29/12/2025
Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta 2aad ee Dowladda Hirshabelle.
BULABURDE: 29-30 Diseember 2025
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalmiga Hirshabelle.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane. Abdullahi Mohamed Hassan ayaa Magaaladda Bule-burde Ka daah-furay Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta 2aad ee dowladda Hirshabelle.
Shirkan oo Socon Doono Mudo laba Maalin ah waxa kaso qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Bule-Burde, Xoghayaha Degmada iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada.
Wada tashigan ayaa la qorsheynayaa in warbixinada kasoo baxo lagu daro Qorshaha Horumarinta Hirshabelle kaas oo waxbadan kusoo kordhin doono Hiigsiga 2025-2030 Ee Qorshaha Hormarinta Hirshabelle.
Gudoomiyaha Degmada Bule-Burde ayaa soo dhaweeyey wafdiga Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshavelle ka socda ee uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Qorsheynta, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay Ka qeeybgalayaasha kulanka ineey maskaxdooda tuujiyaan oo ayna ogaadan inay yahiihiin matalayaasha degmadda ay ku biiriyaan Mudnaanaha iyo hiigsaga 5 sano ee soo socota ee dagmada leedahay.
Agaasimaha Guud Mudane Abdullahi Mohamed Hassan ayaa masuuliyiinta Degmada Bulaburde iyo ka qeybgalayaasha kulanka ugu mahadceli sida wanaagsan ee soo dhaweeynta leh, sidoo kalena ugu warbixiyay Ujeedada Kulanka Wadatashiga isaga oo sheegay in Reer Bulaburde ay kala tashan doonaan hiigsiga iyo Mudnaanta Qorshaha Horumarinta Hirshabelle ee 2025-2030.
Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Qubarada Inay aad u tixgaliyaan Baahiyaha ay soo gudbiyaan Dadka Reer Buleburde si loogu daro Qorista Qorshaha Horumarinta Hirshabelle.
DHAMMAAD.
21/12/2025
Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta 2aad ee Dowladda Hirshabelle.
Matabaan: 20 Diseember 2025
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalmiga Hirshabelle.
Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Hirshabelle Mudane Hon Abdifatah Jama Warsame(JK)
oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Abdullahi Mohamed Hassan iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Safiyo Ahmed Cifow ayaa Degmada Matabaan Ka daah-furay Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta 2aad ee Hirshabelle.
Shirkan oo Socon Doono Mudo laba Maalin ah waxa kaso qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Matabaan, Xoghayaha Degmada iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada.
Watada tashigan ayaa la qorsheynayaa in warbixinada kasoo baxo lagu daro Qorshaha Horumarinta Hirshabelle kaas oo waxbadan kusoo kordhin doono Hiigsiga 2025-2030 Ee Qorshaha Hirshabelle.
Gudoomiyaha Degmadda ayaa kasoo qeybgalayaasha kula dar-daarmay in aay shirkan ku muujiyaan firfircooni si aay kaalin mug leh ugu yeeshaan Qorista Qorshaha Horumarinta Hirshabelle.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Abdifatah ayaa reer Matabaan ugu warbixiyay Ujeedada Kulanka Wadatashiga isaga oo sheegay in Reer Matabaan aay heli doonan Mudnaanta Horumarinta Hirshabelle ee 2025-2030.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay Qubarada Inay aad u tixgaliyaan Baahiyaha aay soo gudbiyaan Dadka Reer Matabaan si loogu daro Qorista Qorshaha Horumarinta Hirshabelle.
DHAMMAAD.
04/12/2025
Mogadishu- Somalia, 4.12.2025
Waxaa maanta qabsoomay shirkii Golaha Hormarinta Qaranka (NDC) oo ay ku kulmaan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo wasaaradaha Qorsheynta Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaaliya,
Golahaan ayaa dhaca 3 dii biloodba, Shirkaan waxaa shir gudoominayey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax Beeneere iyo Wasiirada Qorsheynta dowladaha xubnaha ka ah uu ugu horeeyo Wasiirka Qorsheynta dowladda Hirshabelle wasiir Maxamuud Cabdi Cali iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Qoraheynta dowladaha cubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaliya.
Shirkaan ayaa loogu hadlay qodobo taabanayo hormarinta Qaranka Soomaliya gaar ahaan waxii ka qabsoomay fulinta Qorshaha Isbadalka Qaran (QIQ) iyo waxii kasoo baxay Qiimeeyntii Qorshahaha Horumarinta Qarank 9 aad iyo Waxyaabahii laga bartay Qorshahii Horumarinta 9aad ee Qaranka, sidoo kale waxaa laga dhageeystay dowladaha xubnaha ka ah horumarada ka jira deegaanada Dowladda xubnaha ka ah ayagoo ka warbixiyey halka ay u mareeysto Qabya Qoraalka Qorshayaasha Horumarineed ee dowladaha xubnaha ka ah ay ku howlan yahiin kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Isbadalka Qaran ee dalka,
Wasiiradda ayaa ku daray ahmiyada ay leeyahay wada shaqeeynta iyo isku duwida mashaariicda hormarineed iyo xoojinta Kormeerka iyo Qiimeeynta dalka, sidoo kale waxeey la wadaageen wasiirada walaacooda ku aadan aabaraha ka jira dalka sidii si wada jir ah wax loogu qaban lahaa dad yoowga tabaaleeysan iyo in la mideeyo dadaalada wax loogu qabanaayo bulshada tabaaleysan
DHAMAAD
04/12/2025
Muqdisho-4-12-2025 Shir looga hadlayay Qorshaha istaraatiijiyadda shanta s**o ee soo socota UN ka oo lagu qabtay Magaalada Muqdusho.
