Hadal jeedinta Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamud Hassan Barise, Ee furitaanka dhismaha Buundada Magaalada Jowhar.
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle
BOGGA RASMIGA EE WASAARADDA HOWLAHA GUUD, DIB-U-DHISKA IYO GURYEYNTA HIRSHABELLE
18/02/2026
BILAABASHADA DIB UDAYACTIRKA BUUNDADA MAGAALADA JOWHAR.
Kadib soo jeedintii Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Ee ka soo jeedisay shirka Golaha Wasiirada ee ahaa in Buundada Magaalada Jowhar dib-u-dhis lagu sameeyo lagana hortago qatarta ka imaankarta ayaa waxaa lagu guuleystay in shaqada labilaabo maanta.
Ayada oo la fulinaayo amarka
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ee ahaa in Wasaaradda Howlaha Guud si dag dag ah wax kaga qabato Buundada kana hortagto qatarta bulshada kaga imaan karta ayaa waxaa lagu guuleystay in shaqada dib-u-dhiska labilaabo lana dardar geliyo.
Wasaaradda Howlaha Guud waxaa sharaf u ah in ay gudato mid ka mid ah waa jibaadka ay u idmantahay.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDC
17/02/2026
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle, Mudane Mohamud Hassan Barise, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Hirshabeelle, bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Wasiirku wuxuu Alle ka baryayaa in bishaan kheyrka badan ay noqoto mid nabad, caafimaad, isu-tanaasul iyo horumar u horseedda ummadda Islaamka, isla markaana uu Alle naga aqbalo soonkeenna, salaaddeenna iyo cama-lladeenna wanaagsan.
Ramadaan Mubaarak.
17/02/2026
Muqdisho, 17, Feebaraayo-2026: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabelle ๐ด๐๐
๐๐๐ Mohamud Hassan Barise ayaa kulan Magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxa Mashruuca Xalalka Waara ee hayโadda (IOM) Nick Ochieng iyo xubno kamid ah howl-wadeenada Mashruuca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta iskaashiga, isu-duwidda iyo kormeerka mashruuca Xalalka Waara ee Hirshabeelle, Kordhinta taageerada dhinacyada, Horumarinta Dhaqaalaha, Xalka Waara iyo La tacaalidda iyo ka jawaabidda caqabadaha ubaahan in xal waara laga gaaro.
Doodaha iyo is-fahamka kulanka kadib, labada dhinac waxay isla garteen in la dardar-geliyo habraacyada isku-duwidda mashaariicda Xalalka Waara IOM ee Hirshabeelle si loo hubiyo in ay u fuleen sida sax ah oo habraaca mashaariicda loogu talagalay.
Ugu dambeyn, Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan adkeynta iskaashiga iyo dardar-gelinta fulinta howlaha shaqo ee hortabinta leh.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
04/02/2026
Wasaaradda Howlaha Guud oo Jowhar ku qabatay shir Isku-duwid oo lagu soo gebagabeynaayo Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka.
๐๐จ๐ฐ๐ก๐๐ซ โ ๐ ๐
๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ โ Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qabatay shir Isku-duwid (Multi-Stakeholder Coordination Meeting), kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta hayโadaha kala duwan isla markaana lagu soo gabagabeynaayo hawlaha mashruuca horumarinta magaalooyinka.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Hoose ee Jowhar, Wasaaradda Howlaha Guud, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee tuulooyinka, kuwaas oo si wadajir ah uga wada hadlay heerarka uu maraayo mashruuca iyo saameynta uu ku yeeshay adeegyada dadweynaha iyo horumarinta Magaalooyinka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay natiijooyinka mashruuca, caqabadihii ka hor yimid hirgelintiisa iyo casharradii laga bartay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray qorsheynta magaalooyinka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta ka qeybgalka bulshada.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo dhex marta hayโadaha dowladda, saaxiibada horumarinta iyo bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara, adeegyo tayo leh iyo Magaalooyin qorsheysan oo u adeegaya dhammaan shacabka Hirshabeelle.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
04/02/2026
Jowhar | 31 December 2025, Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryenta Dowladda Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar si rasmi ah uga bilowday tababar soconaya shan (5) maalmood, kaas oo la xiriira GPS iyo GIS si kor loogu qaado adkeysiga bulshada (Resilience Building).
