Department of Research and Extension of MoAD

Department of  Research and Extension of MoAD

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Department of Research and Extension of MoAD, Government Organization, Road 1, Hargeisa.

15/04/2026

Khabiir Axmed Libaax Yare oo Bulshada ku Booriyey Kordhinta Wax-soo-saarka Beeraha

‎ Khabiir Axmed Libaax Yare oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha beeraha ayaa bulshada si weyn ugu dhiirrigeliyey inay xoogga saaraan wax-soo-saarka dalagyada kala duwan iyo ka faa’iidaysiga dhulka la beeri karo.

‎‎Khabiirka ayaa sheegay in wax-soo-saarka gudaha uu laf-dhabar u yahay horumarka dhaqaale iyo isku filnaanshaha bulshada, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la yareeyo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno.


‎Axmed Libaax Yare ayaa si joogto ah bulshada ugu baraarujiyey muhiimadda beerashada, isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey hababka casriga ah ee wax loo beerto, si kor loogu qaado tayada iyo wax-soo-saarka guud.
‎Sidoo kale,

waxa uu si gaar ah ugu baaqay dhalinyarada inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira beeraha, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta wax-soo-saarka dalka.


‎khabiirku waxa uu adkeeyey in haddii si wadajir ah loo hirgeliyo dadaallada beeraha, ay bulshada gaadhi karto isku filnaansho buuxda iyo horumar waara.




xigasho.Mursal Xigmaawi

12/04/2026

🌱 Waaxda Cilmi-baarista & Fidinta Beeraha 🌱
Waaxdan oo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Beeraha dalka, waxay si joogto ah ugu hawlan tahay horumarinta iyo gaadhsiinta cilmiga beeraha casriga ah beeralayda Soomaaliland.

👉 Waxay qabataa:
Cilmi-baaris ku saabsan dalagyada iyo abuurka
La-dagaallanka cudurrada iyo cayayaanka
Tababaro iyo wacyigelin loo sameeyo beeralayda

🎯 Ujeeddadu waa:
In la kordhiyo wax-soo-saarka beeraha, lana xoojiyo aqoonta beeralayda si loo gaadho isku filnaansho cunto iyo horumar waara.

🌾 Beeralaydu waa laf-dhabarta dalka — aynu wada horumarino! 💪

06/04/2026
14/03/2026

Fariinta Waaxda Cilmi-Baadhista iyo Fidinta Beeraha

Bulshada beeralayda ah ee Somaliland waxaa la ogeysiinayaa in la filayo roobab ka bilaabma xilligan. Sidaa darteed waa muhiim in laga faa’iidaysto roobka si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha. Waaxda Cilmi-Baadhista iyo Fidinta Beeraha waxay kula talinaysaa beeralayda qodobadan:

■.Diyaarinta Dhulka:
Beeralaydu waa inay h**e u diyaariyaan dhulkooda, sida qodista iyo nadiifinta si uu roobku ugu faa’iido badan noqdo.

■.Doorashada Abuurka:
Isticmaal abuur tayo leh oo ku habboon deegaanka iyo xilliga roobka, sida hadhuudhka, galleyda ama digiraha.

■.Ilaalinta Biyaha Roobka:
Samee habab lagu kaydiyo ama lagu xajiyo biyaha roobka si uu dalagu uga faa’iidaysato muddo.

04/03/2026

4-tii March 2026 (maalin Arbaca ah), sida ay baahisay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey saadaasha la xidhiidha xilliga roobaadka, gaar ahaan roobabka Guga. Iyada oo ka duulaysa xogtaas, Waaxda Cilmi-baadhista iyo Fidinta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland waxay xoojisay dadaallada wacyigelinta iyo hagidda beeraleyda si ay uga faa’iidaystaan fursadaha wax-soo-saarka ee roobabka Guga.

Waaxdu waxay ku boorrinaysa beeraleyda Somaliland qodobbadan:

1.Marka koowaad, in ay h**e u diyaariyaan dhulkooda ka hor inta roobku si buuxda u curan, taas oo ay ku jirto.
■Qodista beeraha(Carro gedis)
■simidda, carrada
■iyo ka saarista haramaha.
■Tallaabooyinkan waxay kordhiyaan rayska iyo biyaha roobka, yareeyaan fatahaadaha dusha sare, isla markaana kor u qaadaan isku dheellitirka carrada.

2.Marka labaad, hubi tayada abuurka, lana doorto noocyo ku habboon cimilada iyo nooca carrada ee deegaan kasta. Doorashada abuur tayo leh oo deegaanka la jaanqaadaya waxay si toos ah u saameysaa heerka biqilka, adkaysiga abaaraha, iyo wax-soo-saarka guud.
3.Qorsheynta Hab-raaca Beerista
■Tixgelinta jadwalka roobabka.
■Ka hortagga khasaaraha ka iman kara ■Roob yaraanta ama hakadka roobka.

4.Maareynta iyo Kaydinta Biyaha
■Daryeelka biyaha roobka.
■Farsamooyin lagu kaydiyo biyaha gaar ahaan meelaha roobku ku yar yahay.
7.La-xidhiidha Khubarada Beeraha
■Helidda talooyin farsamo oo ku saabsan cudurrada iyo cayayaanka.
■.waa in beeraleydu kala soo xidhiidhaan adeega Call Center-ka Wasaaradda (9669) si loo helo taageero degdeg ah iyo talo iyo tusaale ah.

