29/12/2025
INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle oo ay ugu h**eeyaan Wasiirka Wasaarada iyo ku-xigeenada, iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda, waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabeelle Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud oo ay hooyadiis Maryan Axmed Kulmiye ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle waxay Alle uga baryayaan marxuumadda in uu ku mannaysto naxariistiisa Janno, Agaasime Yaasiin iyo dhammaan xubnaha kale ee ehelka, uu ka siiyo samir iyo iimaan, qalbiyadoodana uu u qaboojiyo.
18/08/2025
Aqoon isweydaarsi Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka HirShabelle.
Jowhar, 18 Agoosto 2025 – Waxaa maanta magaalada Jowhar si rasmi ah loogu soo xiray tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo mudo labo maalmood ah uga socday suxufiyiin ka kala yimid qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha Dowlad Goboleedka HirShabelle.
Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta HirShabelle, oo kaashanaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNTMIS, ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta suxufiyiinta ee ku aaddan tabinta doorashooyinka iyadoo la dhowrayo mabaadi’da anshaxa saxaafadda iyo xeerarka doorashada.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Waddani, oo isna ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa bogaadiyay muhiimadda uu tababarku u leeyahay tayeynta warbaahinta xilliyada doorashooyinka oo uu sheegay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, wuxuu sidoo kale xusay in suxufiyiintu ay yihiin laf-dhabarta wacyigelinta bulshada, loona baahan yahay in ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda
Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka ahaa taxane aqoon-is-weydaarsi ah oo lagu xoojinayo fahamka saxaafadda ee doorashooyinka dalka. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay suxufiyiintii ka faa’iideystay, isagoo ku booriyay in ay u adeegsadaan aqoontooda si masuuliyad leh
" Aqoon Isweydaarsigani waxaa mid la mid ah h**e ugu soo qabanay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, marka lagu daro Jowhar Hirshabelle waxaa ka faa’iideystay 85 suxufiyiin kala duwan ka shaqeeya warbaahinta gaarka looleeyahay iyo midda dowliga ah heer Federaal iyo dowlad goboleed, ujeedkeenu waxa uu ahaa in la xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee qabsoomidda doorashooyin nabad ku dhaca, waxaan u mahad celinaynaa Xafiiska Qaramada Midoobay eeSoomaaliya ( UNTMIS) oo naga taageeray qabashada tabbabaradani iyo dowlad goboleedyada oo nagala shaqeeyay hirgalintooda" ayuu yiri Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee HirShabelle, Mudane Yasin Ahmed Mohamud , oo soo xiray tababarka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadda suxufiyiinta, iyo sidoo kale taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ee taageertay taabagalinta qabsoomidda aqoon isweydaarsigan, sido kalena kula dardaarmay Wariyayaasha dhaqan galinta waxa ay ka barteen tababarka iyo in ay gaarsiiyaan saaxiibadooda xarumaha ay matalayeen.
Tababarkan Jowhar lagu soo gabagabeeyay ayaa noqonaya kii afraad ee noociisa ah oo laga qabto gudaha dalka, iyadoo horay loogu soo qabtay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, si loo xoojiyo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee taageeraya doorashooyin daahfuran, nabdoon oo hufan.
17/08/2025
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay magaalada Jowhar ee HirShabelle
Jowhar, 17 Agoosto 2025– Aqoon isweydaarsigani oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta HirShabelle, oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNTMIS oo Ujeedkiisu yahay kor u qaadista fahamka suxufiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da anshaxa saxaafadda iyo xeerarka doorashooyinka dalka waxaana ka qeyb galaya 20 wariyayaal oo ah oo ka kala socda qeybaha Warbaahinta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle.
Cabdiraxmaan Xuseen Waddani Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku hadlay afka suxufiyiinta ayaa bogaadiyay tababarka tabinta doorashooyinka oo uu sheegay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanku galayo doorashooyin.
Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo kaalinta warbaahinta ee geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo tilmaamay in tababaro la mid ah h**ey loogu qabtay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Hirshabeelle, Mudane Yasin Ahmed Mohamud, oo furay tababarka, ayaa mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadda suxufiyiinta, iyo sidoo kale taageerada ay bixiyeen UNTMIS ee suurta gelisay qabsoomidda aqoon isweydaarsigan waxaana uu ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay dhaqan galiyaan waxa ka faa'iidaan tababarkani
Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah barnaamij qaran oo lagu xoojinayo awoodda warbaahinta Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaadato tabinta doorashooyin hufan si waafaqsan anshaxa iyo mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka
29/03/2025
Waxaan guud ahaan ummada Islaamka gaar ahaan
ummada Soomaaliyeed qaasatan bulshada Dowladda Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa Munaasabada Eidul Fidriga, waxaan Alla SWT ka baryayaa in uu dhammaanteena innaga aqbalo Acmaashii wanaagsaneyd ee aan soo gudannay, Dalkana uu xasilooni inoogu soo dabaalo
Adan Barre Mohamed
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle
28/02/2025
Ramadaan Kariim
Bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Hirshabeelle waxa ay hambalyo qiimo badan u diraysaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta kale ee caalamka.
Bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr badan, waxaan Alle ka baryaynaa inuu naga aqbalo Acmaasha suuban iyo ducadeena, nagana dhigo kuwa Ramadaanka dambi-dhaaf iyo naxariis ku hela. Sidoo kale, waxaan Alle ka baryayaa inuu dalkeena ku galado nabad iyo barwaaqo waarta.
Ugu dambeyn, Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Hirshabeelle waa ay ku boorrinayaan shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda u garab istaagaan Ciidamada Xooga Dalka, Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle iyo Geesiyaasha deegaanka ee xilligaan adag dagaalka kula jira cadowga Khawaarijta ah, kuwaas oo har iyo habeen u taagan sugidda amniga iyo difaaca shacabka.
14/11/2024
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Hirshabeelle ahna Kusimaha Wasiirka Mudane Abdishakur Shaashaa ayaa tababar u furay Labaatan Kamid ah Wariyeyaasha Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle.
Tababarkan ayaa ku saabsan Kobcinta Aqoonta Warbaahineed ee Wariyeyaasha, Barista Xeerarka, Anshaxa iyo Hab dhaqanka Warbaahinta.
Tababarka waxaa Qabtay Federation of Somali Journalists waxaana Fududeysay Wasaarada Warfaafinta Hirshabelle.
Tababarka ayaa socon doono Mudo labo Maalmood ah waxayna Rajada tahay in wax badan ay ka kororsadaan Wariyeyaasha ka qeybgalaya.