Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia

Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia, Government Organization, Iscia Baidoa, Bay, Iscia Baidoa.

Photos from Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia's post 28/05/2026

Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Sate ayaa kormeer ku tagay goobaha lagu gowraco xoolaha ee loogu talagalay Ciidul Adxa.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda sida ay u socoto shaqada gowraca, xaqiijinta amniga guud, iyo ilaalinta nadaafadda goobaha,iyo in bulshada loogu faa'ideeyo .

26/05/2026

Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Baydhabo, Mundane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ( Sate) ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa u dirayaa dhammaan shacabka ku nool Magaalada Baydhabo, reer Koonfur Galbeed, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan.

"Waxaan Alle SWT ka baryayaa in uu inaga aqbalo cibaadada iyo acmaasha wanaagsan, kana yeelo ciiddaan mid nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar lagu gaaro.
Munaasabaddan weyn ee Ciidul Adxa awgeed, waxaan bulshada ku nool magaalada Baydhabo ugu baaqayaa midnimo, iscafis, isxaq dhowr iyo garab istaag dadka danta yar, si loo xoojiyo wadajirka iyo walaalnimada bulshada.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa ciidamada amniga, maamulka degmada, culumaaโ€™udiinka, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka shaqeynaya nabadda, nadaafadda iyo horumarka Magaalada Baydhabo.

Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak.

Photos from Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia's post 23/05/2026

Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo Gaar ahaan Waaxda Injineerinka, Dayactirka iyo Naqshadeynta Magaalada ayaa maanta si guul leh u dhameystirtay dayactirka biyo-mareenka agagaarka Taalada Cabdalle Derow kadib dhaawac soo gaaray.

Shaqada dayactirka ayaa si degdeg ah loo fuliyay si loo soo celiyo adeegga biyo-mareenka loona xaqiijiyo badqabka isticmaalayaasha waddada iyo bulshada.

23/05/2026

๐˜ฟ๐™ค๐™ฌ๐™ก๐™–๐™™๐™– ๐™ƒ๐™ค๐™ค๐™จ๐™š ๐™š๐™š ๐˜ฟ๐™š๐™œ๐™ข๐™–๐™™๐™– ๐˜ฝ๐™–๐™ฎ๐™™๐™๐™–๐™—๐™ค
๐˜ผ๐™ฌ๐™–๐™–๐™ข๐™ž๐™ž๐™ง ๐™ ๐™ช ๐™จ๐™–๐™–๐™—๐™จ๐™–๐™ฃ ๐™‚๐™ค๐™ฌ๐™ง๐™–๐™˜๐™– ๐™“๐™ค๐™ค๐™ก๐™–๐™๐™– ๐™ˆ๐™–๐™–๐™ก๐™ข๐™–๐™๐™– ๐™˜๐™ž๐™ž๐™™๐™– .

Maamulka Degmada Baydhabo wuxuu ogeysiinayaa dhammaan shirkadaha, hayโ€™adaha iyo ganacsatada ka shaqeeya doonta gowraca xoolaha inta lagu guda jiro maalmaha barakaysan ee Ciidul Adxa inay si rasmi ah isu diiwaan geliyaan Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.

Isdiiwaangelintu waxay muhiim u tahay sugidda amniga guud, ilaalinta nadaafadda, bilicda magaalada, maaraynta goobaha gowraca, ka hortagga waxyeellinta deegaanka, iyo xaqiijinta caafimaadka bulshada. Sidaas darteed, dhammaan dhinacyada ay qusayso waxaa lagu wargelinayaa inay isdiiwaangelinta ku soo dhammaystiraan xarunta Dowladda Hoose muddo laba maalmood ah laga bilaabo: 24โ€“25 May 2026.

Cid kasta oo aan is-diiwaangelin muddadaas kor ku xusan gudaheeda looma oggolaan doono inay ka shaqeyso howlaha gowraca xoolaha maalmaha Ciidul Adxa.

