30/11/2025
Somaliland National HIV/AIDs Commission (SOLNAC)
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland National HIV/AIDs Commission (SOLNAC), Government Organization, Goljano, Hargiesa, .
30/11/2025
1.Jimhuuriydda Somaliland
QABYO-QORAALKA XEERKA GUDDIDA (KOMISHANKA) QARANKA EE XAKAMAYNTA AIDS
-KAXeer No----, 2013
2. Jamhuuriydda Somaliland Golaha Wasiirada
Golaha Wasiiradu:
Markuu arkay: xawliga uu ku faafayo cudur sidaha HIV ee mandaqadda Geeska Africa;
Markay u caddaatay: khatarta dhabta ah ee dadka Somaliland ku wareegsan ee ka imanaysa faafidda HIV/AIDS;
Markuu ogaadey: in loo baahanyahay dhismaha hay’ad Qaran oo u faradhuudhuuban ka hortagga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka, dawaynta iyo daryeelka dadka xanuunka la nool; Wacyigalinta iyo baraarujinta bulshada JSL iyo la macaamilka ururada ku hawlan wax ka qabadka HIV/AIDS-ka;
Markuu xaqiiqsannay: Baahida sharci ee dhismaha (establishment) hay’adda qaran eexakamaynta HIV-AIDS-ka.
Waxaa uu ansixiyay qabyo-qoraalka Xeerka Gudida Qaran ee Xakamaynta HIV-AIDS
3.CUTUBKA 1AADMABAADII GUUD
Qodobka 1aad
Erey-bixin
Hadaan Xeerku si kale u sheegin:
Guddi (Komishan): waxaa loola jeeda Komishanka Qaranka ee HIV-AIDS-ka ee lagu aasaasay Xeerkan.
Guddoomiye: waxaa loola jeedaa Gudoomiyaha Gudida HIV-AIDS-ka
Agaasimaha Fulinta : waa sarkaalka hoggaamiya maamulka Gudida
Habraacyo: waa habraacyada kala duwan ee ay raacdo Gudidu sida kamaamulka, xisaabaadka, shaqaalaha iyo kuwa kale ee la mid ka ah
Qodobka 2aad
Magaca Xeerka
Xeerkan waxa loogu yeedhayaa Xeerka Asaasida Guddida (Komishanka) Qaran ee Xakamayta HIV/HIV-AIDS-ka.
Qodobka 3aad
Aasaasidda Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-AIDS-ka iyo Astaantiisa
1. Xeerkan waxaa lagu Aasaasay Gudiga Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo ah Hay’ad qaran oo leh qofnimo qaanuuneed iyo shaambad u gaar ah, una madaxbannaan maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
2. Xarunta Guddidu waa caasimadda JSL ee Hargeisa xafiisyana way ka furan kartaa Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.
Guddidu (Komishanku) waxay yeelanaysaa astaan u gaar ah oo ah (Khariidadda Somaliland oo uu ka dhex talowsanyahay Qool cas oo astaan u ah AIDS-ka. Midabka khariidadda Somaliland waa cagaar waxaana Ku xeeran midab cadaan ah, Qoolka iyo cadaanka waxaa ku dul wareegsan laba goobaabood oo kala sarreeya oo dhexdooda uu marsanyahay midab cagaarani. Dhinaca sare ee midabka cagaaran waxaa min bidix ilaa Midig Ku qoran: “Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-AIDS-ka”. Dhinaca hoose ee diillinta cagaaran meel badhtamaha hoose ah waxay ku dul fadhiyaan barkin leh midab buluugga oo ay Ku dhex qorantay (SOLNAC)/Waxaana awood u leh waxka bedelkeeda Guddida.
Qodobka 4aad
Ujeeddooyinka Komishanka Qaranka ee AIDS-ka.
1- Dejinta siyaasaddaha iyo hagayaasha lagaga jawaabayo fiditaanka cudursidaha/cudurka HIV/AIDS iyo hab-maamulka cawaaqibkiisa ee dalka JSL.
