Muuse Askar Guuleed

Muuse Askar Guuleed

Share

Deputy minister of minitry if information, Culture and Awerness SL. ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐–. ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ž ๐€๐ฌ๐ค๐š๐ซ

Photos from Muuse Askar Guuleed's post 02/05/2025

Waxa aannu saaka booqannay maamulaha guud ee dugsiyada Sh. Ibraahin Schools oo muddo u jiifay xannuun haleellay.

21/04/2025
Photos from Muuse Askar Guuleed's post 21/04/2025

Qaramayn

21/04/2025

Ciidankan xukuumaddu qaramaysay ee ku sugnaa Qorilugud ayay tiradoodu dhan tahay 610 Askari iyo 47 Gadiid Dagaal

21/04/2025

Saaka waxaa si rasmi ah qaran ahaan loogu wareegay 610 muwaadin oo kamid noqonaya ciidanka madaniga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Tani waa guul qaran oo ka tarjumaysa ballanqaadka joogtada ah ee lagu dhisayo hayโ€™adaha dowladeed iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada.

Hambalyo dhammaan muwaadiniinta la qaramay!

21/04/2025

Muuqaalka Qaramaynta Gaashaambuur ,Axmed Faarax , Bayle Faarax & Faahiye Faarax.

Photos from Muuse Askar Guuleed's post 19/04/2025

QARAN AYAA INNA DEEQA โ€“ ANNAGUNA WAX BAAN KU NAHAY!

Saaka waxaan degmada Qorilugud ka daahfuray hawl ballaaran oo muddo maalmo ah socon doonta, taasoo qeyb ka ah barnaamijyada horumarinta bulshada ee heer qaran. Qorilugud waa qayb aan ka mid nahay, dadkeeduna waa dad aan mudnayn in laga hadho. Waxaan si weyn ugu bogay sida ay bulshada deegaanka u qaabileen hawshan, iyaga oo muujinaya dhiiranaan iyo isku-duubni. Codkiinna waa la maqlaa, ficilkiinnuna maanta muuqdana wuu leeyahay.

Muuse Askar Guuleed
Wasiir Kuxigeen, Wasaaradda Warfaafinta JSL

Photos from Muuse Askar Guuleed's post 02/04/2025

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Hargeysa, 02.04.2025

Fadhigii 14-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:

(๐Ÿ) Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Qaran ahaan ay lagama maarmaan tahay in aynu si weyn uga feejignaano saamaynta ay inagu yeelan karto xasilooni darrada ka jirta marrinka Badda Cas iyo hirdanka ka dhexeeya Quwadaha waaweyn.

(๐Ÿ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa isaguna Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha iyo kobcinta Dakhliga Qaranka.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in uu dhammaaday 3-biloodkii koowaad ee sannan Miisaaniyadeedka 2025-ka. Wasiirka ayaa cadeeyey in nasiib wanaag ay muuqato kor u kac xagga Dakhliga ah, kaasi oo 19% ka sarreeya marka loo eego sannadkii 2024-ka. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in isku xidhka nidaamka Maaliyadda ee Cashuuraha ku waajibay iibka ee Shirkadaha Korontada iyo kuwa Isgadhsiintu ay meel wacan marayaan, taasoo kor u qaadi doonta Dakhliga dalka.

(๐Ÿ‘) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ayaa ka war bixiyey xaaladaha abaaraha iyo biyo la'aanta ee ka jirta Gobollada Bariga iyo in loo baahan yahay in la abaabulo gurmad Qaran oo qorshaysan.

(๐Ÿ’) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo la xidhiidha hab-sami-u-socodka ciyaaraha, caqabadaha jira iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto si loo kobciyo jidhka iyo garaadka Dhallinyarada.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay soo dhamaadeen Horyaalka Kubbada Cagta ee Gobollada Awdal iyo Saaxil. Sidoo kale waxa soo gabagaboobay Shirka Daneeyeyaasha Ciyaaraha, iyo in la qaban doono Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta, Kolayga iyo Ciyaaraha fudud. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay qaban doonto Tartanka Ciyaaraha isku-dhafan oo nooc walba leh, oo lagu qaban doono Hargeysa, Bisha 8-daad, 2025-ka.

