Deputy Minister of Interior And Local Government In Hirshabelle
Welcome to the official page of Deputy minister of Interior and local government in Hirshabeele state
Tacsi: Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Nabadoonnadii iyo Saraakishi maanta ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee kooxda argagixisadu ku qaaday guri ay ka daganaayeen magaalada Beledweyne.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tacsi u diray askartii geesinimada muujisay ee naftooda u huray difaaca shacabka. Wuxuu Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo shuhadada, samir iyo iimaan ka siiyo eheladooda, inta dhaawacantayna uu bogsiiyo.
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka iyo hay’adaha amniga in si mideysan loola dagaalamo cadowga argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
20/12/2024
"Maanta oo ah 20-ka Diseembar, waxaan u hambalyeynayaa dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanad-guurada 81-aad ee aasaaskooda.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa tiir muhiim ah oo qarankeena u taagan sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga. Dadaalkiinna iyo naf-hurnimadiinna waxa ay astaan u yihiin dhiirranimo iyo daacadnimo.
Waxaan idin leeyahay hambalyo iyo bogaadin gaar ah, anigoo idiin rajeynaya guulo waaweyn oo intaas ka sii badan.
Deputy Minister of Interior And Local Government In Hirshabelle
Liibaan Abdirahman
Daawo Muuqaalka Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ee Wejiga labaad ee Shirka isku xirka Degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo xoojinta dowladnimada oo maalintii 3 aad ka Socday Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.
DHAMAAD.
07/12/2024
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa soo gabagabeeysay Wejiga labaad ee Shirka isku xirka Degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo xoojinta dowladnimada oo 3 maalin ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.
Shirkaan Gunaanadka ah ayaa waxaa Goob joog ka ahaa oo soo xeray Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye kuxigeenka 1 aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle mudane Siraaji sheikh Isaaq waxaana kulanka sidoo kale Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle mudane Abdi Dahir Guure Karoore iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Liibaan Cabdi Cali , agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nur Hassan Muse Gudoomiye kuxigeenada 2 da Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe , qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Xoghayaasha Degmooyinka Dowladda Hirshabelle .
Shirka ayaa intii uu socday waxaa laga dooday sidii leeska kaashan lahaa hagida Maamulka iyo Qoraheynta shuruucda iyo xeerarka dowladda Hirshabelle,
Hagaajinta wada shaqeynta bulshada iyo dowladda ,
iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha maamul ee ka jira Degmooyinka Hirshabelle.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
HIRSHABELLE
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?
id=100068897092678&mibextid=LQQJ4d
Instagram: https://www.instagram.com/ moi_hirshabelle9?igsh=NTc4MTIwNjQ2YQ
06/12/2024
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jowhar