2- Qaabaynta Istaraatiijiyad guud oo heer Qaran oo dhinacyo badan kuna wajahan ka hortagga xakamaynta HIV/AIDS iyo daryeelka, ilaalinta dadka la nool HIV/AIDS.
3- Diyaarinta qorshaha, qaab-shaqeedka dhammaan barnaamijyada iyo hawlaha ka hortagga, xakamayn HIV/AIDS, daawaynta, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadka la nool HIV/AIDS ee hoos-yimaada istaraatiijadda faqrada 2aad ee qodobkan
CUTUBKA LABAAD
QAAB-DHISMEEDKA KOMISHANKA
Qodobka 5aad
Qaab-dhismeedka Komishanka Qaranka ee HIV/AIDS-ka:
Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AISDS-ku wuxuu ka kooban yahay:
1. Heer Qaran:
b) Golaha Hagidda, iyot) Agaasinka Fulinta
2. Heer Gobol:
b) Golaha kormeerka, iyot) Xafiiska xidhiidhinta hawlaha HIV/AIDS ee Gobolka
3. Heer Degmo:
b) Unugga kormeerka, iyot) Xafiiska xidhiidhinta HIV/AIDS ka ee Degmada
Qodobka 6aad
Dhismaha Golaha Hagidda ee Komishinka
I. Golaha hagiddu wuxuu ka koban yahay todobada xubnood ee kala ah
b) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
t) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.
j) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.
x) Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
kh)Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
d) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
r) Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.
II. Agaasimaha fulinta ayaa ah Xoghayaha Golaha Haggidda; waxaanu ugu xilsaaran yahay diyaarinta shirarka iyo qaadista hadal-qoraalada.
Qodobka 7aad
Dhismaha Agaasinka Fulinta
1) Agaasinka fulinta wuxuu ka koobnaan karaa:
b) Agaasimaha fulinta
t) Agaasimaha waaxda daaweynta iyo daryeelka
j) Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta,
x) Agaasimaha wacyi-gelinta iyo abaabulka,
kh) Agaasimaha tababarada iyo horumarinta hawl-wadeenada
d) Agaasime waaxeedka kale ee loo baahdo.
2) Golaha Hagidda ayaa leh awoodda wax-ka-bedelka iyo dhismaha xafiiska agaasinka fulinta,
Qodobka 8aad
Dhismaha Golaha Iskuduwidda iyo Unugga Kormeerka
1. Golaha iskuduwidda ee gobolku wuxuu ka kooban yahay iskuduwayaasha wasaaradaha uu ka kooban yahay golaha hagiddu.
2. Unugga kormeerka ee degmadu wuxuu ka kooban yahay madaxda heer degmo ee wasaaradaha uu ka kooban yahay golaha hagiddu ama cidda wasaaradahaas uga wakiil ah degmada.
Qodobka 9aad
Xilka iyo Waajibaadka Golaha HagiddaGolaha Hagidda ee komishanku wuxuu u xilsaaran yahay:
1. Ansaxinta xeer-hoosaadka iyo hab-raacyada Agaasinka Fulinta iyo xafiisyada hoos yimaadda,
2. Dhegeysiga warbixinaha Agaasimaha Fulinta,
3. Dabagalka, ka-war-haynta iyo la-socodka hawlaha agaasinka fulinta,
4. Talo-siinta agaasinka fulinta iyo toosinta dhaliishiisa,
5. Abaabulka iyo raadinta dhaqaalaha lagu meel-marinayo qorshayaasha iyo barnaamijyada lagaga hortagayo laguna xakamaynayo HIV/AIDS,
6. Ka gacan-siinta agaasinka fulinta caqabadaha soo food-saara,
7. Baadhista iyo go'aan ka gaadhista khilaafyada maamul ee soo kala dhex-gala masuuliyiinta agaasinka fulinta ama agaasinka fulinta iyo dhinacyada uu xidhiidh la leeyahay,
8. Arrimaha kale ee agaasinka fulintu ka codsado in ay ka gacan-siiyaan,
Qodobka 10aad
Guddoomiyaha Komishanka.
