Qore iyo akhriste

Qore iyo akhriste

Share

Noqo akhriste wanaagsan si aad u noqoto qoraa wanaagsan.

04/10/2024

Cajiib!

Ugu dambeyn waxa aan noqday qof ay farxadeedi qof kale ay ku xidhantay waxase hubaal ah markasta oo uu cimrigaagu dheerado Inaad la kulmi doontid wax ka yaabiya sida aan aniguba hada uga yaabanahay xaaladan goortan galay.

Horaa waxa loo yidhi: Inaad wax jeclaato qalad maaha balse waxa qalad ah inaad jeclaato qof qaldan inkasto aanan ogayn xiligu jacaylku nagu dhacayo iyo qofka aanu jeclanaynaba balse waxa aan ogaan karnaa xiliga aanu ka bixi lahayn qofkan iyo jaceylkiisaba.

Dhibka i haysta ayaaba ah anigo wax walba sidaas u og ayaan hadana iska indho tirayaa.

Ma jaceylba mise waa doqonimo?
Maxaanse mar walba u sameystaa qiil si aan ugusii jiro xaaladan?
Maxaan uga dhabeyn waaya go’aanada kala duwan ee aan mar walba gaadho?
Ma daciif ayaan ahay mise daacad?
Maxaan u heli waayay qofkaan rabay iyo sidaan rabay?
Miyaanan u qalmin inaan helo jaceylkan huray mid lamida?
Waxani ma imtixaan alle baa mise waxa layga jarayaa dambi iyo nabsi aan h**e u galay?

Yaa i jawaabaya?

12/08/2024

Dartaa caashaqa u nacay.

Waa xili barqo kulul ah. Waxa ay hoos yuururtaa geed ku yaalla bannaanka guriga. Waxa ay kasoo fogaatay family-ka, si aanay u ogaan dhibkeeda. Waxa ay ku jirtaa xaalad hubanti la'aan ah. Uurka iyo indhahaba waa ay ka ooyeysaa. Kaliya k**a aanu tagine qalbigeedii yaraana h**e ayuu u sii qaatay. Dhaxalka kali ah ee uu uga tagay waa qalbi xanuun iyo niyad jab ka dhigay qabyo adduunka ugu nool micne darro. waxa ay gar iyo garawshiiyo ka heshaa suugaanta. Inkasta oo damqasho laga dhaxlo; hadana suugaantu waa waxa kaliya ee dareemahaaga gudbin kara. Waxa ay dhagaysanaysa hees ka mid ah heesaha soomaalida. Waxa ay midba gaarkiisa u dhuuxaysaa muusigga iyo erayada. Marka ay maqasho ereyada heesta, waxa ay is waydiisaa “maxaa aad u heli wayday qof ereyadaas ku dhaha”? marka ay maqasho music-ga heestana waa ay murugoonaysa iyada oo is waydiinaysa “maxaa uu noloshaada u soo galay fasax la’aan, aayarna isaga baxay fasax la’aan”? Nolosheedu waxa ay kusoo ururtay su’aal iyo jawaab isla iyada ka imaanaya. Waxa ay rabtaa in ay curiso ereyo ay ku canaanato calafka kala geeyey jacaylkeedii, balse waa ay awoodi kari la'adahay, waxa ayna ku calaacalaysaa "cakuye maxaa aan u noqon waayay hal abuur gudbin kara cabashadiisa".

W/Q: Asli Abyan.

07/08/2024

Waxa aan maqlay hooyaday oo waydiisanaysa deriska milix. Waxa aan weydiiyey sababta ay milix uga codsatay deriska iyada oo ay guriga noo taallo. Waxa ayna iigu jawaabtay "Hooyo, deriskeennu lacag badan ma haystaan, oo marar badan ayay wax na waydiistaan. Waxa aan sida oo kale weydiiyaa wax yar oo aan qaali ahayn, si ay u dareemaan in aan u baahannahay innaguna. Sidan waxa ay ku dareemi doonaan kalsooni, waa ayna fududaan doontaa in ay sii wadaan in ay na waydiistaan wax kasta oo ay u baahan yihiin".

Waa cashar nololeed oo aan hooyaday ka bartay. Aan ubadkeenna ku barbaarinno naxariista, jacaylka iyo xaq-dhawrka aadanaha.

W/T: Asli Abyan.

04/08/2024

Aniga: Marka aad guriga tagto hooyadaa mahad-naq iyo salaan iga gaadhsii.
Iyada: Sabab?
Aniga: Maxaa wacay, waxa ay ii dhashay boqoraddan quruxda badan oo aan rajaynayaa in ay marwadayda noqoto maalin maalmaha ka mid ah.

