YES WE CAN END TB
Cisbitaalka dawliga ah ee Nasa-hablood
public hospital
Qaaxadu waa xanuun si fudud looga daawoobo.
Hadii aad isku aragto qofac badan 14 cisho
Xaako leh
Miisaankaagu hoos u dhaco
Abateedkaagu yaraado
Kaalay cisbitaalka baadhis bilaash ah iyo daawada dhaxantuba waa bilaash sidoo kale.
*OGAYSIIS:*
Cisbitaalka dawliga ah ee Naasa-hablood waxa uu bulshada deggen xaafadda ogaysiinayaa, in bishan labaad aad ka helayso dhakhtarka ku takhasusay xanuunada dumarka (OBGYN Specialist) iyo koombiyuurkii (Ultrasound) dumarka xaamilada ah iyo kuwa xanuunada kale ka cabanayaba.
Fursadda bishan labaad aad naga helaysaa waa, la kulanka dhakhtarka iyo koombiyuurka oo bilaash ah inta lagu gudo jiro bishan.
Maalmaha la helayo dhakhtarku waa: *Salaasa* iyo *Arbaca* kasta
Wakhtiguna waa: *8:00am Subaxnimo ilaa 12:00-ka Duhurnimo*.
Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL
Mudane Dr. Ahmed maxamuud jaamac
Oo maanta soo xidhay aqoon korodhsi ku saabsan hogaaminta wanaagsan.
Kaasi oo ay qaateen agaasimayaasha cisbitaalada dawlada ee somaliland iyo isuduwaasha goboladu.
17/11/2025
Iyadoo laga jawaabayo amarka wasaarada horumarin caafimaad somaliland kaaso ahaa in cisbitaalada dawladu sameeyaan olole ah wacyi-gelinta iyo baadhista xanuunka macaanka.
Cisbitaalka Nasa-hablood wuxu bulshada reer hargeisa gaar ahaan degmooyinka la jaarka ah sida macalin haaruun,gacan libaax iyo degmada maxamed mooge ogaysiinaya inuu ayaamaha soo socda kuu diyaariyay dhakhaatiir talo siisa dadka macaanka la nool isla markaasna baadha dadka wawayn si looga hubsado xanuunka macaanka si BILAASH AH.
ogow xanuunka macaanku ma leh calaamado aad ku garato.
Ogow qof kastaba wuu qabi karaa xanuunka macaanka.
Ogow xanuunka macaanku ma leh daawo kaxaysa laakiin wuxu leeyahay si loola tacaalo taaso qofka qaba ka dhigaysa haduu raaco mid dadka aan xanuunka qabin ku dhaw xaga nolosha oo dhan idam alle.
06/11/2025
Talaalku waa habka ugu fudud ee xanuun looga hor tago gaar ahaan caruurta yaryar.
faaidooyinkiisu maaha wax la soo koobi karo laakiin waxa ka mid ah:
1. Wuxu ka hor tagaa fiditaanka xanuunada.
2. wuxu hoos u dhigaa ama meeshaba ka saara xanuuno halis ah idinka ilaahay.
3.Wuxu meesha ka saara dhaqaale badan oo caafimaadka lagu bixin lahaa inoo kaydsanto.
Somaliland waxa laga helaa talaalo badan oo caruurta la siiyo kuwaaso xanuuno aad u badan oo halis ah lagaga hor tago.
Cisbitaalka dawliga ah ee Nasa-hablood waxa diyaar kuugu ah dhamaan talaalada caruurta dhalashada ilaa 5 sano.
dhamaan talaaladu waa bilaash keliya kaali uun si aan caafimaadka caruurteena uga wada shaqayno
06/11/2025
https://youtu.be/DOtsMzs9f8Q?si=QGVeHEh86YpjS-4Y
Faaidada talaalka
Sheekh Mustafe : Oo Ka Hadlay Talaalka Cudurada Iyo Goortii La Ikhtiraacay.. Ku Xidhnaw Warbaahinta Naaso Hablood.
18/08/2025
Cisbitaalka dawliga ah ee Nasa-hablood.
Adeegyada aad ka heli karto qaybta bukaan socodka.
Bukaan jiifkii iyo qaybta umuluhuna waa diyaar.
04/08/2025
Cisbitaalka Dawliga ah ee Nasa-hablood wuxu bulshada ku wacyi gelina todobaadka naas-nuujinta awgeed in waalidiinta iyo dhamaan bulshaduba ay muhiimad gaar ah iska saarto in ilmaha dhasha lagu bilaabo naaska hooyada ilaa 6 bilood dhamanayaana aan waxba loogu darin.
Faaidooyinka laga heli karo lama soo koobi karo.
waxa faaido ku qaba:
-Ilmaha dhashay oo ay tahay cuntada ugu haboon lixda bilood ee ugu horeeya noloshiisa.
-wuxu difaac ka yahay xanuuno badan oo dilaa ku ah caruurta sida shubanka ,xiiqda iyo oofta.
-wuxu faaido u leeyahay hooyada sida isagoo dhiig baxa dhalmada ka dib yareeya,qulubka dhalmada ka dib yareeya, ka hor taga kansarada qaar ilahay idamkii.
-wuxu faaido u leeyahay bulshada oo dhan .
fadlan hooyo caanaha naaskaaga qudha ayaa ku filan ilmaha 6 bilood ee ugu horaysa.
31/07/2025
Cisbitaalka dawliga ee Nasa-hablood waa cisbitaal ay dhistay xumada somaliland gaar ahaan wasarada horumarinta cafimaadku.
waxa si rasmi ah loo furay 17-08-2023.
waa cisbitaal ku yaala degmada axmed macalin haaruun ee caasimada hargeisa.
waa cisbitaal u adeega bulshada ku dhaqan magalada hargeisa iyo nawaaxigeeda.
adeegiisu waa 24saac 7 cishoba.
waxaad ka helaysaa adeegyada:
-bukaan socodka
-bukaan jiifka.
-umusha.
adeegyada uu fidiyo waxa ka mid ah.
xanuunada guud
xanuunada caruurta
xanuunada dumarka.
dhaawacyada fudud.
waxa sidoo kale laga helaya adeega xanuunka dhaxanta baadhis iyo daawaynba si bilaash ah.
waxa sidoo kale bilaash ah koombiyuutarka hooyada uurka leh.
dhakhaatiirta takhasuska ah ee si gaar ah aad uga heli karto waxa ka mid ah:
Dhakhtarka xanuunada caruurta.
dhakhtar xanuunada wadnaha
dhakhtarka xanuunada dumarka iyo dhalmada.
iyadoo dhakhaatiirtii guudna jooga.
shaybaadhka iyo sawirka X-ray iyaguna waa kuugu diyaar,
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa
