New Hargeisa Public Library

New Hargeisa Public Library

Share

Rugta Kutubta ee New Hargeisa

13/03/2026

Gorfeynta buugga Islaamka iyo Mushkilada dhallinyarada. Ustaad Cabdixakiin Obsiiye.
Qaybta koobaad. 👇

12/03/2026

Muuqaaka barmaamijka saameynta dagaalka bariga dhexe.
Daawasho habboon.
Degel Tv
Shucayb Hassan Dheere 📸

Photos from New Hargeisa Public Library's post 11/03/2026

Habeenkii xalay waxa Rugta Akhriska New Hargeysa ka qabsoomay barmaamij qiimo badan oo ku saabsanaa, Saameynta dagaalka bariga dhexe ee dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo shidaalka. Kulanka waxa soo jeediyay Dr Foosi Qoofal iyo Dr Abdiqani Muse.
Kulanka waxa kasoo qayb galay marti sharaf badan oo uu ka mid yahay La taliyaha madaxweynaha JSL ee istaraatijiyadda Kamaal Marjaan.

Alla Mahad Leh.
📸

10/03/2026

Waa inoo diyaar madashu.

10/03/2026

Barmaamijkeennii salaadda taraawiixda kaddib ayuu bilaabmayaa insha Allah.

Kasoo qayb gal wanaagsan.

09/03/2026

Barmaamij “Saameynta Dagaalka Bariga Dhexe: Siyaasad, Dhaqaale iyo Shidaal”.
Habeen dambe waxa maktabadda New Hargeysa inoogu casuuman laba diktoor oo aqoon fiican uleh arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo shidaalka. Kuwaas oo aynu kala sheekeysan doonno xaalka bariga dhexe iyo saameynta dagaalkaasi ku yeelanayo adduunka iyo Somalilandba.

Dr. Abdiqani Saabir waxa uu inoo soo jeedin doonaa
Sharaxaad guud oo ku saabsan Bariga Dhexe iyo muhiimadda uu leeyahay, sababaha Dagaalka iyo saameynta siyaasadeed ee dagaalka.

Dr. Foosi Qoofal waxa uu si ballaadhan uga hadli doonaa saameynta dagaalku uu ku leeyahay dhaqaalaha, maciishadda, shidaalka iyo gaar ahaan sida u saameyn uga yeelanayo suuqyada caalamka.
Xidhiidhiye: Cabdiqani Qorane
Goorta: 10/03/2026
Walhtiga: 8:30 Fiidnimo
Goobta: New Hargeisa Library.
Kasoo qaybgal wanaagsan.

20/02/2026

Mahadnaq Eng Kamil Ahmed Mohamed.
Credit Control Manager ka shirkadda Sompower oo isagu ballan qaaday in uu bixinayo laydhka maktabadda.
Ku dayasho ayuu mudanyahay. Waa maaalin khayr badan oo Ramadaan ah alle miisaanka xasanaadka ha ugu daro.

wanaagsan.

17/02/2026

Maamulka Maktabaddu aad ayuu ugu mahadnaqayaa Guddoomiye Mustafe iyo xisbigiisaba. Buugta ay ugu deeqeenna waanu ka guddoonnay.
Waxay kusoo hagaajin doonaan xarunta maktabadda New Hargeysa.

25/01/2026

Halkee ayuu ku yaallaa New Hargeisa Library?. 👇

Photos from New Hargeisa Public Library's post 24/01/2026

Sawirro: Barmaamijka Hoggaaminta wanaagsan oo soo jeediyay ustaad Axmed Aarshe.
📸 Joseph

23/01/2026
23/01/2026

Bacdal cishaha ayay madasheennu inoo hilaabmeysaa insha Allah.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

https://www.nhplibrary.com/

Address

New Hargeisa
Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00