Hirshabelle State House

Hirshabelle State House

Share

This is the official page of the State house of the Hirshabelle State of Somalia

27/05/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo galabta shacabka kula ciiday beeraha dalxiiska iyo goobaha ganacsi ay ku kulmaan ee magaalada Jowhar.

27/05/2026

Salaada Ciidda kaddib Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo haddal kooban u jeediyey shacabka.

Photos from Hirshabelle State House's post 27/05/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo aqalka madaxtooyadda salaada ciidul-adxa kula dukaday masuuliyiin iyo shacab.

26/05/2026

Farriinta Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ee munaasabadda ciidul-adxa.

15/05/2026

Farriinta Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

12/05/2026

Haddal-jeedinta Meertada 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Photos from Hirshabelle State House's post 12/05/2026

MEERTADA 7-AAD EE CAAFIMAADKA SOOMAALIYA

Jowhar, 12-May-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadli doono sidii loo horumarin lahaa adeega caafimaad ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa soo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS, waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Wasaaraddaha Caafimaadka Dowladdaha xubno ka ah Dowladda Federalka, Maamulka Gobalka Banaadir iyo Ururada Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa tilmaamay in go’aano wax ku ool ah oo caafimaad lagu gaari doono magaalada Jowhar.

“Waxaan hormuud ka noqon doonaa qoddobada masiiriga u ah caafimaadka Soomaaliya ee aad halkan kusoo saari doontaan, talaabo fiican ayay noqon doontaa in dadka Soomaaliyeed ay isku-tashadaan.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa warkan ka sheegay goobta shirka.

Gunaanudkii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bahda caafimaadka Soomaaliyeed kaalintooda naf-hurnimada ah iyo shirkooda sannad-laha ah.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

Photos from Hirshabelle State House's post 09/05/2026

HIRSHABEELLE IYO CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA

Jowhar, 9-May-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo diirada lagu saarayey dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa galabta soo gaaray magaalada Jowhar.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa caawa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Taliyaha, intaas kaddib ayaa la galay shir guud oo ay ka qeybgaleen saraakiishii horay uga howlgaleysay deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Muddada uu shirka socday ayaa lagu gorfeeyay xaaladdihii ugu dambeeyay iyo sida howlgal sifeyn ah oo ka dhan Khawaarijta loo qaadi lahaa.

Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqtigii shacabka Hirshabeelle laga dulqaadi lahaa dhibaatada argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo la dardaarmayey saraakiisha ayaa yiri: “Allaha idinku guulleeyo, garab ayaan idin kugu nahay dagaalka Khawaarijta.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka dardargelinta dagaalka Khawaarijta.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

29/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo khudbadiisii munaasabada daah-furka xarunta JSP ee magaalada Jowhar.

Photos from Hirshabelle State House's post 29/04/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY XARUNTA XISBIGA CADAALADDA IYO WADAJIRKA EE MAGAALADA JOWHAR

Jowhar, 29-Abriil-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Xoghayaha Baahinta, Horumarinta iyo Isku-xirka laamaha ururka ayaa xariga ka jaray xarunta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka Yuusuf Xuseen Jimcaalle (Madaalle).

Sidoo kale munaasabada waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, qaar ka mid ah xubnaha fulinta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP), Duqa caasimada Jowhar iyo qeybaha bulshada.

“Maanta waa maalin weyn, waa xaruntii 2-aad ee JSP oo laga daah-furay Hirshabeelle. Qof walba oo han leh ha yimaado fagaaraha.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo haddal ka jeedinayey munaasabadda ayaa sidaas yiri.

Shacabka Hirshabeelle ayaa si weyn isaga diiwaangeliyey goobaha ay u asteeyeen Guddiga Doorashooyinka.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jowhar