Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda

Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Government Organization, Road Number 1 Hargeisa Somaliland, .

19/03/2026

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐀𝐋 𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland mudane Suleiman M. Obsiiye Waxa uu dhambaal hambalyo oo ku aaddan munaasibadda farxadda ee Ciidul-Fidriga u dirayaa shacabka Jamhuuriyadda Soomaalilaan gudo iyo dibedba meel kaste oo ay joogaan iyo dhammaan umadda Islaam kaba.
Agaasimuhu waxa uu hambalyo gaar ah u dirayaa shaqaalaha Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland

CIID WANAGSAN

Photos from Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda's post 29/01/2026

Nairobi, 29 January 2026

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda JSL, *Md. Suleiman Maygag Obsiiye*, iyo masuuliyiin sar sare oo ka mid Dawladda Somaliland ayaa Nairobi kaga qayb-galay shir saddex maalmood soconaya oo ku saabsan dib-u-qaabayn iyo dib u eegis lagu samaynaayo, Mashruuca SERP ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunku.

Mashruucan oo xoojinayaa, isla-xisaabtanka, daah-furnaanta, kobcinta iyo dib u habaynta Hay’addaha kala duwan ee bahda Maamul wanaagga, Maaliyadda, Shaqaalaha Dawladda, Hanti-dhawr-ka Guud, Qandaraasyadda iyo Golaha Wakiillada JSL.

Shirkan waxaa lagu lafo gurayaa waxqabadkii sanadkii h**e, sidoo kale, waxa laga dooddi doonaa suurto galnimada in wax-ka-beddel lagu sameeyo qaybaha kala duwan ee Mashruucu ka kooban yahay.

Agaasimaha Guud waxaa shirka ku wehelinaya;
1. Guddoomiyaha Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada
2. ⁠Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,
3. Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaagga
4. ⁠Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha
5. ⁠Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka
6. ⁠Xidhiidhiyaha Mashruuca SERP ee Somaliland
7. ⁠iyo saraakiil kala duwan oo ka kala socday Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha,
8. ⁠Iyo kooxda fulinta mashruuca SERP oo fadhigoodu yahay Magalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Photos from Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda's post 19/01/2026

Tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/01/2026, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Suleiman Maygag Obsiiye ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta u qabtay Agaasime Waaxeedyada Hay'adda. Agaasimaha oo ku dheeraaday muhiimadda ay hoggaaminta hufan iyo maamul wanaaggu u leeyihiin tayaynta adeegyada hay’adda iyo kor u qaadidda kalsoonida shaqaalaha.
Tababarkan waxaa bixiyay *Aqoonyahan, Cabdiraxmaan Cali Xirsi *, kaas oo si qoto dheer uga hadlay doorka hoggaamiyaha wanaagsani ku leeyahay, maaraynta shaqada iyo shaqaalaha, go’aan-qaadashada, iyo horumarinta wax-qabadka hay’adaha dawliga ah.

Tababarkan ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka beddelo xirfadaha hoggaamineed iyo kartida maamulka ee agaasime-waaxeedyada, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta shaqada hay’adda guud ahaan.

Xafiiska Isgaadhsiinta
& Xidhiidhka Dadweynaha

19/01/2026

Tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/01/2026, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Suleiman Maygag Obsiiye ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareynta u qabtay Agaasime Waaxeedyada Hay'adda. Agaasimaha oo ku dheeraaday muhiimadda ay hoggaaminta hufan iyo maamul wanaaggu u leeyihiin tayaynta adeegyada hay’adda iyo kor u qaadidda kalsoonida shaqaalaha.
Tababarkan waxaa bixiyay *Aqoonyahan, Cabdiraxmaan Cali Xirsi *, kaas oo si qoto dheer uga hadlay doorka hoggaamiyaha wanaagsani ku leeyahay, maaraynta shaqada iyo shaqaalaha, go’aan-qaadashada, iyo horumarinta wax-qabadka hay’adaha dawliga ah.

Tababarkan ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka beddelo xirfadaha hoggaamineed iyo kartida maamulka ee agaasime-waaxeedyada, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta shaqada hay’adda guud ahaan.

Xafiiska Isgaadhsiinta
& Xidhiidhka Dadweynaha

Photos from Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda's post 14/01/2026

Magacaabis Xilal Arbaca 14, 01-026

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Mudane,
Suleiman Maygag Obsiiye oo maanta magacaabay Agasimayaasha Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD

31/12/2025

Munaasibadda curashada sannadka cusub ee 2026 awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD.

Waxaan Alle SWT ka rajaynayaa in sannadkan cusub uu inooga dhigo sanadkii ictitaafka , horumarka, barwaaqada iyo badhaadhaha.

Aamiin yaa Allah

𝐀gaasimaha Guud ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD

28/12/2025

Agaasimaha Guud Ee Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ayaa Ka Qayb Galay Dabaal Dega Gobolka Gebilay Loogu Dabaal Degayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland Ay Heshay.

Halkaas Oo Maanta La Iskugu Soo Baxay Sidii Ay Ku Muujin Lahaayeen Farxadda Guusha Aynu Gaadhnay Laguna Dabaal-Degi Lahaa .

20/12/2025

Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-12-2025, si rasmi ah u bilowday diiwaan gelinta iyo hubinta xogta shaqaalaha hawl- gabka noqonaya ee degmooyinka ceel-afwayn iyo gar’adag

20/12/2025

Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-12-2025, si rasmi ah u bilowday diiwaan gelinta iyo hubinta xogta shaqaalaha hawl- gabka noqonaya ee gobolka Sool

18/12/2025

Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-12-2025, si rasmi ah u bilowday diiwaan gelinta iyo hubinta xogta shaqaalaha hawl- gabka noqonaya ee gobolka daadmadheedh

18/12/2025

Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-12-2025, si rasmi ah u bilowday diiwaan gelinta iyo hubinta xogta shaqaalaha hawl- gabka noqonaya ee gobolka sanaag

17/12/2025

Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-12-2025, si rasmi ah u bilowday diiwaan gelinta iyo hubinta xogta shaqaalaha hawl- gabka noqonaya ee degmada sheekh

Want your business to be the top-listed Government Service?

Culinary Team

Attire

Website