Taageerayaasha AAW

Taageerayaasha AAW

Share

Kusoo biir bogga rasmiga ah ee Taageerayaasha Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.

07/02/2026

“Qaran kuma burburo kala-aragti duwanaan ee waxa dumiya hoggaamiye aan garan waqtiga lagu sugan yahay”.

11/01/2026
22/12/2025

Mahadsanid Hon Anab Subow Gure tallada wanaagsan ee aad Soomaalida u jeedisay. Waa sababta aan u taageernay hoggaamiye Abdurahman Abdushakuur

Abdirahman Abdishakur
Raila Odinga of somalia
Fursad siiya hadda ama u ooya hadhow sidi aan raila ugu oynay.😎

01/12/2025

Waa tiro kooban siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maanta u istaaga mabda’ adag sida Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur.”

🟦 “Siyaasaddiisa waad ku diidi kartaa, doodihiisana waad ku khilaafi kartaa, laakiin mabda’a uu aaminsan yahay iyo mowqifkiisa joogtada ah lama dafiri karo.”

⬜ “Xilli danaysigu noqday tiirka siyaasadda, Cabdiraxmaan waxa uu astaan u yahay gobannimo, daacadnimo, iyo go’aan aan leexleexad lahayn.”

🟧 “Qoraalladiisa, hadalladiisa, iyo doodihiisa qotada dheer waxay si joogto ah u qaabeeyaan fikirka iyo aragtida siyaasadeed ee dalka.”

🇸🇴 Waa Hoggaamiye Mabda’ Leh, waa Halka Mowqif Joogto Lagu Yimaado.**

30/11/2025

“Nabaddu waa miro ka baxa geedka cadaaladda, meel aysan caddaaladi ka jirin, nabad k**a jiri karto”.

Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

29/11/2025

Dalka waxaa samatabixin kara feker iyo fahan ka duwan kuwa
maanta talada haya. Feker dawladeed oo ku dhisan xaqsoor lagu sugayo caddaalad, lagu ilaalinayo xuquuq, laguna soo celinayo karaamada iyo gobbonimada ummadeed, oo loogu adeegayo bulshada.

Qaran lacagi ma maamusho ee damiir baa haga. Kolka cirweynidu taliso, caddaaladdu xabaasheeda ayey qodataa, sidaas ayuuna qaranku ku dumaa. Soomaaliya u ma baahna dad macaashdoon ah, ee waxay u oomman tahay dad dawladeed oo dalku la weyn yahay, oo wax hura, oo wax ay faa'iidayaan aan sugin.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Photos from Iman Jama's post 27/11/2025

Waa ku mahadsantahay Iman Jama. In uu leeyahay sifooyinka aad tilmaamtay ayaan u taageernay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame Dalkeena in aan la tixgelin ahmiyada uu hoggaanku leeyahay ayaa keentay in qof kasta damco hoggaanka dalka. Ilaa Soomaalidu gaarayso in ay karti, waaya aragnimo iyo sooyaal ku doorato cida hoggaaminaysa, way adkaan doontaa in shidada laga baxo.

19/11/2025

Cod-bixin ciwaankeedu ahaa “Ma is leedahay 2026-ka dalka Madaxweyne ayuu ka noqon karaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur si uu u mideeyo umadda Soomaaliyeed ee ku dhow in ay kala tagaan?” oo ay 14-kii bishaan dadka ku xiran weydiisay Sabakadda Warbaahinta Shabeelle ayay ka qeyb galeen kana fal-celiyeen dad ku dhow 8,000 oo ruux kuwaas oo %82.1 u codeeyeen in Warsame mudan yahay una qalmo hoggaaminta dalka.

Dadka taageeray, waxa ay ku doodeen inuu yahay hoggaamiye fahan iyo aqoon durugsan u leh arrimaha siyaasaddda gudaha, gobolka iyo dibaddaba, inuu yahay siyaasi afkaartiisu caddahay, mabd’iisu sugan yahay oo meel loogu hagaago leh, in laga daalay siyaasadda danaysiga ku dhisan iyo siyaasiyiinta dan-u-muraasiga kaliya ku suntan, isla-markaana kalkaan Soomaaliya u baahan tahay hoggaan aan xoola doon ahayn oo danta guud ka hormariya tan gaarka ah, awoodna u leh inuu mideeyo bulshada, dejiyo jihada dalka, kana shaqeeya caddaalad iyo xaqsoor loo siman yahay.

Dhanka kale, 17.9% ka mid ah codeeyayaasha ayaa sheegay in uusan mudnayn. Waxa ay la yimaadeen doodo kala duwan, qaar waxa ay sheegeen in Cabdiraxmaan ku fiican yahay mucaaradnimada iyo inuu bannaanka ka saxo qaladaadka dowladda oo aan taas looga maarmin, qaar kale, waxa ay dooddooda sal uga dhigeen in waqtiga uu mucaaradnimada galiyo uusan ololihiisa xil-doonka galin, haka kuwo kale ku diideen qabiilkiisa, doodihiisa badan, hadalladisa ad-adag iyo inuu inta badan yahay mucaarad aan is-beddelin.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

K4
Hargeisa
111