Madaxweyanaha ayaa ah Guddoomiyaha Komishanka, waxaana socodsiinta hawlaha komishanka uga wakiil ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka,
Qodobka 11aad
Xilka iyo waajibaadka & Masuuliyadaha Agaasimaha Fulinta
1. Agaasimaha fulintu wuxuu leeyahay xilka iyo waajibaadka hoos ku qoran:
a) Socodsiinta hawl-maalmeedka komishanka,
b) Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada wax-qabad ee HIV/AIDS,
c) Diyaarinta miisaaniyadda komishanka iyo xisaab-xidhka,
d) Ansaxinta iyo hubinta isticmaalka dhaqaalaha loogu talo-galay hawlaha la xidhiidha HIV/AIDS,
e) Raadinta iyo u hawl-gelidda dhaqaalaha lagu fuliyo qorshayaasha iyo barnaamijyada wax-qabad ee ku wajahan HIV/AIDS,
f) Isku-duwidda hawlaha waaxyaha Agaasinka Fulinta iyo xidhiidhada gobolada iyo degmooyinka,
g) Magacaabista xidhiidhiyaasha gobolada iyo degmooyinka,
h) Hawl-gelinta iyo la xisaabtanka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha agaasinka fulinta iyo xafiisyada xidhiidhiyaasha gobolada iyo degmooyinka,
i) Kaalmaysiga iyo adeegsiga la taliyaasha iyo xirfadlayaasha hadba inta loo baahdo,
j) Ka qayb-galka shirarka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ee la xidhiidha HIV/AIDS,
k) Saxeexidda heshiisyada la xidhiidha HIV/AIDS,
l) Abaabulka iyo isugu yeedhidda shirarka golaha hagidda, ka dib marka guddoomiyuhu ama wakiilkiisu marka aanay guddoomiyaha u suurto-geleyn ka qayb-galka shirku.2. Marka uu maqan yahay Agaasimaha Fulintu, waxa xilka ku sii simaya Agaasimaha Waaxda Daaweynta iyo Daryeelka ee Agaasinka Fulinta,
Qodobka 12aad
Masuuliyadda Xidhiidhiyaha Hawlaha Komishanka ee Gobolka/Degmada
1. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee gobolka ayaa gobol ahaan uga masuula ah agaasinka fulinta dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS,
2. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada ayaa uga wakiil ah xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee gobolka dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS,
Qodobka 13aad
Magacaabista Shuruudaha Agaasinka Fulinta iyo Agaasimayaasha Waaxyaha
1- Agaasimaha fulinta iyo Agaasimayaasha Waaxyaha waxaa magacaabaya Madaxweynaha; waxaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha,
2- Qofka loo magacaabayo Agaasimaha Fulinta waa in uu yahay qof lagu yaqaan dhaqan suuban oo leh aqoon jaamacadeed iyo waayo-aragnimo aan ka yarayn shan sanno.
Qodobka 14aad
Magacaabista iyo Xil-ka-qaadista Xidhiidhiyayaasha Gobollada iyo Degmooyinka
1. Agaasimaha fulinta ayaa magacaabaya xilkana ka qaadi kara xidhiidhiyaaasha gobolka,
2. Magacaabista iyo xil-ka qaadista xidhiidhiyaasha hawlaha komishanka ee heer degmo waxa soo jeedinaya xidhiidhiyaha heer gobol, waxaana ogolaanaya agaasimaha fulinta,
Qodobka 15aad
Habka Shaqaalaynta iyo Shaqo-ka-saarista Shaqaalaha Komishanka
Fulinta Habka shaqaalaynta iyo shaqo--ka-saarista shaqaalaha agaasinka fulinta iyo xafiisyada hoos yimaadda waxa loo raacayaa xeerka shaqaalaha dawladda,
Qodobka 16aad
Shirarka Golaha Hagidda ee Komishanka
Golaha Hagidda ee komishanku wuxuu yeelanayaa shir caadi ah oo qabsoomaya sannidkii laba jeer;
a) Shirarka caadiga ah:
Ugu yaraan todoba casho ka hor maalinta shirka, Agaasimaha Fulinta ahna xoghayaha golaha hagidda, ka dib markuu helo tilmaamaha guddoomiyaha ama wakiiladiisa wuxuu qoraal ku ogeysiinayaa dhamaan xubnaha golaha hagidda saacadaha, goobta iyo ajendaha shirka,
Shirarka Golaha Hagidda waxaa guddoominaya guddoomiyaha komishanka haddii uu maqan yahayna waxaa guddoominaya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka,
b) Shirka aan caadi ahayn:
Golaha hagiddu waxa kale oo uu yeelan karaa shir aan caadi ahayn mar kasta oo loo baahdo, waxaana isugu yeedhi kara guddoomiyaha golaha ama wakiilkiisa,
Xoghaya golaha fulintu, marka uu helo amarka guddoomiyaha komishanka ama wakiilkiisa, ee ah in la qabto shir aan caadi ahayn, wuxuu ku wargelinayaa xubnaha shirka aan caadiga ahayn goobta, taariikhda iyo ajendaha shirka
c) Shirka guddigu wuxuu ku qabsoomayaa marka ay joogaan ugu yaraan shan xubnood xubnaha golaha hagidda.
