18/02/2026
RAMADAAN KARIIM!!!
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda HirShabelle, Mudane Mohamed Mo’allim Omar Meyre ayaa Muslimiinta Caalamka guud ahaan, Gaar ahaan Shacbiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Gudoomiye Meyre ayaa yiri: “Bisha Barakeysan ee Ramadaan waa Bil kulansatay Seddex Waxyaabood oo muhiim ah :
1. In Tobanka h**e ay Tahay Maalmaha Raxmada (Naxariis).
2. In Tobanka Dhexe ay Tahay Maalmaha Magfirada (Dembi-dhaaf).
3. In Tobanka Dambe ay Tahay Maalmaha ilaaheey Adoomadiisa u ballan qaaday inuu Naarta ka Xoreeyo.
Sidaas awgeed , Waxaa muhiim ah in aan u istaagno Taakuleynta Dadkeena Danyarta ah " .
Ugu dambeyn; Guddoomiyaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray guud ahaan Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda HirShabelle Meel Waliba oo ay joogaan .
Alle ha inaga dhigo kuwii ka Faa’iideesta Bishaan Barakeysan ee Ramadan , islamarkaasina Ilaaheey Waxa aan ka baryeenaa inuu Cibaadada Bishaan Fadliga iyo Kheyrka badan inaga aqbalo.
Aamiin.
23/10/2025
https://qaranjobs.com/job/curriculum-officer-jowhar-hirshabelle-state-of-somalia/
Curriculum Officer – Jowhar, Hirshabelle State of Somalia
Curriculum Officer – Jowhar, Hirshabelle State of Somalia HIRSHABELLE STATE OF SOMALIA CIVIL SERVICE COMMISSION VACANCY ANNOUNCEMENT Job Title: Curriculum Officer Ministry/ institution: Mini…
21/10/2025
https://qaranjobs.com/job/non-formal-and-tvet-education-director-jowhar-hirshabelle-state-of-somalia/
Non-Formal and TVET Education Director – Jowhar, Hirshabelle State of Somalia
Non-Formal and TVET Education Director – Jowhar, Hirshabelle State of Somalia HIRSHABELLE STATE OF SOMALIA CIVIL SERVICE COMMISSION VACANCY ANNOUNCEMENT Job Title: Non-Formal and TVET Educat…
23/08/2025
https://qaranjobs.com/job/revenue-director-jowhar-hirshabelle-state-of-somalia/
Revenue Director – Jowhar, Hirshabelle State of Somalia
Revenue Director – Jowhar, Hirshabelle State of Somalia HIRSHABELLE STATE OF SOMALIA CIVIL SERVICE COMMISSION VACANCY ANNOUNCEMENT Job Title: Revenue Director Department: Revenue Department …
18/08/2025
XAFIISKA GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA AH EE DOWLADA HIRSHABELLE OO MAANTA KA DAAHFURAY MAGAALADA JOWHAR EE CAASIMADDA DOWLADA HIRSHABELLE WORKSHOP KA KORDHINTA DUMARKA EE SHAQAALAHA DOWLADA.
Jowhar, 18-August-2025: Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada HirShabelle Mudane Mohamed Mo’allim Omar Meyre ayaa si rasmi ah u daahfuray Tababar la xeriira Kordhinta iyo Taageeridda in dumarku ay helaan kororka qoondada ay ku leeyihiin Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada.
Waxaa ka soo qeyb galay Workshopka Marti sharif muhiim u ah Mashruuca Ololaha kordhinta Qoondada Dumarka ay ku leeyihiin Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada , Waxaana ka mid ahaa: Agaasimaha Guud we Wasaarada Haweenka & Xuquuqul insaanka, Agaasimaha Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada, Lataliyaal sare, Ururada Bulshada Rayidka ah sida Ururka Haweenka iyo Ururka Dhalinyarada, Xildhibaano heer State iyo heer Degmo (Golaha Deegaanka Degmada Jowhar) , Odayaal iyo Marti sharaf kale oo muhiim ah.
Gudoomiye Mohamed Mo’allim Omar Meyre ayaa khudbad daah fur ah ka jeediyey Waxa uuna yiri:” Dumarku waxa ay leeyihiin Maqaam la mid ah kan ragga oo kale markii la joogo Fursadaha Shaqada, Waxbarashada, Cadaalada, Waxaana kudhiirigelineynaa Dumarka Soomaaliyeed inay soo raadsadaan Fursadaha Shaqda la soo bandhigo si aan u helno koror dhanka Shaqaalaha Dowlada ah ee ay ka faaiideestaan Dumarku si loo ilaaliyo dheelitirka jinsiga oo inoo ah hortabinta iyo ka go’naashaha kobcinta Shaqaalaha Dumarka ah inay dowladu ka helaan Qoondadooda”.
Mashruucaan oo lagu magacaabo WOMEN IN GOVERNMENT Waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka Mashruuciisa SERP Qeybtiisa PSM ka ( Public Sector Management) oo ka dhexeeya , isla markaasina wada Fulinayaan Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Wasaaradaa Shaqada & Arimaha Bulshada .
Ugu dambeyn, Waxaa loo guda galay doodo ku dhisan Caqabadaha ka heesta Dumarka Soomaaliyeed inay si rasmi ah u helaan Shaqaaleysiinta Dowlada, iyadoo la dul istaagayo aas’aaska mushkilada iyo waxa sababta u ah in ay dumarku ka gaabiyaan helitaanka Shaqada ay dowladu bixiso, Waxaana sii socon doono maalmaha xiga dooda oo aad u ah mid u xiiso badan, Waxaana rajeyneynaa inuu Workshop ka ka soobixi doonto gebogabadiisa natiijo ama Xal miro dhal buuxa u noqda caqabadaha ka heesta in Dumarka Soomaaliyeed ay helaan Shaqada ay Dowladu bixiso.
Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowlada HirShabelle.
Jowhar, HirShabelle, Somalia.
14/07/2025
14 July, 2025: Nairobi, Kenya
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shirkii Madasha 4'aad ee Dib u habeynta Maamulka Dadweynaha ee labada heer ee Dowladda.
Shirkan oo muhiimad weyn u leh horumarinta Maamulka Dowladeed ayaa waxaa ka qeybgalay wufuud ka kala socotay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Hey'adaha Qaran ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada HirShabelle Mudane Mohamed Mo'allim Omar Meyre ayaa ka qeyb galay shirka Madasha, Waxa uuna ku nuuxnuuxsaday mar uu hadlayey muhiimada ay leedahay taageeridda hanaanka toggan ee ka qeybgalka Haweenka ee Hey'adaha kala duwan ee Dowlada si loo helo dheelitir iyo cadaalad bulsho oo halbeegeedu yahay in loo sonnaado fursadaha shaqada iyo ku dhiiri gelinta doorka Haweenka ee ka qeyb galka Xafiisyada Shaqaalaha Dowladda .
Sidoo kale, Shirkaan ayaa fursad u noqday in si qoto dheer looga dooday caqabadaha hor taagan dib-u-habeynta Maamulka Dadweynaha, Waxaana la isla meel dhigay xalal wax ku ool ah, si loo dardargeliyo Dadaallada lagu horumarinayo Maamulka Dadweynaha ee Barnaamijkaan oo muhiim u ah Dowlad dhiska Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi deggan, Waxaana loo ballamay fulinta Maxsuulkii ka soo baxay oo ah mid wax weyn ka tari doona horumarinta kheyraadka Maamulka Dadweynaha ee labada heer ee Dowladda Soomaaliya.
Dhamaad...
01/05/2025
XUSKA MUNAASABADDA MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA EE 1-DA MAY.
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada HirShabelle Mudane Mohamed Mo'allim Omar Meyre ayaa hambalyo u diray Dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada HirShabelle Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May aawadwed oo laxuso Maanta oo kale sanad kasta.
Munaasabadda 1-da May ayaa ah Maalin la fasaxo Dhammaan Shaqaalaha Adduunka, gaar ahaan kuwooda Soomaaliyeed, Waxa ayna u dabaaldagaan sanad kasta doorkoodu muhiimka ah ee ay ku leeyihiin Horumarinta Shaqadooda iyo kobcinta Xirfada Aqoontooda si loo xaqiijiyo hiigsiga iyo hadafka shaqadooda.
Gudoomiye Meyre ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada HirShabelle inay ku shaqeeynayaan KART & HUFNAAN ayna ilaaliyaan mabaadii'da Dowladnimada iyo Horumarinta shaqada si loo gaaro yoolalka inoo degsan.
Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha ayaa u rajeeyey Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada HirShabelle inay ku gaaraan sanadkaan kiisa kale Caafimaad , Baraare iyo horumar taabta shaqadooda.
"Shaqaaluhu waa Cududda iyo Laf dhabarka Horumarka Qaranka".
Dhamaad.
09/03/2025
Taariikh: 09/ 03/2025
Jowhar, HirShabelle, Somalia.
Maanta Waxaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabelle uu ka daahfuray Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Hirshabelle Mudane Mohamed Mo'allim Omar Meyre Aqoon-isweydaarsi ku saabsan (Stakeholder Engagement) talo-gelinta Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Dhismaha Xafiiska Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Hirshabelle, Waxaana taabogelinaya Mashruuca SERP ee Bankiga Adduunka.
Waxaa ka soo qeyb galay Aqoon-Isweydaarsigaan, Bulshada Qeybaheeda kala duwan sida Odayaasha, Ururada Dhalinyarada & Haweenka, Culumaa'udiin iyo qeyb ka mid ah Hey'adaha Dowlada Hirshabelle.
Waxaana kulanka kalmad soo dhoweyn ah iyo muhiimada uu leeyahay dhismsha Xafiiska Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ka jeediyey Gudoomiyaha ahna Duqa Degmada Jowhar Mudane Cismaan Baarey Mohamed, Waxaa sidaas oo kale faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Mashruucaan Dhismaha Xafiiska Guddiga Shaqaalaha rayidka ah Iskuduwaha Mashruuca SERP ee Bankiga Adduunka ee u qaabilsan Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle Mudane Mohamed Ahmed Gaabax .
Waxaa Xusid mudan in Ka qeybgalayaasha Madasha aqoon-isweydaarsigaan su' aalaha ay soo bandhigeen uga jawaabayey Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada Dowladda Hirshabelle Mudane Muxudiin Ali Mohamed (Lixle) , Latalitaha Xafiiska Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Mashruuca SERP Mrs. Hibo Mohamed Hassan iyo Mohamed Ahmed Gaabax oo ah Xeriiriyaha Mashruuca SERP ee Hirshabelle.
Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Hirshabelle Mr. Mohamed Mo'allim Omar Meyre ayaa soo xeray Seminarka, Waxa uuna u mahadceliyey inta ka soo qeyb gashay madashaan Aqoon-isweydaarsiga ah ee ugu h**eeyso Wasaarada Maaliyadda Hirshabelle, Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Dowladda Hirshabelle, Mashruuca SERP ee Bankiga Adduunka, Bulshada rayidka ah qeybahooda kala duwan, Wuxuuna ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.
Dhamaad.