13/11/2025
Maanta oo kale, sanad ka hor, Jamhuuriyadda Somaliland waxay u ahayd maalin taariikhi ah — maalintii shacabka codkooda ku muujiyeen rabitaan isbeddel iyo hogaamin mabda’.
Inkastoo Ururka Hillaac aanu ku guuleysan doorashadaas, haddana waxay ahayd guul fikir iyo mabda’ ah, taas oo caddeysay in dadku doonayaan xisbi daacad ah oo karti iyo karaamo ku hoggaamiya ummadda.
Hillaac wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqayaa in ku dhow ilaa 60,000 oo muwaadiniin ah oo ku nool dhammaan gobollada Somaliland, kuwaas oo codkoodii iyo kalsoonidoodii siiyey ururka. Taageeradiinna waxay ahayd xusuus taariikhi ah oo muujisay in shacabka diyaar u yihiin hoggaan hufan iyo isbeddel dhab ah.
09/07/2025
Xalay waxa xarunta dhaqanka ee Hargeysa lagu qabtay muxaadiro qiimo badan oo uu jeediyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Muxaadiradan oo si qoto dheer u iftiimisay caqabadaha horyaalla Somaliland – kuwa dhaw iyo kuwa fogba – waxa si weyn loogu falanqeeyey arrimo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha, iyo mustaqbalka guud ee dalka.
Waxa si ballaadhan uga soo qaybgalay bulsho weynta reer Hargeysa oo ay hormood u ahaayeen xildhibaano, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa sidoo kale goob joog ka ahaa hoggaanka urur siyaasadeedka Hillaac.
Muxaadiradu waxay noqotay mid si weyn loo falanqeeyey, lana wada dhagaystay, taasoo muujinaysa xiisaha ay dadweynuhu u qabaan wacyigelinta iyo aragti-wadaagga ku aaddan horumarka Somaliland.
08/07/2025
Ka soo qaybgel wanaagsan.
03/07/2025
Ogeysiis Muhiim ah:
Prof. Ahmed Ismail Samatar ayaa habeenka Jimcaha, 4-ta July 2025, muxaadaro dadweyne oo muhiim ah ka jeedin doona Hotel Rays, Boorama.
Cinwaanka: "Doorashadii Kadib: Maxaa Xiga?"
Tani waa muxaadaradii ugu horreysay ee uu Prof. Samatar si toos ah ugula hadlayo shacabka Borama doorashada kadib.
Ha seegin! Habeenka Sabtida Soo Galayso.
30/06/2025
Madal-aqooneed Furan.
Waxaa Jaamacadda Burco ka jeedin doona muxaadaro ciwaankeedu yahay sugida nabada iyo horumarka (Peace Security and Development) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Muxaadiradani waxay qabsoomi doonta 30 Bisha June ee 2025 kuna beegan maalin isniin ah, habeenka ay salaasadu soo galayso.