Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome

Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome

Share

Bogga Rasmiga Ah ee Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Barbaarinta Iyo Sayniska Jsl Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf (Cadhoome)

Photos from Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome's post 09/04/2026

Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay Macallimad Umalkhayr Khadar oo ka mid ah macallimiinta Dugsiga Abdaal ee Mandheera, gaar ahaan qaybta barbaarinta. Kulankan wuxuu ahaa mid qiimo gaar ah leh, waxaana si weyn ugu farxay inaan la kulmo macallimad muujisay dadaal, karti iyo damqasho ardayeed.

Waxaan si gaar ah ugu ammaanayaa Macallimad Umalkhayr Khadar kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta ardayda yaryar. Waxay tusaale u tahay macallin leh dulqaad, daacadnimo iyo hal-abuur, taas oo ka dhigaysa mid ku dayasho mudan.

Waxaan carrabka ku adkaynayaa in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka bulsho kasta, halka macallinku yahay udub-dhexaadka nidaamka waxbarasho. Dadaalka ay macallimaddu ku bixisay waxbaridda ardayda ma aha oo keliya gudbinta casharro, balse waxa uu si qoto dheer uga tarjumayaa barbaarinta akhlaaqda, edebta iyo masuuliyadda.

Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland dadaalka hagar laโ€™aanta ah ee ay ugu jiraan kobcinta aqoonta iyo anshaxa ardayda. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa macallimiinta muujiya daacadnimo, dulqaad iyo hal-abuur, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waxbarashada dalka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ka goโ€™an dhiirrigelinta, taageeridda iyo horumarinta macallimiinta, si loo helo nidaam waxbarasho oo tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.

Photos from Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome's post 08/04/2026

Waxaan maanta ka qayb-galay shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL. Halkaas waxaan ku soo bandhigay warbixin ku saabsan habraaca maamul-daaddejinta Waxbarashada Aasaasiga ah.

Waxaan Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha lagu xoojinayo ka qaybgalka heerarka hoose ee maamulka waxbarashada. Waxaan si gaar ah u sharaxay in habraacani uu yahay hannaan cad oo qeexaya qaabka wada shaqaynta iyo masuuliyadaha ay kala yeelanayaan Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Dawladaha Hoose, goleyaasha deegaanka, iyo xafiisyada waxbarashada ee heer degmo, gaar ahaan degmooyinka loo daaddejiyey waxbarashada aasaasiga ah.

Waxaan sidoo kale tilmaamay in hirgelinta nidaamkan ay kor u qaadi doonto tayada waxbarashada aasaasiga ah, isla markaana ay fududayn doonto in adeegyada waxbarasho si siman loo gaadhsiiyo dhammaan ardayda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhanka kale, waxaan carrabka ku adkeeyey in habraacani uu dhiirrigelinayo wada-shaqayn dhow oo u dhexaysa Wasaaradda, maamullada hoose iyo bulshada, taas oo door weyn ka qaadanaysa horumarinta waxbarashada iyo daboolidda baahiyaha gaarka ah ee deegaannada.

05/04/2026

Maanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan dhagax-dhigo xarun casri ah oo loogu talagalay tababarka macallimiinta gobollada bari. Tani waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa sida ay nooga goโ€™an tahay horumarinta tayada waxbarashada dalka.

Waxaan aaminsanahay in macallinku yahay laf-dhabarta waxbarashada, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in la siiyo fursado joogto ah oo ay ku kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda. Xaruntani waxay noqon doontaa meel ay macallimiintu ku helaan tababaro tayo leh, kuna wadaagaan khibradahooda.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiinta iyo hayโ€™adaha nagala shaqeeyay hirgelinta mashruucan, gaar ahaan bah-wadaagta naga taageerta horumarinta waxbarashada. Waxaan ballanqaadayaa in Wasaaradda Waxbarashadu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada waxbarasho si ay u gaadhaan dhammaan bulshada.

Ugu dambayn, waxaan rajaynayaa in xaruntani ay noqoto il iftiin u ah macallimiinta iyo ardayda mustaqbalka, isla markaana ay door muuqda ka qaadato horumar waara oo waxbarasho.

19/03/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐…๐ข๐๐ซ๐ข

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah munaasabadda curashada bisha Shawaal iyo maalinta barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo acmaashii suubanaa ee aynu soo gudannay bishii Ramadaan, nagana yeelo kuwii dambigooda la dhaafay.

Ciid Mubaarak.

11/03/2026

Waxa kulan afur ah noo sameeyey Guddoomiyaha Baanka Dhexe, annaga oo ah qaar ka mida masuuliyiinta dawladda, si ay masuuliyiinta xukuumaddu isu xaal waraystaan una xoojiyaan wada shaqaynta.

Waxaanu Guddoomiyaha uga mahadcelinaynaa martiqaadka, soo dhawaynta wanaagsan iyo fursadda uu u abuuray masuuliyiinta inay is xog-waraystaan.

04/03/2026

๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Waxaan Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka.

Waxaan si cad u muujiyey in abaaruhu si weyn u saameeyeen habsami-u-socodka waxbarashada, gaar ahaan deegaanada miyiga iyo bulshada xoolo-dhaqatada ah. Biyo iyo cunto laโ€™aanta ka dhalatay abaaraha ayaa sababtay barakac baahsan, dhaqaale-yari iyo culays nololeed oo qoysas badan soo wajahay, taas oo keentay in arday tiro badan ay ka maqnaadaan dugsiyada.

