12/08/2024
Urur-siyaasadeedkii WAABERI oo si Rasmi ah ugu Biiray Xisbiga KULMIYE
Hargeysa 12/08/2024
Aqlabiyadda hoggaankii Urur-siyaasadeedka Waaberi, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE.
Wadahadal dhexmaray hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo inta badan madaxdii iyo xubnihii guddiga Fulinta ee Urur-siyaasadeedkii WAABERI, ayaa lagu heshiiyey in ururku la midoobo xisbiga faca weyn ee KULMIYE.
Munaasibad loo sameeyey heshiiska xisbiga iyo ururka oo ay goob-joog ka ahaayeen madax iyo masuuliyiin kala duwan, waxa labada dhinac u kala saxeexay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Urur-siyaasadeedkii Waaberi Md. Muftafe Maxamuud Qodox.

07/08/2024
26/06/2024