Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle

Share

Wasaaraddu Waxay u Taagan Tahay Horumarinta Dhalinyarada & Isboortiga Dowladda Hirshabeelle πŸ’ͺ

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 16/03/2026

πŸ“ Jowhar, Hirshabelle State
πŸ“… 15 March 2026

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle oo kaashanaysa hay’adda Shaqodoon ayaa wadajir ugu qabtay Degmada Jowhar β€œGame Day Rollout – Gamification Application ee Mashruuca YOU-ACT.” Kulankan waxaa ka qeyb galay dhallinyaro ka socday afarta xaafadood ee Degmada Jowhar, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo ka qeybgalka dhallinyarada ee go’aaminta iyo mudnaansiinta mashaariicda horumarineed ee bulshadu soo jeedisay.

Intii uu socday kulankan, dhallinyarada ayaa koox-koox u falanqeeyay habka casriga ah ee dijitaalka ah ee gamification-ka, iyagoo ka doortay mashaariic horumarineed oo ay u arkaan inay mudnaan gaar ah u leeyihiin bulshadooda, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa lagu aqoonsan doono mashaariicda horumarineed ee laga taageeri doono Degmada Jowhar, isla markaana lagu xoojin doono dadaallada kor loogu qaadayo Dhallinyarada iyo Nabadda..

Wasaaradda ayaa u mahadcelisay Shaqadoon Somalia oo fududaynaysay tababarkaan iyo bahwadaagta mashruuca YOU-ACT, gaar ahaan IOM Somalia iyo Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO), kuwaas oo door muuqda ka qaatay taageeridda iyo xoojinta dadaallada dhalinyarada ee nabadda iyo horumarka bulshada.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 14/02/2026

πŸ† Kulmis Cup – Baladweyne

Tartanka Kulmis Cup ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Maayor Marwo Nadar, Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudane Cabdi Kabadorog, iyo Xoghayaha Isboortiga Hirshabelle Hassan Bile.

Kooxda Holac FC ayaa ku guuleysatay koobka, waxaana la guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin sharaf.

Tartankan ayaa xoojiyay midnimada, dhiirrigeliyay dhalinyarada, isla markaana kor u qaaday horumarinta isboortiga gobolka.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 13/02/2026

Beledweyne, 13 Febraayo 2026.

Maamulka Isboortiga degmada Beledweyne ayaa si guul leh u soo qabanqaabiyay kulan saaxiibtinimo oo kubada cagta ah, kaas oo dhexmaray kooxaha FC. Kaamil ee ka dhisan degmada Guriceel iyo FC. Waaberi oo ka dhisan magaalada Beledweyne. Kulanka ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Laqanyo, waxaana daah-furay xog'hayaha ururka kubada cagta Hirshabelle, Xassan Bille.

Ciyaarta ayaa soo jiidatay taageerayaal badan oo isugu yimid si ay u daawadaan, waxaana ka mid ahaa guddoomiyaha Isboortiga degmada Guriceel. Natiijada ciyaarta ayaa ahayd 3-0, iyadoo kooxda FC. Waaberi ee degmada Beledweyne ay ku guuleysatay ciyaarta, taasoo muujineysa awoodda iyo tayada kooxda. Kulankan saaxiibtinimo ayaa sidoo kale xoojiyay xiriirka ka dhexeeya labada degmo iyo kor u qaadida isboortiga guud ahaan.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle waxa ay dhiirigalinaysaa tartamada isdhexgalka ah ee sidaan oo kale ah Iyadda oo u mahadcelinaysa gudoonka Isboortiga Degmada , Gobolka Iyo Hirshabeelle ee howshaan u istaagay.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 06/02/2026

Jawiil, 6 Febraayo 2026.

Waxaa si guul leh loogu soo gabagabeeyey tartanka waaxyaha Degmada Jawiil, kaas oo ujeedkiisu ahaa dhiirrigelinta is-dhexgalka bulshada, dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleysatay Waaxda Waaberi, kaddib tartan xiiso iyo xamaasad leh oo ay ka qeyb galeen waaxyaha kala duwan ee degmada.

Munaasabadda gabagabada tartanka waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha oo aay kamid yihiin gudoomiyaha Isboortiga Gobalka Hiraan Cabdi Kabadorog iyo gudoomiyaha Isboortiga degmada Jawiil Shuceeyb Cali Macalin.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey dadaalka lagu horumarinayo ciyaaraha, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay taageeridda dhalinyarada iyo horumarinta isboortiga si loo xoojiyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 31/01/2026

Beledweyne, 31 Janaayo 2026.