WABILLAAHI TOWFIIQ

23/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan ( Sate ) Ayaa Magacaabey Gudiga Maareenta Nadaafada iyo Amniga Maalmaha ciida Carafo.

Photos from Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia's post 23/05/2026

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ, ๐Ÿฎ๐Ÿฏ ๐— ๐—ฎ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey amniga iyo nadaafadda guud ee Degmada Baydhabo, iyadoo la isku diyaarinayo maalmaha Ciidda Carafo.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo, Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Degmada, saraakiisha booliiska rugooyinka degmada, guddoomiyeyaasha tobanka xaafadood iyo wakiillo ka socday Barakacayaasha.

Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee degmada inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo , gaar ahaan sugidda nabadgalyada goobaha gaaraashyada ee lagu qalo xoolaha.

Sidoo kale waxaa si weyn looga hadlay ilaalinta nadaafadda guud ee magaalada, si looga hortago in haraaga iyo qashinka ka dhasha xoolaha la qalay lagu daadiyo gudaha magaalada Baydhabo.

Maamulka Degmada iyo laamaha ammaanka ayaa Amar ka Soo saarey in aan goobaha lagu qalo xoolaha laga soo saari karin neef madaxa keliya laga soo gooyey, isla markaana xoolaha lagu qalayo goobahaasi lagu miligi doono, hilibkoodana bacaha loogu shubi doono bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) ayaa ugu dambeyn bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka iyo hayโ€™adaha ammaanka si loo xaqiijiyo amniga, nadaafadda iyo bilicda magaalada inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidda Carafo.

22/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan ( sate ) oo manta booqdey jaamacada Zamzam Ayaa ka hadlay Booqashnadiisa .

21/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan (sate) Ayaa Shir-gudoomiyey kulaka Agaasimiyaasha Dowlada Hoose iyo guddoomiyaasha Tabanka Xaafadood ee Degmada Baydhabo.

21/05/2026

AWAAMIIR ADAG OO KU SAABSAN MAALMAHA CIIDDA CARAFO:

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) ayaa Awaamiir ka Soo saarey Maalmaha Ciidda Carafo, si loo ilaaliyo nadaafadda, amniga iyo kala dambeynta guud ee magaalada.
Iyo Sidoo kale Xoolaha la qalo

Photos from Baidoa Municipality- Southwest State of Somalia's post 21/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Agaasimeyaasha Dowladda Hoose iyo Guddoomiyeyaasha Tobanka Xaafadood ee degmada Baydhabo.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Degmada, Gudoomiyaha Haweenka Degmadada
, lataliyaha Amniga iyo Deriseynta Gudoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Saldhigaa Degmadada Baydhabo

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee magaalada, dardargelinta howlaha Dowladda Hoose, adkeynta arrimaha deriseynta, iyo kor u qaadidda wacyigelinta bulshada si loo xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo maamulka degmada.

Kulanka Ayaa Sidoo kale looga Hadley Arimaha u dxiyada ee maalmaha ciida
Maamulka Degmada Ayaa awaamiir adag ka Soo saarey Arimaha nadaafada maalmaha ciida ee nagu Soo aadan

Guddoomiyaha ayaa masโ€™uuliyiinta kula dardaarmay in la laba laabo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo bilicda magaalada, isagoo tilmaamay in shacabka iyo maamulka ay door weyn ka wada leeyihiin horumarka iyo xasilloonida Baydhabo.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya maamulka xaafadaha iyo bulshada, si loo helo adeegyo hufan.

Guddoomiyeyaasha xaafadaha ayaa warbixinno ka bixiyay xaaladaha xaafadaha iyo baahiyaha jira, iyagoo balan qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Shacabka iyo Laamaha Amaanka.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Degmada Ayaa Dhamaan Bulshada Degmada ka Codsadey in ay la shaqeeyaan Maamulkla Degmada iyo Laamaha Amaanka .

Want your business to be the top-listed Government Service in Iscia Baidoa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Iscia Baidoa, Bay
Iscia Baidoa