Degmada Aadan-Yabaal Shabellada dhexe Somalia

Degmada Aadan-Yabaal Shabellada dhexe Somalia

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Degmada Aadan-Yabaal Shabellada dhexe Somalia, Public & Government Service, Jayga HW, Jowhar.

21/11/2025

Maalinta macaliminta somaliyed 21 November 🇸🇴

Waxaan halkaan hambalyo ka leenahay dhamaan barayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan macalimiinta Dugsiga Sheikh Axmed Ziyaar Primary & Secondary School .

"Mudnaan Macallin baa leh".

04/11/2025

Gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Cali Cumar Balli oo howlo shaqo u joogo Magaalada Jowhar Ee Caasimada Hirshabeelle ayaa kulan muhiim la qaatay mid kamid ah Masuuliyiinta Hay'adda IMC Farceeda Jowhar.

29/10/2025

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha hoose ee Hirshabeelle oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal

Gudoomiayaha Degmada Aadan Yabaal Cali Cumar Balli ayaa booqday Xafiiska Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle

Waxaana Xafiiska ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Nuur Xasan Muuse Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee hirshabeelle Mudane C/raxmaan Daahir Guure Karoore

Gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Iyo masuuliyinta Ayaa ka wada hadlay sii loo horumarin lahaa deegaanada Dowlada Hitshabeelle.

25/10/2025

Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabal oo kulan mira dhal ah la qaatay wasiirka dhalinyarada iyo sportiga Hirshabelle.

Cali Cumar Balli oo ah gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha hirshabeelle halkaasi oo ay ka socotay dhismaha xarunta Wasaaradda.

Kormeerka gudoomiyaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada Iyo Cayaaraha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Ceynte waxa ayna ka wada hadleyn sidii loo horumarin lahaan dhalinyarada Hirshabeelle gaar ahaan dhalinyarada ku nool Degmada Aadan Yabaal.

Gudoomiye Cali Cumar Balli ayaa waddo dadaalo ku aadan sidii qeyb weyn looga qaadan lahaa dardargelinta arimaha dhalinyarada.

30/03/2025

Waxaan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan umadda somaliyed ugu hambalyeynayaa munaasabada ciidul-Fidriga.

Waxaan ilaahay ka rajeynayaa inuu sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo barwaaqo iyo Xasilooni waarta ,Acmaashii Ramadaankana rabbi ha inaga aqbalo.

Eid Mubarak.

18/03/2025

AADANYABAAL

Manta oo taarikhdu ahyd 18 Maarso 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray Degmada Aadan Yabaal, Furimaha h**e dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

09/02/2025

انا لله وانا اليه راجعون اللهم اغفر له وارحمه

Maamulka degmadda Aadanyabaal oo ugu sareeyo gudoomiyaha degmadda Aadanyabaal Cumar Macin Cabdule waxa ay tacsi u dirayaan ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay Cismaan Maxamed Qonjor oo ahaa Aabaha Gudoomiye Xasan Cismaan Maxamed oo katirsan Maamulka degmadda Aadanyabaal samir iyo iimaan Alle haka siiyo qaraabada Asigana Janatul fardowsa Alle ha ugu bishaareeyo.

20/01/2025

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe ayaa Axmed Cali Axmed u magacaabay Guddoomiyaha waaxda waaberi ee Degmada Aadanyabaal.

11/01/2025

Aadanyabaal, Sabti, 11 janaayo 2025:- Guddoomiyaha waxbarashada iyo tacliinta sarre ee Degmada Aadanyabaal Hassan Osman Mohamed ayaa daahfuray imtixaanka dhexe sanad dugsiyeedka 2024-2025 dhamaan ardayda soomaliyeed ee saake u fariistay imtixaanka dhexe waxaan u rajeyneynaa natiijo wanaagsan insha Allah.

05/01/2025

Guddoomiyaha degmada Aadanyabaal cumar macalin cabdule ayaa booqasho ku tagay dugsiga hoose dhexe ee shiikh Axmed siyaar si uu ugu kuur galo xaalada guud ee iskuulka iyo tan waxbarasho ee degmada waxuuna dardaaran iyo mahadcelin u jeediyay maamulka iyo macalimiinta sidoo kale wuxuu bogaadiyey ardeyda iskuulka.


04/01/2025

Guddoomiyaha cusub ee degmadda Aadanyabaal ayaa kulan is xogwareysi ah la yeeshay ku xigeenadiisa iyo guddomiye waaxeedyada qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada.

02/12/2024

Drs Fathi Abdulahi Gedi ayaa loo magacaabey Agaasimaha isbitaalka degmada Aadanyabaal.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jayga HW
Jowhar
252