Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle

Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle

Share

Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle.

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 28/02/2026

Mahadaay 28 February 2026

Waxaa si guul leh loo soo xiray shirkii wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Degmada Mahadaay, kaas oo maalmo ka socday degmada, isla markaana lagu kulmiyey laba beelood oo walaalo ah, Beesha Kaboole iyo Beesha Caloofi.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta nabadda, wada-noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadkii u dhexeeyey labada dhinac, waxaana lagu soo gabagabeeyey jawi is-afgarad, is-ixtiraam iyo rajo nabadeed.

Mas’uuliyiinta ka qayb-galay shirka ayaa carrabka ku adkeeyey in nabaddu tahay saldhigga horumarka bulshada, iyagoo ku boorriyey dhinacyadii kulmay in ay sii wadaan wada-hadalka iyo wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hanaqaadda Degmada Mahadaay.

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 23/02/2026

Waxaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Degmada Mahadaay shir wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin ah oo lagu kulmiyey laba beelood oo walaalo ah, Kaboole iyo caloofi .

Shirkan oo ujeedkiisu yahay xoojinta nabadda, wada noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadkii u dhexeeyey labada dhinac, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa midnimada iyo iskaashiga bulshada, loogana miro dhalin lahaa nabad waarta oo degmada ka hanaqaadda.

Kulanka waxaa goob-joog ka ah Agasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ku boorriyey labada beel in ay sii xoojiyaan dadaallada nabadda, is-ixtiraamka iyo wada shaqeynta joogtada ah.

Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyey in nabaddu ay tahay tiirka horumarka iyo xasilloonida bulshada, isla markaana loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara dib-u-soo-noqoshada khilaafaadka, si loo xaqiijiyo mustaqbal nabdoon oo ay wadaagaan dhammaan bulshada

22/02/2026

Daawo khudbada Godomiyaha degmada mahadaay Mudane ahmed Hussein Afrax

DAAHFURKA HANNAANKA DHEX-DHEXAADINTA KHILAAFAADKA
BULSHADA EE DEGMADA MAHADAAY

22/02/2026

Daawo khudbada furitanka uu ka jeediyey Wasiir kuxigeenka ee Wasaaradda dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta dowlada Hirshabelle Mudane ahmed Mohamed abdullahi.

DAAHFURKA HANNAANKA DHEX-DHEXAADINTA KHILAAFAADKA
BULSHADA EE DEGMADA MAHADAAY

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 21/02/2026

Mahadaay 21 February 2026

Waxaa maanta ka qabsoomay Degmada Mahadaay shir wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin ah oo lagu kulmiyey laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo kala ah Beesha Kaboole iyo Beesha Gaaljecel.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta nabadda, wada noolaanshaha, iyo xal u helidda khilaafaadkii u dhexeeyey labada dhinac, iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay midnimada iyo iskaashiga bulshada.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Guddoomiyaha Degmada Mahadaay, iyo Xoghayaha Degmada, kuwaas oo dhammaantood ku boorriyey labada beel in ay ka shaqeeyaan nabad waarta, is-ixtiraam iyo wada shaqeyn joogto ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in nabaddu ay tahay tiirka horumarka, isla markaana bulshada looga baahan yahay inay ka fogaadaan wax kasta oo dib u hurin kara khilaaf.

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 19/02/2026

Mahadaay 19 February 2026

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta iyo Nabadeynta Dowladda Hirshabelle, Mudane Ahmed Mohamed Abdullahi, oo ay garab taagan yihiin Agasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdishakur Abdullahi Mohamed, iyo Guddoomiyaha Degmada Mahadaay, Mudane Ahmed Hussein Afrax, ayaa maanta si wadajir ah uga daah-furay Degmada Mahadaay kulan la-tashi iyo wacyigelin bulsho.

Kulankan oo ah mid hordhac u ah qorsheyaasha dhexdhexaadinta khilaafaadka bulshada, ayaa lagu falanqeeyay sida loo xoojin karo wadajirka, kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada degmada. Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga dooday doorka odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka jira.