Shir muhiim ah oo looga hadlayay Qorshaha istaraatiijiyadda shanta ee soo socota United Nations ka ayaa waxaa uu Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Dowlada Federaalka ah ee Soomaalia iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe iyo Hay’adaha UNka.
Ujeedka kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid diiradda lagu saarayay qaabeynta Qorshaha UNka ee shanta sano ee soo socota 2026-2030,taasi oo ay isla meel dhigaan guud ahaan xubnaha shirkan fadhiyay.
Dhinaca Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabelle waxaa shirkaas uga qeybgalay Wasiirka Wasaaradasi Mudane Eng Maxamuud Cabdi Cali oo ku tilmaamay mid muhiim ah laguna soo beegay waqtigii loo baahnaa iyo Agaasimaha Guud mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan
Hase ahaatee xubnaha shirkan ayaa ugu dambeyntii soo jeediyay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha istaraatiijiyadda qorshaha shanta sano ee soo socota.
DHAMAAD
01/12/2025
Jowhar 1-Dec-2025
Shirka Wadatashiga Qorshaha 2026-2030 Ee WFP
Country Strategic Plan (CSP) oo lagu qabtay Magaaladda Jowhar.
Jowhar: UNSOS Compound
Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga Dowladda Hirshabelle oo kaashaneysa hay’adda Cunnada Adduunka ee (WFP) ayaa maanta xarunta UNSOS waxay si wada jir ah ugu soo bandhigeen qorshaha WFP ee 2026-2030
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Hirshabelle Mudane Eng Mohamud Abdi Ali ayaa bogaadiyay dadaalada WFP ee ka waddo dowladda Hirshabelle.
Inta uu kulanka socday Waxa laguso bandhigay Qorshayaasha 2026-2030 ee WFP kuwaas oo aay ugu waaweyn yihiin
1. Ka jawaabida Iyo U diyaarsananta Musiiboyinka Deg-dega ah.
2. Adkeysiga Isbadalka Cimilada
3. Dhisida xirfadda iyo Aqoonta Hay’adda Dowladda.
Xubnaha Madasha ku sugnaa ee Matalayay Wasaaradaha bah wadaagta la'ah wasaaradda qorsheynta ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid wax weyn ka tari doono Adeegyada la qorsheynayo in laga qabto Degaanada Dowladda Hirshabelle.
Si kastaba Qorshooyinkaan ayaa sicad waxay xirir dhaw ula leeyihiin qorshayaasha Isbadalka Qorshaha Qaranka Somalia iyo kan Hirshabeelle.
DHAMMAAD.
13/11/2025
𝐉𝐎𝐖𝐇𝐀𝐑, 𝟏𝟏 𝐍𝐎𝐕𝐄𝐌𝐁𝐄𝐑 𝟐𝟎𝟐𝟓
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐥𝐥𝐞 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝐍𝐓𝐏 𝟐𝟎𝟐𝟓–𝟐𝟎𝟐𝟗)
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa magaalada Jowhar si rasmi ah uga daahfuray wada-tashi saddex maalmood ah oo ku saabsan Istaraatiijiyadda Hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029).
Wada-tashigan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ee heer federaal iyo Wasaaradda Qorsheynta Hirshabelle, ayaa diiradda saaraya dejinta mudnaanta horumarineed ee Hirshabelle iyo hubinta in qorshayaasha dowlad-goboleedka lagu waafajiyo qaab-dhismeedka horumarinta qaranka.
Intii uu socday furitaanka, Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Maxamed ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la helo iswaafajin iyo wada-shaqeyn dhaxalgal ah oo u dhaxaysa hay’adaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleed, si loo xaqiijiyo guusha Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025–2029.
Wada-tashiga waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday wasaaradaha Hirshabelle, bulshada rayidka, iyo ganacsatada, kuwaas oo soo jeediyay talooyin iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku saabsan doorka hay’adaha, jadwalka hirgelinta, iyo cabbirka natiijooyinka.
Ka-qaybgalayaasha ayaa muujiyay ka-go’naanshahooda wadashaqeyn iyo lahaansho dhameystiran, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yoolalka horumarineed ee Hirshabelle iyo hirgelinta qorshaha cusub ee qaran.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xirirka bulshadda
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga