Mohamed Abdirahman

Mohamed Abdirahman

Share

Bogga Rasmiga ah ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL

Photos from Mohamed Abdirahman's post 15/04/2026

Waxaan maanta si rasmi ah u furay
Kullanka saddex-bilood la ah oo heerkiisu sarreeyo, kaas oo lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo hay’addaha kale ee dowladda Somaliland, si loo mideeyo fariimaha ka baxaya hay'addaha xukuumadda, loogana fogaado fariimaha kala geddisan ee gaadhaya dunida.

Ujeeddada kullanka ayaa ahayd in la adkeeyo wada shaqaynta hay'addaha xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha dibedda si loo mideeyo fariimaha ay hay’addaha dowladdu u gudbiyaan caalamka, isla markaana la horumariyo hababka wada shaqayneed ee ku dhisan is fahanka iyo sharciga.

Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaraddaha iyo hay'addaha kala duwan ee dalka sida; Wasaaradda Arrimaha gudaha, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, Wasaaradda Horumarinta biyaha, Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, Wasaaradda Horumarinta maalgashiga, Komiishanka Maamul wanaagga iyo Hay'adda socdaalka jamhuuriyadda Somaliland.

14/04/2026

Maanta waxaan soo kormeernay Banka Qool Caday oo dhawaan Mashruuc balaadhan Xukumadda JSL ka fulinayso.

Kormeerka waxa hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas, Gudoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada iyo Ku-xigeenka Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeisa.

Dhan ka kale waxa ka mid ahaa waftiga Mas'uuliyiin ka socday Xafiiska Denmark ee Somaliland oo maalgelinaya mashruuca, iyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo fulintiisa qaabilsan.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 12/04/2026

Waxaan maanta si rasmi ah u furay kulanka saddex-biloodka isku-dubaridka arrimaha amniga iyo horumarinta badda heer qaran ee Somaliland.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Amniga Badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu gorfeeyo muhiimada xoojinta amniga badda iyo ka war qabka xaaladdaha soo kordhay in xilligan ay tahay lama huraan iyo waajib qaran oo loo baahanyey in loo guto siday tahay. Sidoo kale, in amniga xeebaha jamhuuriyadda Soomaaliaan uu yahay mid kaalin weyn ugu jira adduunka, maaddaama dalkeenu leeyahay xeeb dheer oo isku socodka ganacsiga adduunka iyo kan geeskaba laf dhabar u ah.

06/04/2026

Waxaan bogaadinayaa Gudida Gurmadka iyo Taakulaynta ee Degmooyinka Salaxley, Sabawanaag iyo Balimataan, kuwaas oo, iyaga oo kaashanaya Xukumadda iyo ganacsatada deegaanka, gaadhsiiyey 200 oo booyadood biyo ah isla markaana 27 tuulo raashin u fidiyey xilligii abaaraha.

Sidoo kale, waxa ay si sharaf leh u maareeyeen dhaqaalihii soo hadhay, iyaga oo u uga faaideeyey in ay saddex cagaf oo cusub ugu iibiyaan (Zero Kilometer ah).

Waxa maanta lagu wareejiyey saddexdaas cagaf Dallada Tacab Wadaag si loo xoojiyo wax soo saarka dalaga beeraha.

05/04/2026

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, kana mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista iyo Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, ayaanu maanta gurmad gaadhsiinay deegaanada Ina-guuxaa iyo Laan-qayrta Qool-dhuxulaale oo dhawaan khasaare hantiyeed ka soo gaadhay roobab duufaan watay oo ka da’ay deegaanadan.

05/04/2026

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐓𝐈𝐈𝐑𝐀𝐀𝐍𝐘𝐎 𝐋𝐄𝐇

Innaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun.
Waxan tacsi u diraya dhamaan ilma faarax xuseen oo maanta hooyadood geriyootay alle naxariistii jano ha ka waraabiyo qoyskana samir iyo iiman ha ka siiyo.
Sido kale waxan tacsi u diraya dhamaan ilma Maxamuud Jaamac (food) oo iyagana hooyadood geriyootay alle ha u naxariisto jannatul-firdowsa na haka waraabiyo dambigoodana ha dhaafo Ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo inshallah.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 29/03/2026

28/03/2026

Waxa aan dalka ku soo dhawaynay wafti maalgashadayaal ah oo ka socday dalalka Australia iyo canada, kuwaas oo u yimid dalka inay qiimeeyaan fursadaha maalgashi ee dhinaca macdnta iyo sidii ay maalgashi uga samayn lahaayeen Jamhuuriyada soomaalilaan.
Weftigan waxa hoggaaminayey khuburo ku takhasusay baadhista, soo saaridda iyo maalgashiga macdanta.

Dalkeena Jamhuuriyadda Soomaalilaan waxa aynu si buuxda uugu soo dhawaynaynaa cid kasta oo doonaysa inay maalgashi ka samayso dalka, iyada oo loo marayo xeerarka maalgashi ee dalka u yaalla, Sidoo kale, maalgashadayaasha waxa la siin doonaa dhammaan xogaha iyo macluumaadka ay u baahan yihiin, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso.

19/03/2026

Ciid Mubaarak!🌙

Munaasabadda ciiddal Fitriga awgeed, waxa aan hambalyo iyo duco aan la soo koobi karin u dirayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummada Muslimiinta.

‎عيد مبارك علينا وعليكم بالخير
كل عام وانتم بخير بمناسبة حلول عيد الفطر المبارك اعاده الله علينا وعليكم

Photos from Mohamed Abdirahman's post 18/03/2026

Waxaan maanta garoonka diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyney 25 khubaro Ingineerro ah oo muddo tababar ugu maqnaa dalka Israa’iil.
Khubaradan ayaa soo dhammastay tababarro ku saabsanaa xal u helida biyo yaraanta iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyadda casrigaa, sidoo kale curinta hababka loo soo saaro loona maareeyo biyaha. Tababarkan ayaa u noqon doona Dalka wax tar weyn oo ka qayb qaadan doona in laga gudbo biya yaraanta ka jirta Soomaalilaan si loo helo biyo macaan oo ku filan dhammaan goballada Soomaalilaan.

Waxaa igu wehelinayay Agaasimayaasha Wasaaraddaha Biyaha, Duulista iyo Hawada iyo Safiirka Soomaalilaan u fadhiya dalka Israa’iil.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 16/03/2026

Maanta waxaan xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabilay 13 dhalinyarro ah oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha dallada Soonyo Mustafe Dayib iyo agaasimaha dallada Axmed Maxamed.

Dhalinyartan ayaa Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis ababa kaga qayb gali doonta ' shirka hoggaaminta dhalinyarta Afrika iyo diblomaasiyadda ' oo sannad kaste ka dhaca dalkaas, iyagoo meteli doona Jamhuuriyadda Soomalilaan.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 14/03/2026

Daah-furka Mareegta Diwaan galinta iyo kaydinta Xogta Qurbajoogta Soomaalilaan.

Waxaan maanta ka qayb galay daah-furka “mareegta diwaan galinta iyo kaydinta xogta qurbajoogta Jamhuuriyadda Soomaalilaan” oo muddo 35 sanno ka dib markii ugu horreysay la hirgaliyey.

Mareegtan waxaa loo qabay baahi weyn waana guul weyn oo la gaadhay, mareegtani qayb weyn bay ka qaadan doonto isku xidhka qurbajoogta iyo wasaaradda, waxayna xoojin doontana wada shaqaynta ka dhexaysa qurbajoogta dhexdooda, sidoo kale waxay fududeyn doonto inay qurbajoogtu helaan xogaha dawladda iyo adeegyada ay u baahanyihiin.

↪️ https://sldiaspora.org

Photos from Mohamed Abdirahman's post 22/02/2026

21/02/2026

Waxan ka qayb galay Qabyo tirka Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadda JSL, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa kasoo qayb galay aragtiyo na ka dhiibtay mudan ka soo shaqeeyay diblomaasiyadda dalka oo leh wasiiro, agaasimayaal, safiiro iyo aqoonyahan madaxbanaan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Hargeisa
Hargeysa
00000