d) Golaha hagidda waxay go'aamadiisu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga,
e) Xoghayaha golaha hagiddu wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra'yi iyo talo balse kuma laha cod,
Qodobka 17aad
Shirarka Golaha Iskudiwidda iyo Unugga Kormeerka
1. Shirka golaha isku-duwidda waxa guddoominaya guddoomiyaha gobolka, haddii uu maqan yahayna, isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka, oo uga wakiil ah guddoomiyaha gobolka socodsiinta hawsha komishanka ee gobolka,
2. Shirka golaha isku-duwidda waxa diyaarinaya xidhiidhiyaha komishanka ee gobolka, ka dib markuu la tashado guddoomiyaha golaha isku-duwidda ee gobolka ama wakiilkiisa (markuu guddoomiyuhu maqan yahay), isagaana shirka golaha isku-duwidda xoghayn ka ah,
3. Shirka unugga kormeerka waxa guddoominaya guddoomyaha degmada, haddii uu maqan yahayna waxaa guddoominaya madaxda waaxda caafiamadka ee degmada oo uga wakiil ah guddoomiyaha degmada socodsiinta hawlaha komishanka ee degmada,
4. Shirka unugga kormeerka waxa diyaarinaya xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada, ka dib markuu la tashado guddoomiayaha unuga kormeerka degmada ama wakiilkiisa isaga ayaana shirka unuga kormeerka xoghaye ka ah,
Qodobka 18aad
Xeer-hoosaadka iyo Hab-raacyada Komishanka
1. Komishanku wuxuu yeelanayaa xeer-hoosaad qeexaya:
Waaxyaha agaasinka fulinta uu ka kooban yahay iyo qaybaha ay waax waliba u sii kala baxayso,
Hawsha ay waax waliba u xilsaaran tahay,
Awoodaha iyo xilalka madaxda waaxyaha iyo degmooyinka,
Hawlaha xafiisyada gobolada iyo degmooyinka,
Xidhiidhka shaqo ee waaxyaha, qaybaha iyo xafiisyada heer gobol ama degmo ee komishanka,
Arrintii kale ee loo baahdo in xeer-nidaamiye laga soo saaro,
2. Maamulka komishanku wuxuu kaloo yeelanayaa hab-raacayo qeexaya
Habka maaliyadda iyo xisaabaadka,
Habka maamulka shaqaalaha
Habka xog-ururinta, keydinta, xafidaada iyo warbixinaha,
Arrintii kale ee loo baahdo in hab-raac gaar ah loo sameeyo,
3. Xeer-hoosaadka xeer-nidaamiyayaasha iyo hab-raacyada ku xusan farqada 1 iyo 2 ee qodobkan, waxa diyaarinaya Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimaha Fulinta, waxaana ansixinaya Golaha Hagidda,
Qodobka 19aad
Ilaha Dhaqaalaha Komishanka
1. Komishanku wuxuu dhaqaalihiisa ka helayaa:'
Xaddiga miisaaniyadda qaranka looga qoondeeyey,
Kaalmo kasta oo ay ka helaan xukuumadda, bulshada, ururada wadaniga ah, kuwa caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, ama dawlado, shakhsiyaad ama ururo shisheeye,
Dhaqaale kasta oo ka dhasha heshiis oo ku soo gala dariiq sharciga waafaqsa,
2. Nidaam-xisaabeedka komishanka wuxuu raacaya xeerka qaranka ee hab-xisaabeedka wasaaradda maaliyaddu u dhigtay iyo hab-xisaabeedka caalamiga ah.3. Dhaqaalaha komishanka waxaa la xisaab-xidhayaa sannad kasta dhamaadkiisa,
4. Mar kasta oo loo baahdo, waxaa maaliyadda komishanka baadhis ku samayn kara hantidhawrka qaranka ama hantidhawr madax-bannaan.