Photos from Department of  Research and Extension of MoAD's post 29/01/2026

Hayadda Taakulo ayaa Hargeysa ku qabatay kulan cilmiyeed ku saleysan beeraha la jaanqaadaya isbeddelka cimilada, kaas oo looga gol leeyahay xoojinta amniga cuntada, hagaajinta nafaqada, iyo horumarinta Haweenka
iyo doorka ay qaadan karto,Wasaaradda Horumarinta Beerahu gaar ahaana doorka ay ku leedahay
waaxda Cilmi-Baadhista iyo fidinta beeraha sidii Dadka,Internal Displacement Person, (IDP) ee gobolka Togdheer si loo gaadhsiinyo aqoonta casriga ah Hab-Beerashada Toolmoon.

23/01/2026

Protect Your Crops: Know Your Sucking Pests! 🐛➡️ 🌾🌻

Sucking pests are silent thieves in the field by extracting vital cell sap and weakening crops, which can lead to stunted growth, curled leaves, yellowing, and significant yield loss. Being able to identify and understand these pests is the first step toward effective integrated pest management (IPM).

Here’s a quick guide to some of the most common offenders: 🔍
1. Aphids – Small, soft-bodied insects often found clustered on new growth. They secrete honeydew, promoting sooty mold and spreading viruses.
2. Whiteflies – Tiny white insects that scatter when disturbed. Major vectors for plant viruses like leaf curl.
3. Scale Insects – Hard, shell-like pests firmly attached to stems and leaves. Their protective coating makes them challenging to control.
4. Thrips – Slender insects causing silvery streaks on leaves and flowers, leading to deformation and flower drop.
5. Spider Mites – Nearly invisible red pests often detected by the fine webbing they leave on leaf undersides.

29/12/2025

Fariinta Waaxda Cilmi-Baadhista iyo Fidinta Beeraha,S/Land

26/12/2025

E-EXTENSION SERVICES – MINISTRY OF AGRICULTURAL DEVELOPMENT, SOMALILAND

E-Extension Services use digital technologies to deliver agricultural information, advisory support, and capacity-building to farmers quickly, affordably, and at scale.

1️⃣ What is E-Extension?

E-Extension is the use of ICT tools mobile phones, radio, TV, internet, apps, and social media to support agricultural extension and rural advisory services.

Goal: To provide farmers with timely, accurate, and practical agricultural information.

2️⃣ Key Components of E-Extension

Digital Communication Tools
• Mobile phones (SMS, voice calls)
• Smartphones (Apps, WhatsApp, Telegram)
• Internet platforms (web portals, email)
• Social media (Facebook, YouTube, Twitter/X)

Content & Knowledge
• Crop production practices (line sowing, spacing)
• Climate-smart agriculture (water harvesting, irrigation management)
• Pest & disease management (IPM)
• Market prices & value chains
• Weather forecasts & early warnings

Human Support
• Extension officers
• Subject matter specialists
• Call Center: 9669
• Email: [email protected]

3️⃣ Types of E-Extension Services

SMS Advisory: weather alerts, fertilizer guidance
Voice Services: call-in helplines in local languages
Mobile Apps: pest diagnosis & plant health tools
Video Extension: training via YouTube
Social Media Groups: WhatsApp farmer networks
Web Portals: online knowledge repositories

4️⃣ Benefits of E-Extension

✔ Reaches remote and hard-to-access areas
✔ Cost-effective compared to traditional extension
✔ Real-time information delivery
✔ Supports climate-smart agriculture
✔ Encourages youth participation
✔ Scalable to thousands of farmers

5️⃣ E-Extension in Climate-Smart Agriculture

E-Extension supports:
• Climate and weather alerts
• Drought-resilient crop advice
• Early pest and disease warnings
• Water and soil management guidance

Department of Research and Extension

Ministry of Agricultural Development – Somaliland

Photos from Department of  Research and Extension of MoAD's post 25/12/2025

Jaamacadda Hargeysa waxay qabatay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan La-falgalka Daneeyayaasha, kaas oo cinwaankiisu ahaa:
“Horumarinta Heerka Sare ee Cilmi-baadhista iyada oo loo marayo La-tashi iyo Iskaashi Daneeyayaasha.”

Aqoon-is-weydaarsigan waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda, Mudane Ahmed Nour Aden, iyo Yousuf Cabdiraxmaan Maxamed, oo ka tirsan khubarada Waaxda Cilmi-baadhista iyo Fidinta Beeraha.

Jaamacaddu waxa ay isu keentay daneeyayaal ka kala socday:

Wasaaradaha dawladda

Hay’adaha caalamiga ah

Hay’adaha maxalliga ah ee aan dawliga ahayn (NGOs)

Khubaro iyo aqoonyahanno ka kala yimid xarumo aqooneed oo kala duwan

Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigu waxay ahayd:

In la aqoonsado dhibaatooyinka iyo caqabadaha saameeya bulshada Somaliland ee ku jira qaybaha kala duwan ee nolosha.

In la dejiyo aagagga mudnaanta u leh cilmi-baadhista, iyadoo la raadinayo meelaha u baahan in la hormariyo.

In si wadajir ah loo curiyo su’aalaha cilmi-baadhiseed ee ku saabsan mawduucyada muhiimka ah ee bulshada.

Madashani waxay ahayd fursad lagu kobcinayo tayada iyo heerka cilmi-baadhista, iyadoo lagu xoojinayo la-tashiga iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha. Sidoo kale, khubarada waaxda cilmi-baadhistu waxay isku waafaqeen in la qorsheeyo meelaha mudnaanta u leh si la iskaga kaashado

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Road 1
Hargeisa
252