Tababarkan oo ka mid ah Barnaamijka Dowlad-kaab (Joint Programme on Strengthening Local Governance and Decentralized Service Delivery) ayaa loogu talagalay 12 xubnood oo farsamo kana socda Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose ee Jowhar iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabelle.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo awoodda farsamo ee shaqaalaha, iyadoo diiradda la saarayo isticmaalka GPS iyo GIS ee qorsheynta mashaariicda, ururinta iyo falanqaynta xogta dhulka, hagaajinta ka jawaabista khataraha iyo musiibooyinka, iyo taageeridda dhismaha kaabeyaal waara oo adkeysi leh.
Wasaaraddu waxay ku faraxsan tahay hirgelinta tababarkan muhiimka ah, iyadoo rumeysan in uu door weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada dadweynaha iyo qorsheynta horumarka waara ee degmooyinka Hirshabelle.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
01/02/2026
Jowhar --01 - Febrayo - 2026: Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryenta Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah u soo xirtay tababar farsamo oo ku saabsanaa Hab-raaca Kala Hormarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Infrastructure Prioritization Framework), kaas oo muddo afar (4) maalmood ah ka socday Magaalada Jowhar.
Tababarkaan ayaa waxaa ka faaโiideystay injineerro ka kala socday heer Degmo iyo heer Dowlad-goboleed, kuwaas oo lagu xoojiyay aqoontooda ku aaddan qorsheynta mashaariicda dhismaha, kala hormarinta baahiyaha kaabeyaasha, iyo adeegsiga kheyraadka si hufan oo wax ku ool ah.
Intii uu socday tababarka, ka qeybgalayaasha waxay heleen casharro iyo dooddo wax ku ool ah oo diiradda lagu saarayay hagaajinta kormeerka, hirgelinta mashaariic tayo leh, iyo dhismaha kaabeyaal waara oo si toos ah u taabanaya horumarka iyo adeegyada ay helaan bulshada ku dhaqan degmooyinka Hirshabeelle.
Ugu dambeyn, dadkii ka faaโiideystay tababarka ayaa si weyn ugu mahadceliyay Wasaaradda Howlaha Guud dadaalka ay gelisay tayeynta awoodda farsamo ee injineerrada, iyagoo ballan qaaday in ay aqoonta ay heleen ku dabaqi doonaan shaqooyinkooda, si loo xaqiijiyo mashaariic dhisme oo tayo leh kana jawaaba baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJG
29/01/2026
Jowhar | 28 Janaayo 2026 โ Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryenta Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ka bilowday tababar farsamo oo soconaya afar (4) maalmood, kaas oo loogu talagalay injineerrada heer Degmo iyo heer Dowlad-goboleed.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryenta Hirshabeelle, Mudane Mohamud Hassan Barise, ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Jowhar uga daah furay tababar soconaya afar (4) maalmood, kaas oo ku saabsan adeegsiga Hab-raaca Kala Hormarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha ( Infrastructure Prioritization Framework ), si loo xoojiyo qorsheynta mashaariicda dhismaha, loona xaqiijiyo in baahiyaha kaabeyaasha loo kala hormariyo si hufan, isla markaana kheyraadka la heli karo loo adeegsado si wax ku ool ah.
Intii uu tababarku socdo, ka-qeybgalayaasha waxaa la siinayaa aqoon ku saabsan hagaajinta kormeerka, fulinta mashaariicda tayada leh, iyo dhismaha kaabeyaal waara oo wax ku ool u noqda horumarinta adeegyada dadweynaha.
Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar (Baarey), oo furitaanka qeyb ka ahaa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay tababarradan u leeyihiin horumarka degmada Jowhar iyo Degmooyinka kale ee Dowladda Hirshabeelle.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
18/01/2026
Jowhar, 18 Janaayo 2026, Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryenta Dowladda Hirshabelle oo Magaalada Jowhar ku qabatay tababar socon doona afar (4) maalmood, kaas oo la xiriira Hagaha Dhismaha Dowladaha Hoose.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryenta Dowladda Hirshabeelle, Mudane Mohamud Hassan Barise, ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Jowhar uga daah furay tababar soconaya afar (4) maalmood, kaas oo ku saabsan Hagaha Dhismaha Dowladaha Hoose, lana doonayo in lagu xoojiyo fahamka iyo adeegsiga habraacyada dhismaha ee dowladaha hoose.