03/08/2024

Waxa aan ku jeclahay sabab la'aan. Waxa aan jeclahay ruuxdaada dahiran, in ka badan inta aan jeclahay jidhkaaga ugdoon.

03/08/2024

Maalin walba waan ku sii jeclaanayaa. Jacaylka aan maanta kuu qabaa waa uu ka badan yahay kii aan shalay ku jeclaa, wuuna ka yar yahay ka aan berri ku jeclaan doono.

01/08/2024

QALBIGA RABADHKII HADMUU RADAYAA

Waxa aan ahaa gabadh yar oo gurigooda joogta, waxa aanan lamid ahaa hablaha asaaggayga ah haday tahay hawl qabad iyo haday tahay waxbarashaba. Waxaa la ii koriyay sida ugu quruxda badan ee inan loo koriyo, waxa aanan lanoola walalahay iyo waalidiintay. Hadda waxa aan noqday gashaanti. Waxa aan sameeyay dhawr xidhiidh oo aan kutalagalkayga ahayn oo aan kaliya iskaga ilaalinayo waxa la dhaho (NABSI) . Nabsigu waa wax aad u xun runtii. Waxa aan ahay qof aaminsan jaceylka, in aan qof jeclaadana k**a xumi, laakiin waxa aan ka baqaa in aan jeclaado qof khaldan oo aan halkaa ku noqdo qalbi hiil waayay, ama aan nolosha ka dhaco qof awgii, balse maanta waxa aan galay xaaladdii aan ka cabsan jiray! Waxa aan jeclaaday qof aan wakhtiba ii hayn oo anan u xisaabnayn. Magaranayo sababta aan u jeclaaday amase aan ugu dulloobay qof aan ii ogayn dhibka aan u marayo dartii. Iima dabacsana, iimana naxariisto, daryeelna kuma qabo, marka aan dhaho maxaad sidan iigu galaysaa? waxa uu ii sheegaa in ay sidani dabeecaddiisa tahay oo aan ku galo ama aan kaga tago. Waxa aan go’aansaday in aan katago, balse waan awoodi waayay sababtoo ah anaa jecel, k**ana maarmi karo. h**e ayaa looyidhi naf wax jeceli dhiig maleh. Waxa aan dhiman jiray maalinka qudha dhawr jeer. Markasta oo aan xanuun dareemo waxa aan iska dhagaysan jiray heestii yurub geenyo ee ahayd:

Hankii k**aan reebino kaan rabay.
Xiskan raacaybaa rabaayad noqdee.
Kii aan u rarnaa cishqiga ribbadoo.
Ruuxaan maqanbaa rajo ku sugaa.
Dhaaxaan rigrignaa raxleeyay dartaa.
Dhaaxaan raacdadaa rafaad umutee.
Raxmadda caashaqu hadmay ku rushayn.
Qalbiga rabadhkii hadmuu radayaa.
Haddaan ruuxdani raggaba kaligaa.
ku moodayn rafiiq raaliyo maan noqdeen.
Dartaa raraniyo rafaad qarsatee.
Adaa raxan raadshay jaceylkan rajoobey.
Inteen run la’aan riyo uun ku jiroo.
khilaafka ragaadshay raadkii cishqigee.
Adaa kala riday reerkeeni dhisnaa.
Inteen rukuma ha rujin kulahaa.

Ugu dambeyn waxa aan noqday qalfoof madhan oo uu qalbigeedii la qaatay qof aan dhawrayn ilaa uu iga tagay oo aan ka noqday qabyo, waase imtixaan aduun e waxa aan isku dayay in aan kasoo kabto qacdii h**e, markaas ayaan tiriyay tixdan yar:

Alloow daciif baan ahay dulmanoo.
Adaa daayinoo aqbalo ducadee.
Dagdag iigu fuli dalbashadaydoo
Damqashayda iyo xanuunkan idilay
Ayaan la dareemin diiftaydee.

Qalbigan damqanaaya dayroo
Daweeye iigu door dabiiba naftoo
Dirac rageed aan ku daayo duul tagay.

Maalmo xanuun badan kaddib, ducadaydii waa la aqbalay. waxa aan noqday qof cashar ka qaadatay dhibkii soo maray, dadkana uga digta markalena aan la dagi/khiyaami karin oo ka feejigan dhaawacyada qalbiga.

01/08/2024

Pagekan waxan u sameeyay si aan u qoro adinku aad u akhridaan oo aad ugu yaraan wax uga faa’idan

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Hargeisa