(๐Ÿ“) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin waafi ah oo la xidhiidha doorka iyo masuuliyadda Wasaaradda taasi oo ah in Wasaaradu ay tahay hayyโ€™ad dawli ah oo u adeegta muwaadiniinta Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in Warbaahinta Qaranku aanay noqon doonin meel cid laga af-lagaadeeyo ummadana lagu kala qaybiyo sidii h**e u dhici jirtay, balse Warbaahinta Qaranku ay noqon doonto mid tabisa warar dhex-dhexaad ah oo ku salaysan xaqiiqada isla markaana ku salaysan danta iyo maslaxadda ummadda JSL iyo wadajirkiisa ummad ahaaneed. Wasiirku waxa uu sheegay in la qaban doono Shirweynaha Qaran ee Dhaqanka Somaliland .

(๐Ÿ”) Madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegaystay Wasiirradii loo kala diray Gobollada dalka si farxadda Ciidal Fitriga ula qaybsadaan bulshada Somaliland ee ku nool Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Wasiirradu waxa ay sheegeen in ay bulshadu aad u soo dhaweeyeen ka qayb galka madaxda Xukuumadda ee Munaasibadda Ciidul Fidriga.

(๐Ÿ•) Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha la wadaagay xog warran guud oo la xidhiidha dedaalladii nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ee Gobolka Sanaag, isagoo sheegay in Degmada Ceerigaabo ay hawlahaasi soo gabagaboobeen, arrintaasi oo ay ay kaalin laxaad leh ka qaateen Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Weftiga culus ee uu hoggaaminayo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu rajo wacan iyo niyad-sami ka muujiyey xidhitaanka nabada Ceel-Afweyn oo ilaa hadda si fiican u socota. Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in dhawaan la bilaabo doono Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ee Gobolada kale ee Bariga.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ

Photos from Muuse Askar Guuleed's post 30/03/2025

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป! โœจ

Maanta waxa aan shacbiga xariirta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland kula tukaday salaaddii ciidda garoonka Alamas ee magaalada Burco. Waa maalin ay wejiyadu iftiimayaan, qalbiyaduna ay farxad iyo mahadnaq buux dhaafiyeen. Waa xilli aynu Ilaahay u shukrinayno nimcooyinkiisa, isla markaana kor u qaadno midnimada iyo wadajirka ummadda.

Waxaan Eebbe (SWT) inooga baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo nabad-qab, caafimaad iyo baraare. Waxa aynu ka faaโ€™iidaysannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxaana rajaynayaa in wanaagga iyo cibaadada aynu sii xoojinno, si aynu u sii jirinno barakada iyo naxariista aynu helnay.

Farxadda ha la wadaago, walaaltinimadu ha adkaato, ducaduna ha badato!

๐—–๐—œ๐—œ๐—— ๐— ๐—จ๐—•๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐—ž! ๐ŸŽ‰โœจ

Photos from Muuse Askar Guuleed's post 16/03/2025

๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ-๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ: ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐—ป๐—ด๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

Maanta waxa magaalada Hargeysa ka dhacay kulan muhiim ah oo dhexmaray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo madaxa xafiiska dowladda Ingiriiska ee Somaliland Ilyas Malek. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda midane Muuse Askar Guuleed, Agaasimaha Guud Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), iyo madaxa xafiiska siyaasadda iyo wada-xidhiidhka Muxumed Maxamed Muxumed (Khadar), ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd is-barasho rasmi ah iyo in la isla falanqeeyo sida ay labada dhinac uga wada-shaqayn karaan horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo arrimaha wacyigelinta bulshada. Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiinta ka socday xafiiska Ingiriiska ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca warbaahinta, kor-u-qaadista tayada warbaahinta maxalliga ah, iyo doorka ay warbaahintu ka qaadan karto wacyigelinta bulshada.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay Somaliland iyo dowladda Ingiriisku isugu diyaarinayaan in ay sii xoojiyaan xiriirkooda, gaar ahaan dhanka warfaafinta iyo is-dhaafsiga xogaha ku saabsan horumarinta warbaahinta. Wada-hadalladan oo kale ayaa noqon kara kuwo horseeda fursado cusub, gaar ahaan sidii loo dhisi lahaa warbaahin xor ah oo wax dhista, isla markaana kor u qaada wacyiga bulshada.

Kulanka kadib, masuuliyiintu waxay muujiyeen rajo wanaagsan oo ku aaddan in wada-shaqaynta labada dhinac ay noqoto mid miro-dhal ah oo wax-ku-ool ah.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Road N. 1
Hargeisa