Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome

Website

Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome Bogga Rasmiga Ah ee Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Barbaarinta Iyo Sayniska Jsl Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf (Cadhoome)

29/09/2026

๐——๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ/๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฌ๐˜‚๐—ณ๐—น๐—ฒ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ. ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฏ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ.

๐—”๐—น๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต, ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐——๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ/๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฌ๐˜‚๐—ณ๐—น๐—ฒ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฏ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ...
29/09/2026

๐—”๐—น๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต, ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐——๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ/๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฌ๐˜‚๐—ณ๐—น๐—ฒ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฏ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐˜‚๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ.

Waxaan ballanqaaday in baahiyaha dugsiga wax laga qaban doono, waxaana maanta farxad ii ah in qayb ka mid ah agabkii loo baahnaa la gaadhsiiyo dugsiga.

Waxaan rajaynayaa in qalabkani uu wax ka tari doono baahiyaha ardayda, isla markaana uu kaalin ka qaadan doono horumarinta deegaanka waxbarasho ee Dugsiga Yufle.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Human Development Fund (HDF) taageerada iyo kaalinta ay ka qaateen gaadhsiinta agabkan waxbarasho Dugsiga Yufle.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka, macallimiinta, ardayda iyo bulshada degmada Yufle sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta waxbarashada.

โ€” ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ณ. ๐—œ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—น ๐——๐˜‚๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฒ
๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ

22/09/2026

โ€œKa Xukuumad ahaan, Xarunta Ubad Gargaar waxay ka mid tahay goobaha muhiimka ah ee aanu gacanta ku hayno, gaar ahaan daryeelka iyo waxbarashada carruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaan bulshada ugu baaqayaa cid kasta oo awood u leh inay carruurtan caawiso oo garab istaagto, inay kaalinteeda ka qaadato taageeradooda iyo horumarkooda.โ€

โ€” Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf Cadhoome
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL

22/09/2026

Booqashadii Xarunta Ubad Gargaar โ€“ Daryeelka iyo Waxbarashada Ardayda Baahiyaha Gaarka ah Qaba

22/09/2026

Maanta Waxaan Xafiiskayga Ku Qaabilay Wafti Ka Socday Save the Children, Waxaana Ka Wada Hadalnay Horumarinta Farsamada Gacanta iyo Fursadaha Shaqo ee Dhalinyarada.

14/09/2026

Maanta waxaan magaalada Boorama kaga qaybgalay xafladda qalin-jabinta Jaamacadda Eelo, anigoo hambalyo iyo bogaadin u diraya ardayda qalin-jabisay, waalidiintooda iyo bahda Jaamacadda.

Waxaan u rajaynayaa ardayda qalin-jabisay mustaqbal ifaya iyo guul ay dalkooda iyo bulshadooda ugu adeegaan.

10/09/2026

Waxaan sharaf weyn ii ahayd inaan ka qayb-galo munaasabadda qalin-jabinta Dufcaddii 25-aad ee Jaamacadda Camuud, oo ka mid ah jaamacadaha waaweyn ee taariikhda facaweyn ku leh Somaliland.

Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda qalin-jabisay, waalidiintooda, macallimiinta iyo maamulka Jaamacadda Camuud. Waxaan rajaynayaa in aqoontooda ay ugu adeegaan dalkooda iyo bulshadooda, kanaalin muuqda ka qaataan horumarka Somaliland.

Hambalyo Dufcaddii 25-aad ee Jaamacadda Camuud.
Alla mahadleh.

09/09/2026

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Maamulka Degmada Gabiley, maamuuska iyo dhiirigelinta ay ii sameeyeen. Gabiley waa gobolkii labaad ee dhiirigelintan noo sameeya, taasina waxay muujinaysaa bisaylka, wadajirka iyo sida ay dadkeennu u qadariyaan una maamuusaan madaxda u adeegaysa. Insha Allah, waxaan rajaynayaa in muddada xil-hayntayada aan gaadhno gobollada kale ee dalka, si aan uga wada shaqayno horumarinta waxbarashada, una gaadhno himiladeenna waxbarasho ee Somaliland.โ€

โ€œMadaxweynuhu ballanqaadka uu qaado wuu fuliyaa. Waxa ka mid ah ballanqaadyadii uu fuliyey hoolkan aynu maanta ku jirno ...
09/09/2026

โ€œMadaxweynuhu ballanqaadka uu qaado wuu fuliyaa. Waxa ka mid ah ballanqaadyadii uu fuliyey hoolkan aynu maanta ku jirno ee Jaamacadda Tima-cadde ee Gabiley.Kalmad aan ka jeediyay Munaasabaddii Qalin-jabinta Jaamacadda Tima-cadde ee Gabiley.โ€

Kormeerka Dugsiyada Magaalada CeerigaaboWaxaan maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada ee ma...
08/09/2026

Kormeerka Dugsiyada Magaalada Ceerigaabo

Waxaan maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada ee magaalada Ceerigaabo, aniga oo u kuurgalayay habsami-u-socodka hawlaha waxbarashada, xaaladda guud ee dugsiyada, joogtaynta ardayda iyo macallimiinta, iyo baahiyaha ka jira goobaha waxbarashada.

Intii aan kormeerka ku jiray, waxaan la kulmay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo ardayda, waxaanan ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda waxbarashada iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Kormeerradani waxay qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo xaqiijinta in ardayda Somaliland helaan waxbarasho tayo leh.

Waxaan maamulka dugsiyada iyo macallimiintaba ku boorriyey inay sii xoojiyaan masuuliyadda ka saaran waxbaridda iyo kobcinta aqoonta jiilka mustaqbalka, maadaama waxbarashadu tahay saldhigga horumarka bulshada iyo dalka.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category