Ururka kubada cagta gobalka Hiraan ayaa soo qaban qaabiyay tartan xiiso leh oo u dhaxeeya 8 koox oo ka socda xaafadaha magaalada Beledweyne. Tartankan ayaa waxaa daah-furay gudoomiyaha gobalka Hiraan, mudane Maxamed Xusseen Maxamed (Maxamed Carab), kaasoo ku bogaadiyay ururka kubada cagta dadaalkooda horumarinta isboortiga gobalka.

Xog'hayaha ururka kubada cagta Hirshabelle, Xassan Bille, iyo gudoomiyaha ururka kubada cagta gobalka Hiraan, Cabdi Kabadorog, ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay soo bandhigaan xirfado isboorti oo heer sare ah iyo inay ka qaybqaataan isdhexgalka bulshada.

Kulankii furitaanka tartanka ayaa dhexmaray kooxaha FC. Holac iyo FC. Gaadiidka. Ciyaarta ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, iyadoo labada kooxood ay ku kala baxeen 3-3. Si kastaba ha ahaatee, FC. Holac ayaa ku guuleysatay rigoore 4-2, taasoo muujineysa awoodooda iyo diyaar garowgooda.

Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Hirshabelle waxay si weyn u bogaadineysaa horumarinta isboortiga iyo isdhexgalka dhalinyarada ee ka socda deegaanada Hirshabelle, iyagoo rajeynaya in tartankan uu noqdo mid dhiirrigeliya xirfadaha dhalinyarada iyo kor u qaadista isboortiga gobolka.

Photos from IOM Somalia's post 29/01/2026

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle was honored to participate in the YOU-ACT Project Steering Committee Meeting in Mogadishu, hosted by FAO Somalia. The meeting convened government institutions and partners to enhance coordination, strategic guidance, and oversight under the UN Peacebuilding Fund–supported YOU-ACT Project.

Through this strong partnership, Hirshabelle continues to advance youth inclusion and youth-led peacebuilding as essential pillars for sustainable peace and community stability.


Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 28/01/2026

πŸ“ Muqdisho, Soomaaliya
πŸ—“οΈ 27 Janaayo, 2026

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte, ayaa maanta ka qayb galay Kulankii 2aad ee Guddiga Sare (Steering Committee) ee mashruuca YOU-ACT (Youth in Action), kaas oo uu shir-guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdikadir, ayna goob joog ka ahaayeen bahwadaagta mashruuca sida FAO, IOM, Shaqodoon iyo wakiillo ka socday Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay (UN PBF).

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray guulihii la gaaray, horumarka mashruuca, iyo sidii loo joogteyn lahaa loona ballaarin lahaa saameynta uu ku leeyahay dhallinyarada. Waxaa la soo bandhigay doorka mashruucu ka qaatay kobcinta awoodda dhallinyarada, iyada oo la bixiyay tababbarro la xiriira hoggaaminta, xalinta khilaafaadka, wacyigelinta bulshada iyo ka qaybgalka geeddi-socodka nabadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo adkeeyay ahmiyadda Dhismaha Golaha Dhallinyarada Caasimadda (Youth Advisory Council – YAC) oo noqday madal rasmi ah oo dhallinyaradu codkooda ku gaarsiiyaan hay’adaha dowladda, isla markaana yareysa farqiga u dhexeeya dhallinyarada iyo maamulka.

Wasiir Mohamed Aynte oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in mashruuca YOU-ACT uu yahay tusaale muujinaya waxa la gaari karo marka dhallinyarada la siiyo fursad iyo taageero, islamarkaana ay muhiim tahay in la joogteeyo si loo sii xoojiyo doorka dhallinyarada ee nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka Hirshabelle.