Mas’uuliyiinta ayaa ku boorriyay bulshada inay ka shaqeeyaan midnimo, is-ixtiraam iyo wada hadal furan, si loo gaaro nabad waarta oo sal adag ku taagan. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Wasaaraddu ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada nabadeed ee ka socda degmada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku wajahan xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta wada noolaanshaha bulshada guud ahaan deegaanada Hirshabelle.

16/02/2026

Daawo khudbada Godomiyaha degmada WARSHIIKH Mudane Mohamed hassan Mataaan
Ee Xeritaanka kulanka dood-wadaag lagu gorfeynayo sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo isdhexgalka u dhexeeya dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha, iyo bulshada degan degmada.

16/02/2026

Daawo khudbada xeritaanka uu ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta dowlada Hirshabelle Mudane Abdishakur Abdullahi Mohamed dood-wadaag lagu gorfeynayo sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo isdhexgalka u dhexeeya dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha, iyo bulshada degan degmada.

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 16/02/2026

WARSHIIKH 16 February 2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay dood-wadaaggii ka socday Degmada Warshiikh, kaas oo lagu gorfeynayay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo isdhexgalka dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha, iyo bulshada degan degmada.

Xiritaanka kulanka waxaa si wadajir ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ,Abdishakur Abdullahi Mohamed iyo Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Mohamed Hassan Mataan.

Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta wada noolaanshaha, isfahamka, iyo kalsoonida bulshada, iyagoo ku booriyay dhammaan qeybaha bulshada in ay sii joogteeyaan wada hadalka iyo iskaashiga si loo helo nabad waarta iyo midnimo bulsho oo adag.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada Degmada Warshiikh.

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 15/02/2026

WARSHIIKH 15 February 2026

Waxaa maalintii labaad Degmada Warshiikh ka socda dood-wadaag lagu gorfeynayo sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo isdhexgalka u dhexeeya dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha, iyo bulshada degan degmada.

Kulanka waxaa goob-joog ka ah Abdishakur Abdullahi Mohamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta iyo Nabadeynta Dowladda Hirshabelle, kaas oo si dhow ula soconaya doodaha iyo talooyinka ka soo baxaya ka-qeybgalayaasha.

Dood-wadaaggan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada noolaanshaha, isfahamka, iyo kalsoonida bulshada, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada hadalka si loo helo nabad waarta iyo midnimo bulsho.

Dhamaaad.

15/02/2026

Daawo Muuqaalka Guud ee Xeritaanka shirka nabadda is dhexgalka bulashada degmada cabdale Shabellada dhex Hirshabelle of Somalia .

Photos from Wasaaradda Dib -U- Hishiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle's post 14/02/2026

WARSHIIKH 14 February 2026

Abdullahi Mohamed Omar, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta iyo Nabadeynta Dowladda Hirshabelle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Warshiikh, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Degmada Warshiikh dood-wadaag ballaaran oo diiradda lagu saarayay xoojinta wadajirka, isdhexgalka, iyo wada noolaanshaha bulshada.

Dood-wadaaggan ayaa si qoto dheer loogu gorfeynayay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka u dhexeeya dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha, iyo bulshada martida loo yahay ee ku dhaqan Degmada Warshiikh, si loo helo bulsho mideysan oo ku dhisan isfaham, kalsooni, iyo wada shaqeyn joogto ah.

Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer degmo iyo heer gobol ah, odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, culimo, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si furan uga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha la heli karo ee lagu horumarin karo nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta iyo Nabadeynta ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada hadalka bulshada, lana abuuro hannaan lagu xallin karo khilaafaadka si nabadeed, isagoo xusay in nabad waarta ay saldhig u tahay horumarka, midnimada, iyo xasilloonida bulshada.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo lagu taageerayo dib-u-heshiisiinta, wadajirka bulshada, iyo ilaalinta nabadda, gaar ahaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha.

Ugu dambeyn, dood-wadaaggan ayaa lagu soo gabagabeeyay talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga bulshada, korna loogu qaadayo wacyiga nabadda iyo wada noolaanshaha, si Degmada Warshiikh ay u noqoto deegaan ku dayasho mudan oo nabad iyo midnimo ku dhisan

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Jowhar
Jowhar
00000