02/10/2025
Mudane/ marwo waxa ay kulliyada WAADI-SALAAM kugu marti qaadeysaa in aad kala soo qayb gasho barnaamijka BIL IYO BANDHIG.
Barnaamijkaas oo lagu falanqeyn doono muhiimqda ay leedahay Taageerida dadka wax-soo-saarka iyo Hal-abuurka leh.
Goobta: salaam library
Goorta: 4: 00pm ( galabnimo)
Maalinta: khamiista, 04/10/2025.
Numberka : 063 8219233
https://chat.whatsapp.com/Bg0XrPFwflRD584dbLTuQO?mode=ems_copy_t
09/09/2025
Tababar ay iska kaashadeen Salaam Public Library iyo Modern Institute of Knowledge and Research-MIKR ayaa kusoo dhammaaday guul. Kaasoo loogu tala galay inay ka faa'idaystaan ardayda galaysa jamacadaha dalka, kuwaasoo kamid ahaa ardaydi sida joogtada ah wax ugu akhrisan jiray maktabadda.
.
07/09/2025
Salaam Public Library waxa uu si milgo iyo maamuus leh ugu mahadcelinayaa qoraa Hersi Ali H Hassan oo ah guddoomiyeha Xisbiga Muxaafidka ah ee Waddani, oo maktabadda soo gaadhsiiyay qaybo ka mid ah wax-soo-saarkiisa dhigaal, kuwaasoo kala ah:
1. Nuqullo ka mid ah buugga 'Miisaanka Cadaaladda iyo Muhiimadda Sharciga', kaasoo soo bandhigaya caqabadaha ka jira nidaamka cadaaladdeed ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana tibaaxaya talooyin wax ku ool ah.
2. Nuqullo ka mid ah buugga 'Hodanka Baahan iyo Himiladayda' kaasoo isna ah barnaamij siyaasadeedka Hoggaamiye Xirsi.
.
31/08/2025
Salaam Public Library waxa uu si mug leh ugu mahadcelinayaa qoraa Xasan Jamac Yaasiin, oo maktabadda soo gaadhsiiyay nuqullo ka mid ah buuggiisa 'Dadka Maxaa Ka Dhexeeya' kaasoo kamid ah buugagga afkeenna hooyo ku qoran, ee ka warramaya cilmiga bulshada. Isla markaana mudan in qof waliba uu daalacdo, sidoo kalena uu weeleeyo afkaaraha uu xambaarsan yahay.
.
24/08/2025
Salaam Public Library waxa Jimcihii 22 Aug, ka qabsoomay kulan lagu falanqaynayay dhiganaha 'Dadka Maxaa Ka Dhexeeya' kaasoo kamid ah buugagga dhif iyo naadirka ah ee afkeenna hooyo ku qoran, kana warramaysa cilmiga bulshada. Buuggani waxa uu hab fikir ah uga hadlayaa su'aal mug weyn oo ah waxa dadka ka dhexeeya, jawaab uu dhinacyo badan ka istaagayna waxa uu saldhig uga dhigayaa in ay dadka ka dhaxayso bulshow iyada oo loo marayo hadal fayow, qaayasoor qumman, iyo xeer xakame u kala ah dadka.
Waxaanu u mahadcelinaynaa Ustaad Cabdirisaaq Mukhtaar iyo qoraaga buugga Eng Xasan Jaamac Yaasiin.
18/08/2025
Salaam Public Library wuxuu kugu marti qaadayaa kulan lagu gorfayn doono, dhiganaha 'Dadka Maxaa Ka Dhexeeya'. Kaasoo qabsoomi doona Jimcaha inagu soo aadan iyo 4:00 pm galabnimo.
12/08/2025
Salaam Public Library iyo xarunta , waxay iska kaashanayaan kulankan oo u gaar ah, ardayda dhammaysay dugsiyada sare ee dalka.
Kaasoo warbixin dhammaystiran ka siinaya ardayda, waxbarashada sare ee Jaamacadda—dalka iyo dibada fursadaha jira iyo shuruudaha ardayga looga baahan yahay.
Fadlan, cidii danaynaysaa ha soo raacdo link-gan:
https://chat.whatsapp.com/K07DrjSb6px7Sr150gdtmW?mode=ac_t
26/06/2025
Maktabadda dadwayne ee Salaam Public Library waxay u mahadnaqaysaa qoraa Cabdixakiin Obsiiye, oo ugu deeqay tiro buugag ah. Kuwaasoo ka mid ah dhiganayaasha loogu jecel yahay maktabadda akhriska ee Soomaalida.
05/06/2025
Ciid Mubarak.
Salaam Public Library wuxuu hambalyada ciidda la wadaagaya guud ahaa ummadda Muslimka, gaar ahaanna reer Somaliland, ugu danbayna akhristayaasha ku xidhan maktabadda.
Taqaballaahu minaa wa minkum, saalixal acmaal.