Ugu dambeyn, bahwadaagta mashruuca ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo dadaallada lagu joogteynayo mashruuca YOU-ACT si loo ballaariyo saameyntiisa mustaqbalka.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 23/01/2026

Golaha Dhalinyarada Caasimadda (YAC) ayaa kulan cayaareed oo soo-dhaweyn ah u sameeyay Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada, Mudane Nuur Siyaad.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Mohamed Aynte, Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Mukhtar (Baareey), mas’uuliyiin kale, iyo xubnaha Golaha Dhalinyarada Caasimadda (YAC). Intii kulanku socday, Agaasimaha cusub ayaa si diirran loo soo dhaweeyay, waxaana la muujiyay rajo weyn oo ku aaddan in uu sii wadi doono dadaallada culus ee horyaalla Wasaaradda.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle waxay uga mahadcelinaysaa Golaha Dhalinyarada Caasimadda (YAC) iyo Bahda Isboortiga Degmada dadaalkooda iyo garab-istaagga ay u muujiyeen Agaasimaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Nuur Siyaad Gacal🀝

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 22/01/2026

Beledweyne, 22 Janaayo 2026.
Maayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa caawa kulan Casho sharaf ah u sameeysay Dhallinyarada magaalada Beledweyne.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Guddoomiyaha Dhallinyarada dowladda Hirshabelle Mudane Cabdirisaaq Maxamed Al-Cadaala, Isku-duwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Siyaad iyo masuuliyiin ka kala socday bahyaha Sports, Dhallinyarada iyo wariyaasha gobolka Hiiraan.

Maayarka Beledweyne ayaa dhammaan Teamka aay caawa la kulantay uga mahadcelisay sida aay isugu xil-qaameen horumarka magaalada Beledweyne dhinacyada Nadaafadda, Caafimaadka, Dhallinyarada iyo Sports-ka.

Maayar Nadar ayaa ku boorisay Bulshada Beledweyne in aay ka shaqeeyaan sidii aay kaalintooda uga qaadan la haayeen horumarka magaalada Beledweyne.

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 14/01/2026

Beledweyne, 14 Janaayo 2026.

Ururka Kubada Cagta Gobolka Hiiraan ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar is xilqaan ah oo loogu talagalay macalimiinta kooxaha heerka koobaad ee magaalada Beledweyne. Tababarkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha ururka kubada cagta gobolka Hiiraan Cabdi Kabadorog iyo xoghayaha ururka kubada cagta Hirshabelle Xassan Bille, kuwaas oo macalimiinta kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadan muhiimka ah.

Macalin Xaseey, oo ka mid ah halyayada kubada cagta gobolka Hiiraan, ayaa bixinayay tababarkan, kaas oo diiradda saaraya kor u qaadista aqoonta macalimiinta degmada Beledweyne. Ujeedada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo xirfadaha macalimiinta si ay u horumariyaan ciyaartoyda iyo guud ahaan ciyaaraha kubada cagta ee gobolka.

Tababarka ayaa socon doona saddex maalin, waxaana la filayaa in macalimiinta la siiyo shahaadada macalinimo kadib dhamaadka tababarka, iyadoo la rajeynayo in tartanka heerka koobaad ee magaalada Beledweyne uu dhawaan bilaaban doono. Tani waxay fursad u tahay in la horumariyo ciyaaraha kubada cagta ee gobolka iyo in la dhiirrigeliyo dhalinyarada ku hawlan ciyaaraha.

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle's post 09/01/2026

Buuloburte, 9 Janaayo 2026.

Maamulka kubada cagta degmada Buuloburte ee gobalka Hiraan ayaa si guul leh u soo qaban qaabiyay tartanka kooxaha Sera A iyo Sera B, oo ay ka qeeyb galeen 20 kooxood oo isugu jira labada qeeybood.

Kooxaha FC. Midnimo iyo FC. Karaama ayaa ku kulmay finalka, halkaas oo FC. Midnimo ay ku guuleysatay gool ku laad 5-3, taasoo ka dhigtay inay noqoto kooxda horyaalka tartanka.

Guddoomiyaha ururka kubada cagta degmada Buuloburte, Fu'aad Hassan Abdulle (Baanja), ayaa soo xiray tartanka, isagoo u mahadceliyay kambaniga DULQAAD oo ka qeyb qaatay qabashada tartanka. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada kula dardaarmay inay horumariyaan isboortiga degmada Buuloburte, si loo gaaro guulo dheeraad ah mustaqbalka.

Tartankani wuxuu muujinayaa koritaanka iyo horumarka isboortiga ee degmada, waxaana la filayaa in sanadaha soo socda ay sii kordhaan tartamada noocan ah.

22/12/2025

Warqad ka soo baxdey Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha Hirshabeelle, Mudane Mohamed Aynte, ayaa lagu magacaabey Hoggaanka Dhallinyarada iyo Isboortiga Degmada Jawiil.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jowhar