19/03/2026
Ciid Wanaagsan dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabeelle.
News and information about Hirshabelle State's Ministry of Health. We make sure people in Hirshabelle enjoy the highest possible health status.
19/03/2026
Ciid Wanaagsan dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabeelle.
28/02/2026
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo kormeeray isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne iyo xarunta caafimaadka Xaawo Taako.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka weyn, asaga oo warbixin ka dhageystay Agaasimaha isbitaalka iyo howlwadeenada caafimaadka ee u adeegaya bulshada.
Kormeerka waxaa Wasiirka ku weheliyay Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Hiiraan, mudane Maxamed Ibraahim Siyaad. Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirku wuxuu waraystay bukaannada lagu dabiibayo isbitaalka iyo xarumaha caafimaadka, isagoo u kuurgalay xaaladdooda iyo heerka adeegyada la siinayo.
27/02/2026
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, Dr. Muxyidiin Mukhtaar Macalin, oo uu weheliyo Madaxa Tallaalka ee Wasaaradda, ayaa kormeeray habsami usocodka Ololaha Tallaalka Gowracatada ee ka socda degmada Mahadaay.
Wasiiru Dowlaha ayaa warbxin ka dhageystay maamulka degmada iyo howlwadeenada caafimaadka ee wada tallaalka, waxaa uuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay gaarsiinta tallaalka dhamaan caruurta ku nool degmada iyo nawaaxigeeda.
23/02/2026
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo qeyb ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee dhowaan la magacaabay, ayaa gaaray magaalada Beledweyne.
Wasiirka waxaa safarka ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle, ahna xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Safarkan ayay ujeedadisu tahay qiimeynta xaaladda abaaraha iyo dardargelinta ka jawaabista abaaraha.
23/02/2026
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daahfurtay Ololaha Tallaalka Gowracatada.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, Dr. Muxyidiin Mukhtaar Macalin, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa daahfuray munaasabadda.
Madaxa Tallaalka ee Wasaaradda, Dr. C/Raxmaan Muse Xabbad, maamulka degmada, masuuliyiin kala duwan oo ka socotay Wasaaradda Caafimaadka XFS, hay’adda WHO iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda daahfurka.
17/02/2026
Ramadaan Mubaarak dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabeelle.
14/02/2026
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, ayaa magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Madaxa Qeybta Tallaalka ee Wasaaradda.
27/01/2026
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabelle waxay soo dhaweyneysaa ansixinta Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed oo maanta uu ansixiyay Golaha Aqalka Sare ee XFS.
Sharcigan ayaa lafdhabar u ah horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, asaga oo xaqiijin doona tayada, badqabka iyo waxtarka daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee guud ahaan dalka.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, oo qeyb ka ahayd talobixinta iyo diyaarinta xeerkan, ayaa ansixinta sharcigan u aragta guul wayn iyo tallaabo horumar ah oo loo qaaday badbaadinta bulshada Soomaaliyeed iyo ilaalinta tayada daawooyinka dalka.
Wasaaradda waxay u mahadcelinaysaa labada Aqal ee Baarlamaanka XFS, masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo howladeenada sida gaarka ah uga qayb qaatay diyaarinta iyo meelmarinta guushan taariikhiga ah.
20/01/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Xanafi Xasan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah usoo xiray aqoon-is-weydaarsi iyo kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray qorsheynta, dardargelinta iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) heer Dowlad Goboleed.
Kulanka, oo socday mudo labo maalmood ah, ayaa lagusoo bandhigay qorshayaal kala duwan oo ay soo diyaariyeen Agaasime Waaxeedyada, madaxda barnaamijyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa kulanka masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka heer Federaalka (FMOH), Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS (OPM) iyo hay'adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ee ka shaqeeya arimaha caafimaadka.
19/01/2026
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle ayaa soo agaasintay aqoon-is-weydaarsi iyo kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray qorsheynta, dardargelinta iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) heer Dowlad Goboleed.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Caafimaadka, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Sidoo kale, kulanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka heer Federaalka (FMOH) iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS (OPM).
Kulankan, oo socon doona mudo labo maalmood, ayaa muhiim u ah xoojinta wadashaqeynta, isku-duwidda mudnaanta, iyo dardargelinta hirgelinta NTP.
Agaasimahayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, madaxda barnaamijyada iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday Wasaaradda ayaa qeyb ka ah aqoon-is-weydaarsiga.
15/01/2026
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa saxiixay Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle (XGMCH) oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka, horayna ay u ansixiyeen Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ayaa Madaxweynaha ka gudoomay nuqulka saxiixan ee Xeerka, waxaana weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Xeerkan ayaa ujeedkisu yahay horumarinta aqoonta iyo xirfadda Mihnadlayaasha Caafimaadka, ruqsad-siinta shaqaalaha iyo xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka, iyo xakameynta hab dhaqanka iyo anshaxa shaqaalaha caafimaadka.
17/12/2025
Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta si aqlabiyad ku ansixiyay Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle (XGMCH), oo ay Wasaaradda Caafimaadka soo diyaarisay horayna ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada.
Kulanka Baarlamaanka ee lagu ansixiyay xeerka waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dr. Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, ayaa Golaha Baarlamaanka uga mahadceliyay ansixinta Xeerkan, asaga oo tilmaamay muhiimadda uu Xeerka u leeyahay bahda caafimaadka iyo guud ahaan bulshada Hirshabeelle. Waxaa Wasiirka ku weheliyay kulanka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.
Xeerkan ayaa ujeedkisu yahay horumarinta aqoonta iyo xirfadda Mihnadlayaasha Caafimaadka, ruqsad-siinta shaqaalaha iyo xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka, iyo xakameynta hab dhaqanka iyo anshaxa shaqaalaha caafimaadka.