Qodobka 20aad
Warbixinaha Sannadlaha ah
1. Agaasimaha fulintu wuxuu sannad kasta dhamaadkiisa soo saarayaa warbixin faah-faahsan oo uu u gudbinayo golaha hagidda,
2. Warbixinaha sannadlaha ah ee Agaasimaha Fulinta waxay xambaarsan tahay
Xaaladda guud ee dalka ee la xidhiidha HIV/AIDS,
Tallaabooyinka laga qaaday ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS,
Xaaladaha daryeel iyo ilaalineed ee dadka la nool HIV/AIDS,
Daraasadaha iyo cilmi-baadhista la sameeyay iyo natiijooyinka ka soo baxay,
Heerka fiditaanka cudur-sidaha HIV, cudurka AIDS ka (hoos u dhac iyo korodhka ku jira iyo sababaha kaalmeeynaya)
Caqabadaha ka hor yimid wax-qabadka, hortagga, xakamaynta cudursidaha/cudurka iyo daryeelka, daaweynta, xaannaayaynta iyo ilaalinta xuquuqda dadka la nool cudur sidaha/cudurka,
Talooyin la soo jeedinayo iyo macluumaad kasta oo lama huraan loo arko in la soo bandhigo,
Qodobka 21aad
Daraasadaha iyo cilmi-baadhista
Agaasimaha fulinta wuxuu samaynayaa daraasado iyo cilmi-baadhisyo joogto ah oo ku saabsan cawaaqibka, khatarta, ka hortagga, xakamaynta, daaweynta, heerka fiditaanka, heerka hoos u dhaca fiditaanka HIV/AIDS, goobaha u halis-badan, noocyada bulsho halista ugu badan ugu jira iyo weliba xaaladaha dadka la nool oo ay ka mid yihiin, heerarka takoorka, cuqdadda, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqada,
Qodobka 22aad
Wada shaqaynta laamaha
Komishanka waxa uu wada shaqayn toos ah la yeelanayaa laamaha kale ee qaranka, ururada wadaniga ah, iyo beesha caalamka ee ku hawlan HIV/AIDS.
Qodobka 23aad
Komishinka
Dhamaan hawlaha komishanka waxa ay noqonayaan kuwo iyaga u gaar ah isla markaana hawl walbana waxa la gaadhsiinayaa cidda ay khuseyso oo keliya.
Qodobka 24aad
Xeer-nidaamiyaha
Golaha hagiddu wuxuu soo saarayaaa xeer-nidaamiyayaasha lagu faah-faahinayo laguna meel-marinayo xeerkan,
Qodobka 25aad
TirtiridXeer kasta
qodob kasta oo xeer, xeer-nidaamiye kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo aan xeerkan dhaqan-geliskiisa la socon karin, waa la tirtiray,Qodobka 26aadDhaqangalXeerkani wuxuu dhaqangelayaa todoba cisho ka dib maalinta lagu soo saaro faafinta rasmiga ah,
01/12/2012
Today is World AIDS Day! Share our cover photo to let your friends know about the progress we've made in the fight against HIV/AIDS.
Earlier, we wrapped up our first Reddit AMA ever about our work in HIV/AIDS.
03/11/2012
Welcome to SOLNAC Face book page.
