Bogga Cabashada iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Ciidanka Booliska Jsl

Bogga Cabashada iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Ciidanka Booliska Jsl

Share

Xafiiska Cabashada iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Ciidanka Booliska Jsl.

19/01/2026

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku dhigay dumar ku eedaysan faafinta dhaqammo xunxun oo si cad uga soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban, akhlaaqda iyo badqabka bulshada.

Eedaysanayaashu waxa ay muuqaallo duubeen iyaga oo dagaallamaya, isla markaana ku hadlaya hadallo ka hor imanaya Diinta Islaamka, kuwaas oo dhaawacaya qiyamka iyo anshaxa bulshada.

Eedaysanayaasha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu mar kale bulshada uga digayaa falalka noocan oo kale ah ee lidka ku ah Diinta, dhaqanka suubban iyo nabadgelyada guud, waxaanu adkaynaya in cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah lala tiigsan doono sharciga.

Photos from Bogga Cabashada iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Ciidanka Booliska Jsl's post 08/01/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa shir guddoomiyay shir lagaga hadalyay Amniga Caasimada Hargeysa, shirka waxa kasoo qayb galay Maayirka Caasimada Hargeysa iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka, waxay qayb ka tahay wada shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Laamaha Dawlada.

31/12/2025

Hambalyada Sannadka Cusub 2026
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo guud ahaan dhammaan Ciidanka Booliska JSL; sidoo kale carruurtooda iyo xaasaskooda, munaasabadda curashada Sannadka Cusub ee Milaadiga 2026 awgeed.

Taliyuhu waxa uu Alle uga baryayaa in sannadkan sannadkiisaku gaadhaan barwaaqo, badhaadhe, caafimaad, cibaado suubban, horumar iyo nabadgelyo waarta.

Sannadkani waxa uu kaga duwan yahay sannadadii h**e Qarankeennu waxa uu gaadhay guushii muddada dheer loo soo samrayay ee Aqoonsiga Caalamiga ah, taas oo ah taariikh dahab ah oo bog cusub u furaysa mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland. Ictiraafkani waa midho ka dhashay halgan dheer, adkaysi, midnimo shacab iyo dowladnimo ku dhisan nabad iyo dimuqraadiyad, waana furaha horumarkeena.

Dhanka kale, Taliyuhu waxa uu si gaar ah ugu bogaadinayaa Ciidanka Booliska JSL dadaalkooda hagar-la’aanta ah ee ay ugu jiraan waajibaadka qaran, iyagoo habeen iyo maalinba ku jira heegan buuxa, kana shaqaynaya ilaalinta, adkaynta iyo sugidda nabadgelyada shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hambalyo Sannadka Cusub 2026 Guul, Horumar iyo Barwaaqo!

27/12/2025

La Xidhiidh Ciidanka Booliska JSL wixii xalad amni daro ah.

26/12/2025

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu hambalyaynayaa guusha ballaadhan ee maanta uu gaadhay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.taas oo astaan u ah midnimo, adkaysi iyo horumar qaran.

Muwadin nala ilaali nabada.

24/12/2025

Taliska Guud ee Ciidanka Booliska JSL ayaa Galabta kulan la yeeshay qoys cabashohooda ku soo bandhigay warbaahinta, kuwaas oo ka soo jawaabay baaqii uu Talisku u jeediyey maanta.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray guddi baadhitaan, si cabashada qoyskaasi loogu sameeyo baadhitaan dhamaystiran oo ku salaysan caddaalad.

24/12/2025

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta soo gaadhay muuqaal cabasho ah oo ay soo gudbiyeen qoys degan magaalada Hargeysa, kuwaas oo cabasho ka muujiyey Ganacsade iyo xubno ka tirsan Ciidanka Booliska.

Haddaba, Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu si xushmad iyo tixgelin leh uga codsanayaa qoyskaasi in ay yimaaddaan Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, si cabashadooda loogu baadho .

Ciidanka Boolisku waxa uu mar walba u taagan yahay ilaalinta sharciga, caddaaladda , sharafta iyo badqabka muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.

14/12/2025

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu caddaynayaa in uu helay muuqaal cabasho ah oo ay soo gudbisay gabadh ka cabanaysa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska.

Haddaba, Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu gabadhaasi si xushmad iyo ixtiraam leh uga codsanayaa in ay timaado xarunta Taliska Ciidanka Booliska JSL, si cabashadeeda si hufan oo caddaalad ah loogu baadho.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Somaliland Police HQ
Hargeisa