Shucayb Osman Mahamoud

Shucayb Osman Mahamoud Bogga Rasmiga Ah ee Agaasimaha Guud Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Jsl Dr Shucayb Osman Mahamoud

12/10/2026

Waxaan saaka furey kulanka Saddex-biloodlaha ah ee Daneeyayaasha Aagga Tamarta Somaliland.

11/10/2026

Waxaan guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta dhammaystirka qaybaha ka hadhsan mashruuca koronto-gelinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada, kaas oo ay gacanta ku hayso shirkadda SECCCO.

Intii uu kulanku socday, waxaan aniga iyo xubnaha Unugga Fulinta Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP) ayaa shirkadda SECCCO kala hadlay dardargelinta shaqada xarumaha uu mashruucu ka socdo, kuwaas oo hadda gacanta lagu hayo. Waxa kale oo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in bulshada deegaanka la siiyo wacyigelin dhammaystiran oo ku saabsan habka looga faa’iidaysan karo loona isticmaali karo adeegga korontada ee loo hirgeliyey xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Gabagabadii kulanka, waxaan faray in la dhammaystiro dhammaan shaqooyinka ka hadhsan koronto-gelinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada inta lagu jiro bisha Oktoobar, si ay suurtagal u noqoto qabashada xafladda daahfurka mashruuca koronto-gelinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada dalka oo dhan horraanta bisha Nofeembar ee sannadkan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa saaka ko...
11/10/2026

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis noogu yimi xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland taas oo aanu kusoo dhawaynay aniga iyo wasiirka wasaarada Tamarta iyo Macdanta Jsl isaga oo u kuur-galay habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu Qaranka uga masuul tahay iyo gudashada waajibaadka shaqo ee Shaqaalaha Wasaaradda.

11/10/2026

"Somaliland waxa kusoo wajahan maalgashato ka kala imanaaya caalamka kuwaasi oo danaynaaya maalgalinta Macdanta, shidaalka iyo khayraadka dalka, markastana waxay nawaydiiyaan caymiska hantidooda iyo maalgashiga ay samaynayaan."

Jaamacadda Ibraahim Barre ee gobolka Sanaag kuna taala degmada Gar-Adag.
08/10/2026

Jaamacadda Ibraahim Barre ee gobolka Sanaag kuna taala degmada Gar-Adag.

Waxaan maanta guddoomiyay shirkii laba-toddobaadlaha ahaa ee Kooxda Fulinta Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Soma...
05/10/2026

Waxaan maanta guddoomiyay shirkii laba-toddobaadlaha ahaa ee Kooxda Fulinta Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP), kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in warbixin laga dhagaysto xubnihii dalka Shiinaha u tagay soo-hubinta awoodda shaqo iyo tayada qalabka tamarta cadceedda ee loogu talagalay mashaariicda koronto-ballaadhinta magaalooyinka Berbera iyo Borama, ka hor inta aan qalabka dalka loo soo rarin.
Soo-hubintan ayaa muhiim u ah xaqiijinta in qalabka la soo iibinayo uu yahay mid tayo leh, si hufan u shaqayn kara, isla markaana la isku halayn karo.

Geesta kale, Madaxa Mashruuca ayaa warbixin ka bixiyay toddoba goobood oo ku yaalla Gobolka Sanaag, kuwaas oo loo sameeyay koronto-gelin dhammaystiran oo loogu talagalay xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee degmooyinka Gar-adag, Ceel-Afweyn, iyo deegaanka Kulmiye ee Gobolka Sanaag.kuwaasi oo todobaadkii h**e wasiirku uu xadhiga ka jaray.

Gabagabadii shirka, waxaan faray kooxda fulinaysa Mashruuca inay laba-jibbaaraan dadaalkooda, xoojiyaanna dabagalka iyo kormeerka qandaraaslayaasha gacanta ku haya hirgelinta mashruuca, gaar ahaan koronto-ballaadhinta magaalooyinka Berbera iyo Boorama.

Waxaan saaka xafiiskayga ku guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee maamulka Wasaaradda.Kulanka ayaa lagaga hadlay dardar...
04/10/2026

Waxaan saaka xafiiskayga ku guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee maamulka Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagaga hadlay dardargelinta hawlaha socda iyo horumarinta mashaariicda Wasaaradda, iyadoo xoogga la saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlaha, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha iyo yoolalka Wasaaradda.

28/09/2026

Somaliland mining
Moving toward homegrown innovation, sustainable development, and active participation in global digital and high-tech markets. From nomadic communities to mining industries.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shucayb Osman Mahamoud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share