Tababarkaan oo qayb ka ah Barnaamijka Dowlad-Kaab ee Xoojinta Maamulka Dowladaha Hoose iyo Adeegyada la Gaarsiiyo Bulshada, ayaa si gaar ah loogu talagalay injineerrada Wasaaradda ee heer Degmo iyo heer Dowlad-goboleed, iyadoo ujeeddadiisu tahay:
1โขIn la xoojiyo fahamka iyo adeegsiga Hagaha Dhismaha Dowladaha Hoose.
2โขIn la hormariyo tayada mashaariicda dhismaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
3โขIn la hagaajiyo nidaamyada qorsheynta, kormeerka iyo fulinta mashaariicda
4โขIn la adkeeyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta heerarka farsamo.
Wasiirka ayaa xusay in tababarkaan uu si weyn uga qayb qaadan doono kobcinta awoodda farsamo ee injineerrada, isla markaana uu saldhig u noqon doono dhismaha kaabeyaal tayo leh oo waara, kuwaas oo kor u qaadaya adeegyada ay helaan bulshooyinka degmooyinka Hirshabelle.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
14/01/2026
Jowhar, 14, Janaayo, 2026-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeerka Fasaxa Dhismaha Dowladda Hirshabeelle oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.
Saxiixa Muhiimada Xeerkaan ayaa noqonaya:-
1โข Hagaajinta iyo jihaynta nidaamyada maamulka ruqsad bixinta dhismaha iyo jaangoynta dhismaha si waafaqsan hababka ugu wanaagsan ee dalka iyo caalamka.
2โข Dhaqanยญgalinta habraacyo iyo jaangooyo dhisme oo si wanaagsan loo diyaariyay kuwaa oo gacan ka geysan doona hubinta, xoojinta iyo la socodka baahiyaha Aqoon iyo qalabka dhismaha ee Hirshabeelle u baahan tahay.
3โข Xeerkaan waxa uu ka hortagi doonaa in hayโado aan loo idman fuliyยญaan dhismaha Hirshabeelle.
4โข โ Ogolaanshaha Ruqsadda Xirfadlayaasha Dhismaha, hubinta aqoontooda xirfadeed iyo agabka looga baahan yahay (Minimum Standards).
5โข Dejinta siyaasadda isticmaalka dhulka, Hubinta adkaysiga dhismayaasha ee la qabsiga isbedelka cimiladda, Dhowrista badqabka shaqaalaha dhismaha iyo Tixgalinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
Dhismaha Buundada Balcad oo Guul Taariikhiya u Muujinaysa Isbeddalka iyo dadaalada Dib-udhiska Ee iska kaashanaayaan Dowladda Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Buundadaan cusub ayaa door weyn ka qaadan doonta isku socodka bulshada, horumarinta kaabayaasha-dhaqaalaha, iyo koboca guud iyo isku xerka Magaalooyinka.
Tani waa marqaati taariikhi ah oo ka turjumaysa isbeddelka, Dib-udhiska iyo horumarka ballaaran ee Dowladda Hirshabelle ku tallaabsatay, gaar ahaan dhinaca Dib-udhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
05/01/2026
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeeynta Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar kusoo gabagabeysay tababar socday muddo shan (5) maalmood, kaas oo ku saabsanaa adeegsiga Nidaamka Goob-Ogaanshaha Caalamiga ah (GPS) iyo Nidaamka Macluumaadka Juqraafiyeed (GIS).
Ka-qaybgalayaasha tababarka ayaa sheegay in ay si weyn uga faaโiideysteen, iyagoo xusay in tababarku uu kordhiyay aqoontooda ku aaddan ururinta xogta goobaha, diyaarin khariidado, iyo adeegsiga barnaamijyada GIS si loo gaaro goโaanno ku saleysan xog sax ah.
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeeynta Dowladda Hirshabeelle ayaa xustay in tababarkani uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo awoodda farsamo ee shaqaalaha Wasaaradda, laguna horumarinayo qorsheynta Magaalooyinka, dhismaha iyo kaabayaasha, iyadoo la adeegsanaayo tiknoolojiyad casri ah oo ku dhisan xog juqraafiyeed.
Wasaaraddu waxay mar kale adkaysay sida ay uga goโan tahay tayeynta adeegyada dadweynaha iyo horumar waara.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 16:00 |
| Tuesday | 08:00 - 16:00 |
| Wednesday | 08:00 - 16:00 |
| Thursday | 08:00 - 16:00 |
| Saturday | 08:00 - 16:00 |
| Sunday | 08:00 - 16:00 |
