuuliyiin ka socday Hay’adda UNICEF iyo madax ka socday Boqortooyada Netherlands.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Mashruuca ASWA Wajiga III, oo ay Boqortooyada Netherlands taageerayso iyada oo loo marayo iskaashiga iyo taageerada Hay’adda UNICEF.

Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka iyo hawlaha iskaashiga ah ee dhinacyada biyaha isbeddelka cimilada, fayadhowrka iyo caafimaadka, iyadoo la xoojiyey isku-xidhka iyo wada shaqaynta hay’adaha kala duwan.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad muhiim ah u ahaa xoojinta iskaashiga iyo isku-xidhka dhinacyada ay khusayso si loo dardargeliyo horumarinta adeegyada bulshada, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo caafimaadka (WASH).

Allah mahad leh

WASIIRKA WASAARADDA BIYAHA JSL OO CAYNABO KA DHAGAX-DHIGAY CEEL-BIYOOD CUSUBWasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL M...
28/09/2026

WASIIRKA WASAARADDA BIYAHA JSL OO CAYNABO KA DHAGAX-DHIGAY CEEL-BIYOOD CUSUB

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo ay weheliyaan Wasiirro, Agaasimayaal Guud iyo Xildhibaano ayaa maanta gaadhay magaalada Caynabo, halkaas oo ay si wadajir ah uga dhagax-dhigeen ceel-biyood cusub oo laga hirgelinayo magaalada.

Ceelkan cusub ayaa ah mashruuc ay iska kaashanayaan Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL iyo Hay’adda UNICEF, iyadoo maalgelintiisana ay taageerayso Dowladda Netherlands.

Mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona baahida sii kordhaysa ee biyaha magaalada Caynabo, isaga oo qayb ka qaadanaya kordhinta helitaanka biyo ku filan oo bulshada Magaalada Caynabo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa caawa kulan muhiim ah la qaatay masuuli...
27/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa caawa kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiin sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Netherlands iyo Hay’adda UNICEF.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo xoojinta wada-shaqaynta mashaariicda biyaha gaar ahaan bilaabista Mashruuca ASWA 3, oo ay taageerayso Dowladda Netherlands, isla markaana ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo UNICEF, si uu u noqdo mashruuc midho-dhal ah.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada biyaha loona gaadhsiin lahaa bulshada Somaliland biyo nadiif ah oo ku filan.

Address

Pepsi Area
Hargeisa
3235657687

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Biyaha JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Biyaha JSL:

Shortcuts

Share