16/09/2024
Asalaamu Caleykum,
Kani waa boggeena rasmiga ah ee Xarunta Galbeed ee Xisbiga Waddani. Xaruntan waxay noqon doontaa madal muhiim ah oo aan ku gudbin doono fikradaha iyo siyaasadaha xisbiga, si aan u gaadhsiino bulshadeena dal iyo dibba.
Ujeedada boggan waa in aan abuurno isgaadhsiin furan oo dhex mara xubnaha xisbiga, taageerayaasha, iyo bulshada guud ahaan.
Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno macluumaad ku saabsan hawlaha, dhacdooyinka, iyo waxqabadyada xarunta, iyadoo la dhiirrigelinayo ka qaybqaadashada iyo wada-shaqeynta.
Fadlan la soco qoraalladeena oo ha ka waaban inaad fikradahaaga la wadaagto. Sidoo kale, follow garee page-ka si ay kuu soo gaadhaan waxqabadyada xarunta. Mahadsanid inaad qayb ka tahay safarkeenna; waxaan rajeynaynaa inaan wadajir u gaadhno isbadal weyn oo la taaban karo!