Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa

Share

The Official Page of the Hargeisa Local Government, The Capital City of the Republic of Somaliland. YouTube Page: https://youtu.be/If8ZAqDY3rg

04/05/2026

Bulsho kasta oo aanu dhul siino isla markaana aanu u rarno goob ay iyagu leeyihiin, k**a soo tagno ilaa aanu gaadhsiino baahiyaha asaasiga ah sida Raashin,taangiyada Biyaha iyo suuliyo ay galaan.

04/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Axmed Macalin Haaruun
Maxamuud Cabdi Xasan Kofindha.

04/05/2026

Haddii lagugu qabto adigoo iibinaya alaab dhacday, waa inaad ogaataa in lagu hor keeni doono maxk**ad, isla markaana lagugu soo rogi doono ganaax adag.

03/05/2026

Xarunta Dawladda Hoose ee Hargaysa waxa maanta ka dhacay kulan muhiim ah oo dhex maray Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo Wasaaradda Dib-u-dajinta & Arrimaha Bani'aadannimada JSL . kulankaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo isla xisaabtanka shaqadii la qabtay ee la xidhiidhay raritaanka iyo dib-u-dajinta 400 oo qoys oo h**e ugu noolaa waddooyin iyo dhul aanay lahayn, kuwaas oo hadda la siiyay dhul ay leeyihiin.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim u ah hubinta iyo dib u eegista in ballamihii h**e ee la isla qaatay si dhab ah loo fuliyay, isla markaana lagu qiimeeyo heerka ay marayaan adeegyada aasaasiga ah ee loo fidiyay qoysaskaas.

Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Hargaysa,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dajinta & Arrimaha Bani'aadannimada , yaasin Cumar Cabdi oo ah mudane Gole deegaan,Guddidii ka kala socotay dhinacyada Wasaaradda iyo Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa kulankan laga dhagaystay caqabadaha iyo waxyaalaha u qabsoomay.

Ugu dambayn, kulanku waxa uu muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dawladda ee ku aaddan daryeelka bulshada iyo horumarinta nolosha dadka danyarta ah, isagoo noqday tusaale muujinaya sida qorshe wadajir ahi u horseedi karo natiijooyin wax ku ool ah.

02/05/2026

Waaxda Dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargaysa waxa ay qabatay shaqo muhiim ah, waxaana ay dhammaan 400 ee qoys u calaamadisay halkii la siiyay ee uu dagi lahaa.

02/05/2026

Shaqada dajinta 400 ee qoys oo wali socota maalintii 3aad.

02/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Axmed Macalin Haaruun Maxamuud Cabdi Xasan Kofindha ayaa isagu faahfaahin ka bixiyay shaqada maanta oo sabti ah loo qabtay qoysaska danyarta ah ee halkan loo soo raray .

02/05/2026

Dadkii aanu soo rarnay ee aanu siinay dhulka, kaliya maanu soo rarin balse maanta oo sabti ah waxa wali socota shaqada caawinta dadka jilicsan ee aan awoodin in ay dhistaan aqaladooda.

Photos from Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa's post 01/05/2026

Wafti uu hoggaaminayo Duqa Caasimadda Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge,isla markaana ay weheliyaan agaasimayaal iyo injineerro ka socda Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa ka qaybgalay shir maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan maaraynta qashinka oo ka socda Addis Ababa, kaddib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen maalgashadayaal caalami ah.

Kulankan waxa uu ka dhashay in ka badan laba bilood oo wada-xaajood iyo iskaashi socday, oo ay ku jireen ururin xogeed, daraasado cilmiyeed, iyo qiimayn farsamo, si loo helo xal waara oo wax ku ool ah oo loogu talagalay maaraynta qashinka magaalada Hargeysa.

Hindisahan waxa uu si toos ah ula jaanqaadayaa himilada Dawladda Hoose ee ah in la dhiso magaalo cagaaran, nadiif ah, isla markaana deegaan ahaan waarta.

Shirku waxa uu si rasmi ah u furmay maanta, waxaana la qorsheeyey inuu socdo saddexda maalmood ee soo socda, iyadoo lagu falanqaynayo arrimo farsamo, la is waafajinayo istaraatiijiyadaha, isla markaana la sahaminayo fursadaha maalgashi ee suurtogelin kara horumarinta nidaamka maaraynta qashinka ee Hargeysa.

—————————————————-
Xafiiska Warbaahinta DHH.
—————————————————-

30/04/2026

Kor joogtaynta shaqada, kormeer joogto ah iyo la xisaabtanka shaqaalaha waa tiirarka ugu muhiimsan ee waajibaadka Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-Cade).

Arrimahaas oo si hufan loo fuliyay ayaa sabab u noqday in si habsami leh oo qurux badan u soo gabagaboobo hawshii lagu rarayay 400 qoys oo ay Dawladda Hoose siisay dhul ay si rasmi ah u leeyihiin.

30/04/2026

Shaqadii aanu soo bilaabnay saaka afartii subaxnimo,imika ayaanu dhamaynaya oo ay saacaddu tahay galin dambe. Dhammaan dadkiina si nabad ah ayaanu ku rarnay

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Dawladda Hoose
Hargeisa