Waxaan carrabka ku adkeeyey in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gurmad iyo qorshe qaran oo lagu badbaadinayo waxbarashada carruurta ku nool meelaha ay abaaruhu sida gaarka ah u saameeyeen. Sidoo kale, waxaan soo jeediyey in Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran ay qorshahooda si gaar ah ugu daraan taageeridda iyo daryeelka iskuullada ay abaaruhu saameeyeen, si loo xaqiijiyo in waxbarashadu sii socoto, carruurteenuna u helaan fursad ay ku gaadhaan mustaqbal wanaagsan.

28/02/2026

Waxaan Xafiiskayga ku qaabilay Cabdilaahi Jaamac Saalax oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, kaasoo kaalinta koowaad ka galay tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ee uu qabtay Madaxweynaha Jsl Abdirahmaan Mahamed Cabdilaahi Cirro

Photos from Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome's post 23/02/2026

Maanta waxaan kormeer iyo indho-indhayn ku tegay Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa. Ujeeddada kormeerku waxay ahayd u kuurgalida xaaladda waxbarasho iyo deegaan ee dugsiga, waxaana igu weheliyey Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex.

Markii kormeerku soo dhammaaday, waxaan kulan la qaatay ardaydii h**e uga baxday dugsiga, kuwaas oo iga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray iyo kaalinta ay ka qaateen dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dugsiga.

Waxaan uga mahadnaqay doorka shariifka ah ee ay ku lahaayeen horumarka muuqda ee uu dugsigu ku tallaabsaday, anigoo caddeeyey in Wasaaraddu diyaar u tahay kor u qaadista tayada dugsiga isla markaana ay ka goโ€™an tahay xal u helista baahiyaha iyo xuquuqda uu dugsigu leeyahay si loo helo deegaan waxbarasho oo dhammaystiran.

Sidoo kale, waxaan hakiyey dhismaha garoonka kubadda cagta ee Dugsiga Faarax Oomaar ilaa laga soo saarayo goโ€™aan rasmi ah oo dambe.

17/02/2026

RAMADAAN KAREEM

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibadda curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Bishan barakaysan ee Ramadaan waa bil cibaado, naxariis, isxilqaan iyo iscafis, waana fursad qaali ah oo aynu ku xoojino midnimadeenna, isku duubnideenna iyo qiyamka wanaagsan ee diinteennu ina farayso.

Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa dhammaan bahda waxbarashada, macallimiinta, ardayda, maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta aqoonta iyo mustaqbalka qarankeena.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu inaga aqbalo cibaadadeenna, inoo barakeeyo bishan barakaysan, kana yeelo bil khayr, barwaaqo iyo nabad.

RAMADAAN KAREEM

Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL

Photos from Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome's post 15/02/2026

Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay Macallin Ismaaciil Saleebaan Faahiye oo ka mid ah macallimiinta ka hawl-gala dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada Hargeysa.

Macallinku waxa uu iga siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladaha ay ku shaqeeyaan macallimiintu, caqabadaha jira, iyo baahida loo qabo in la xoojiyo taageerada, dhiirrigelinta iyo daryeelka barayaasha si kor loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Waxaan mar kale caddeeyay in macallimiintu ay yihiin laf-dhabarta waxbarashada iyo tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha mustaqbalka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaarad ahaan, si dhab ah ayaan uga warqabnaa duruufaha ay ku shaqeeyaan macallimiintu, waxaana naga goโ€™an inaan sii xoojino dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo daryeelka macallimiinta.

Ugu dambayn, waxaan bogaadinayaa dedaalka iyo samir-u-adkaysiga macallimiinta dalka, anigoo ku dhiirrigelinaya inay sii wadaan hawsha qaran ee ay u hayaan ubadka iyo mustaqbalka Somaliland.

Photos from Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome's post 14/02/2026

Wasaaradda Waxbarashada oo Xoojisay Iskaashiga ECW iyo UNICEF

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay wefdi heer sare ah oo ka socday Education Cannot Wait (ECW) iyo UNICEF, waxaana kulanka igu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta Iyo Sayniska JSL ee Somaliland. Kulankan muhiimka ah waxa aanu diiradda ku saarnay dardargelinta mashaariicda waxbarasho ee ay ka fuliyaan dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Wefdigan waxa hoggaaminaysay Diana Nelson, Madaxa qaybta Waxbarashada ee Mashruuca ECW, waxaana ku wehelinayay Beza Tesfaye oo ka tirsan ECW, iyo xubno sare oo ka socday UNICEF oo ay ka mid ahaayeen Tedla iyo Mohamud Abdi, oo ah madaxa qaybta waxbarashada. Masโ€™uuliyiintani waxay ila wadaageen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan halka ay marayaan qorshayaasha lagu horumarinayo waxbarashada carruurta ku nool deegaannada u baahan taageerada degdegga ah.

Waxaan uga mahadcelinayaa madaxda ECW iyo UNICEF booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin horumarinta waxbarashada Somaliland. Waxaan caddeynayaa in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga iyo fududaynta dhammaan dadaallada lagu gaadhayo waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay, si ay uga faaโ€™iidaystaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Hargeisa